Xasiloonidda & Horumaradda
Somaliland gaadhey & Amni
daradda iyo dhibaatooyinka
kahaloosan Somaliya.“Waxaa
Somaliland kajirta xasilooni,
iyo horumaro dhaqaale,
xasiloonidaasi oo aan kajiran
South Africa & Cariga
Mareykanka,tusaale ahaan,
Mareykanka markaad istidhaahdid
lacag kalabax machineka lacagta
(ATM), waxaad kabaqeysaa in
dhabarka lagaa toogto, halka
Somaliland dumarku lacag ey
isdulsaarsaareyn suuqyadda
Hargeisa, halkan South Africa oo
leh Dowlad kamajirto
xasiloonidda kajirta
Somaliland”Ahmed Dowlo, maamulka
sare ee Jaaliyadda Ogaadeeniya
ee K/Africa.
Pretoria, Dr.Iqbal Jhazbay oo
katirsan Jaamacadda weyn ee
K/Africa (UNISA), oo
islamarkaana ah khabiir
kutakhasusey arimaha bariga
dhexe & geeska africa oo
uwehiliyo Prof.Chris Landsberg
oo katirsan Jaamacadda
Johannesburg & Machadka
barashada siyaasada ee
fadhigiisuyahey magaaloweynta
Johannesburg ayaa bandhig
cilmiyeed kusaabsan
xasiloonidda, horumaradda
dhaqaale, waxbarasheed,
siyaasadeed ee kajira
jamhuuriyadda Somaliland, &
amnidaradda, dhibaatooyinka
kahalosan Somaliya
kusoobandhigey xarunta
Jaamacadda weyn ee UNISA, 23
oct, waxaa kasooqeybgaley dad
isugujira Mutacalimiin,
Siyaasiin, Bahda Saxaafadda,
Xubno katirsan Jaaliyadda
Somaliland ee K/Africa,
Jaaliyadda Ogaadeeniya ee
K/Africa, Soomaali-kudhaqan
K/Africa. Seminaarkan oo socdey
2 saacadood wuxuu Dr.Iqbal
Jhazbay kufurey hadalkiisa
“waxaa arin aad loojecleysto
oo kudayosho mudan ah
marxaladaha Somaliland soomartey
iyo sida ey uguguuleysteen in ey
markii dagaalkii ey
kulasoonoqdeen xoriyadooda ey
kasoolaabteen sida ey Sulux iyo
nabadgelyo waarta oo ilaa manta
ey hoos hadhasanayaa umadda
somaliland (Reconciliation)
ugadhexdhaliyeen qabiiladda
kaladuwan ee Somaliland wada
daga, arintani waa arin
kudayasho mudan oo Africa &
Caalamkuba ey tahey in ey
kagadeydaan Somaliland”,
Soomalidu waxey kumahmaahdaa Ama
Buur Ahow ama Buur Kutiirsanow,
mahmaahdan oo ey fahmayaan badi
Soomaalida kasooqeybgashey
Seminaarkan, Somaliya marka aad
eegtid kumey guuleysan in ey
sulux waara kadhaliyaan
Soomaaliya inteeda kale,
Somaliland waxey isticmaleen
Guurti & Xeer hoosaadyo si
ugusoodabaalaan nabad waarta
cariga Sland, dhinaca dhaqanka
Somaliland waxey leedahey dhaqan
ey u isticmaalaan xalinta
khilaafaadka, laakiin
gumeystihii Talyaanigu Koonfurta
Somaliya ugamuutagin dhaqan” Dr.
Iqbal
Maruu kahadlayey dibudhiska
(Reconstruction) waxa uu
tilmaamey sida R.Somaliland ey
caruur iyo ciroolaba, odey iyo
islaan ey ugukaceen wadanka si
ey dib ugudhislahaayeen, “markii
iiguhoreysey ee aan tago
Hargeisa waxaa arki karayey
burburkii loogeystey Hargeisa,
caasimadda Sland ee Hargeisa
dhulka ayaa lalasimey, laakiin
manta bilicda Hargeisa waa
meelaha uguquruxdabadanleh ee
mandaqadda Geeska Africa,
kaalinta ey kaqaateen dumarka
reer Somaliland dib u dhiska
dalka Sland ayaa ah mid ey
muhiimtahey in aan halkan
kasheego, haweenka Somaliland
waxey kaciyaareen kaalin libaax
horumarka Somaliland, halka RAGU
EY QAAD MEELAHAA LAFADHIYAAN
dumarka Somaliland, dadka
qurbaha kunool ee R.Slandna
kaalinta uguweyn ayey
kaciyaareen dib u dhiska
dalka”Dr.Iqbal
Dhinaca diinta (Religion)
wuxuu sooqaatey, in aan kacdoon
sidii maxaakiimta Muqdisho aaney
kadhalan Somaliland, waxey Sland
kuguuleysteen in ey
dimuqraadiyadda & diintu ey wada
socdaan.
Ictiraafka (Recognition) ey
Sland kasugeyso beesha caalamka
waa mid ey aad uguhawlanyihiin
dowladda iyo dadweynaha
r.somaliland ee wadanka
gudihiisa iyo qurbajooguba,
“Somaliland waxey kuguuleysteen
in ey xidhiidho diblomaasiyadeed
lasameeyaan wadamo badan oo
katirsan Qaaradda Africa,
Europe, N.Americaba, K/Africa
waxey ulamacaamiishaa Somaliland
siheer sare ah, tusaale ahaan
Meles Zenawiga Ethopia wuu
jecelyahey in Somaliland la
ictiraafo, laakiin wuu kayara
warwareegayaa in Ethopia ey
bilowdo in ey Sland ictiraafaan
sababaha iyagoo kabaqsan in
gobolo kamid ah wadankiisa ey
gooni isutaagaan, markaa arintaa
aad ayey ugataxadirayaan
Ethopia, AU duna waxey u direen
weftiyo kaladuwan oo xaqiiqo
raadis ah,”Dr.Iqbal
Prof Chris oo kasocdey
Machadka Barashadda Siyaasadda
islamar ahaantaana kamid ah
Jaamacadda Johannesburg wuxuu
kuraacey Dr.Iqbal Jhazbay arimo
badan oo uusoobandhigey,
inkastoo dhaliilona wuu
usoojeediyey Iqbal buuga
uukaqorayo arimaha Somaliland,
wuxuu Prof Chris tilmaamey in
Somaliland ey gaadhey guulo
lataabankaro dhinacyadda nabada,
dhaqaalaha, siyaasadda, arimaha
bulshadda, “waa arin kudayasho
leh sida uu tilmaamey Dr.Iqbal,
laakiin su’aasha meesha taalaa
waxa weeyaan Sland sida ey
kugaadhey horumaradan” isagoo
kajawaabey Prof Chris wuxuu
tilmaamey in Somaliland aan
dibad lagasooweerarin, halka
Somaliya dibad lagasooweerarey.
Gebogabadii Dr.Iqbal Jhazbay
wuxuu tilmaamey in ey
muhiimtahey in arimaha Somaliya
xalintooda loodaayo dadka
soomaalida, xalna in aaney
marnaba noqonkarin in awoodo
shisheeye ey xalka Somaliya
iskudayaan xalintiisa.
Waxaa bilowdey su’aalo iyo
falanqeyn kusaabsan mawduucan
seminaarka, waxa su’aalahsi
kamid ah hadii Somaliya &
Somaliland ey dowlad Federal ah
sameynkaraan, iyo su’aalo kale,
waxaa iyana jirtey in
kasooqeybgalayaasha soomaaliyeed
ey canbaareeyno usoojeediyeen
Iqbal Jhazbay.
Ahmed Dowlo oo kamid ah
maamulka saree Jaaliyadda
Ogaadeeniya ee K/Africa ayaa
tilmaamey in “Waxaa Somaliland
kajirta xasilooni, iyo horumaro
dhaqaale, xasiloonidaasi oo aan
kajiran South Africa & Cariga
Mareykanka, Mareykanka markaad
istidhaahdid lacag kalabax
machineka lacagta (ATM), waxaad
kabaqeysaa in dhabarka lagaa
toogto, halka Somaliland dumarku
lacag ey isdulsaarsaareyn
suuqyadda Hargeisa, halkan South
Africa oo leh Dowlad kamajirto
xasiloonidda kajirta Somaliland”
Ahmed dowlo, wuxuu ku
canbaareeyey Iqbal jhazbay in uu
katagey in uu waxkasheego,
tusaale ahaan maamul goboleedka
Puntland, xurgufta kataagan
Sool, mustaqbalka Somaliland oo
la ictiraafo iyo in gobolo kale
ey iyaguna gooni isutaagi
doonaan sida Somaliland.

midig_ahmed_dowlo_iyo_suxufi_saeed_furaa
Waxaa ugudanbeyntii halkaasi
mahadcelin balaadhan
usoojeediyey Dr.Iqbal Jhazbay &
Prof Chris iyo dhamaan
kasooqeybgalayaasha siminaarka
Mudane kasocdey Jaaliyadda
Somaliland ee K/Africa,
mudanahan S.Mohamed, wuxuu
kusoogabogabeeyey
mahadcelintiisaa su’aal GEEDI
SOCODKA ICTIRAAF RAADINTA
SOMALILAND kusaabsan, “Dr.Iqbal
Jhazbay, waxa aan aad u
xiiseeyaa faalooyinkaaga iyo
aragtidaada kusaabsan
Somaliland, waxa aan aad u
xiiseeynayaa dhinaca ictiraafka
Somaliland ey kasugeyso beesha
caalamka, Somaliland guulo
caalamka oodhan wada ogyihiin
ayey gaaadhey, casharo ayey
tahey in lagabarto horumaradda
Somaliland mana aha arin si
sahlan ey kukeentey,
walaalaheyga soomaaliyeed ee
kasooqeybgaley seminaarkan iyo
meelkasta oo ey joogaan
soomaalidu waxaan kulatalinlahaa
in ey Somaliland ey jiraan
casharo waweyn oo ey
lagabarankaro horumaradan ey
gaadhey Somaliland, su’aasheyda
waxey tahey ictiraafka
Somaliland oo waqtiyadan danbe
ey uloleynayaan xataa soomaali
udhalatey soomaaliya, intee ayaa
kahadhsan in ey beesha caalamku
sibuuxda u ictiraafaan
Somaliland”?

Prof Chris wuxuu tilmaamey
isagoo mudanahaa R.Sland
ujawaabaya in ictiraafka
Somaliland aanu dhicidoonin
xataa 5 sanee soosocda laakiin
Dr.Iqbal Jhazbay wuxuu kabixiyey
su’aashaasi rajo fiican oo aad u
weyn.
Wadanka K/Africa oo ey
kajirto xoriyatal qowl buuxa
ayaa waxa wadankan kajira
boqolaal iyo boqolaal hay’adood
oo cilmibaadhis kasameeya
xalinta khilaafaadka Africa
kahaloosan, waxaa markaasi wiig
kasta kadhaca wadankan boqolaal
Seminar, markasta oo ururadani
ey kahadlaan xasilooni waxey
tusaale usooqaataan SOMALILAND,
waxa isgaadhsiinta K/Africa ey
aad wax
ugaqoraan/siidaayaan/kahadlaan
Somaliland & badhaahaha ey
gaadhey.

Ceelka Saliida ee Berbera oo ah
ka-uguweyn ee Geeska Africa, waa
sawiradda lagusoobandhigey
Seminaarka UNISA
Waxaa diyaariyey Saeed
Furaa,
Freelance Journalist,
Pretoria
somaliland.journalist@hotmail.com