SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dacwadda Garsoore Borrel waa marmarsiinyo looga aar goosanayo Madaxweyne Geelle...

zakaria houssein
murtishiil@hotmail.com

waxaa maalmahan dalka Djibouti ka socday bannaanbaxyo si wayn looga qayb gelay oo lagaga soo horjeeday eedeeynta labo iyo toban jirsatay ee ay xukuumadda Faransiisku u maleegtay madaxwaynaha Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geelle  ee ku aaddan kiiskii garsoore Bernard Borrelkii ku bakhtiyay Djibouti 19 oct. sannadkii 1995, islamarkaana uu taliska faransiisku Madaxwayne Geelle oo xilligaasi ahaa madaxa nabad sugidda qaranka ku eedeeyay ka danbaynta dilka ninkaasi, bannaanbaxyadan cadhaysan ee ay dad waynaha reer Djibouti soo abaabuleenna waxay ahaayeen kuwo ay ku garab istaagayeen madaxwaynahooga Mr.Geelle.

Bernard Borrel oo ahaa garsoore u dhashay dalka Faransiiska oo dawladda Djibouti gacan ka siin jiray dhinacyada habaynta amuuraha caddaaladda islamarkaana ahaa la taliyihii wasiirka caddaaladda ee xilligaasi Mumin Bahdoon Faarax ayaa maydkiisa laga helay meel u jirta 80 km caasimadda Djibouti, xaqiiq radian iyo baadhitaanno loo dhammaa oo wakhtigaasi la sameeyayna waxaa ka soo baxay inuu garsooruhu arrimo shakhsi ahaaneed isku dilay, arrintaasina waxay keentay in kiiskaasi xidhmo. haseyeeshee muwaadin reer Djibouti ah oo magangelyo ka rebay Faransiiska oo la yidhaa Saalix Al- Xamiiqaani ayaa sannadkii 2000 arrintan soo nooleeyay oo waxyaabo uu ku tilmaamay caddaymo sugaya in madaxwayne Geelle garsoorahaasi khaarijiyay u gudbiyay faransiiska, dhacdadaasina waxay keentay in uu faransiisku huriyo kiiskaasi markale.

haseyeeshee, xidhiidhka Faransiiska iyo MR.Geelle ka hor intaanu hanan madaxnimada Djibuti ayaa la sheegaa inuu ahaan jiray mid aan fiicnayn, iyada oo ay jirtay marar uu Faransiisku shirqoollo dhicisoobay u maleegay madaxwayne Geelle  sida bashqad ay ku jirtay cajalad Video ah oo lagu soo lifaaqay waxyaabaha qarxa oo Mr Ismaaciil looga soo diray magaalada Marseill 13 kii December ee 1994, cadaawaddan Faransiisku Mr.Geelle u hayana waxa loo aaneeyaa madaxwaynaha oo ah siyaasi ruug caddaa ah oo aan marnaba lagu dabo rogi Karayn shuruucda siyaasadda iyo iskaashiga labo geesoodka ah ee ka dhaxayn kara labo dal oo uu midkood ka kale gumaystay.

Dhinac kale, arrintan la baxday (l`affair du Borrel) markii si hufan loo diraaseeyay waxaa caddaatay sida ay ilo xog ogaalihi sheegeen inuu garsooruhu gacantiisa isku dilay, maxaayeelay waxaa la xaqiijiyay caddaymo ay ka midyihiin inuu maalmihii u danbeeyay noloshiisa uu walbahaar iyo fakir badani ku furraa, kaasoo sida la sheegay ka dhashay muran qoyseed u dhaxeeyay isaga iyo xaaskiisa Elisabeth Borrel oo baryahan danbe xoojisay dadaalka ay ugu jirto dhalleecaynta madaxwayne Geelle.

Sidoo kale waxaa la sheegay inuu markii ay ka dhammaatay ee uu gurigiisa ka baxayay inuu quraadrad gaas ah qaatay dabadeedna raqdiisa oo dhinac gubatay laga helay deegaanka Qubbat –Al Kharab, waxa kale oo ka markhaati kacaya arrintaasi sida la sheegay dardaaran uu garsooruhu xaaskiisa uu qoray oo ku wajahnaa habka loo maarayn doono hantidiisa geeridiisa ka dib.

Isku soo wada xoori oo arrintan 12 jirsatay ee haweenaydii ka hadhay garsoore Borrel jiifka u diidday ayaa u muuqata marmarsiinyo siyaasadeed oo meel hoose laga dhiraan-dhirrinayo, ujeedada laga leeyahayna ay tahay in lagaga aargoosto madaxwayne Geelle oo qaladka lagu haystaa yahay hanashada madaxnimada dalkiisa iyo codka shacabkiisa isaga oo aan haysan raali ahaanshaha Faransiiska, kiiskanna waxa uu noqday mid looga ololeeyo warbaahinta dalkaasi, markasta oo uu Faransiisku jalleeco geeddi socodka siyaasadda iyo horumarka Djibouti oo ah goob juqraafiyeed muhiim ah oo dowladaha waawayn ee caalamku usoo kala badiyaan sidii ay xidhiidh iyo iskaashi ula yeelan lahaayeen.

Si kastaba ha ahaatee sida ay dad badan oo siyaasadda ku xeel dheeri qabaan Mr.Geelle ayaa ah siyaasi magac wayn ku leh qaaradda Africa, waxana la sheegaa inuu ka khibrad badan yahay nolosha siyaasadeedna ka yaqaan  madaxwayne Nicola Sarcoziga Faransiiska oo si dardar leh uga shaqaynaya arrintan taageero  buuxdana la dabo taagan Elesabeth Borrel, waxaasa xaqiiq ah sida ay dad badani qabaan inaanu kiiskani saamayn xun ku yeelan doonin masiirka Djibouti iyo Mr.Geelle toona maadaama ayna qadiyaddaasi cuskanayn sida la sheegay caddaymo sugan oo ay tahay been abuur aan geed loogu gabban.

laakiinse akhristow ma kula tahay Mr.Sarcozy inuu damac kaga jiro haweenayda ka hadhay Borrel maadaama ay dhawaan kala tageen xaaskiisii hore, oo uu baryahanba doob ahaa? Dhacdadaasi ma hubo tafaasiilna kama hayo wuuse dumaali kara odaygu duqda iyada oo aan dacwado kale la gelin.

zakaria houssein
murtishiil@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 27, 2007

Dhismaha Jidka Isku xiriiriya Boorama iyo Dilla
Booraama

Ururka ARNA oo ka shaqeyn doona dhismaha wadada isku xirta Dilla iyo Borama oo lagu dhawaaqay... Akhri..


XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com