SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Jawaab ku socota ninka la magac baxay Muqaawama

Qore:Ibraahim daa’uud c/laahi (Gentleman)

sayfudiin@hotmail.com

Nairobi-kenya


Mohamadoow wax badan ayaa ku dhimman.?!!

"Nin meeli ay u caddahay meeli ka madow" 

Badanaaba markii aan internetka soo galo waxa aan ugu horeeyn furaa shabakhada somalitalk, dhamaan qoraalada ku soo baxa ee cajiibka ah waan la socda si taxadar ahna waa u aqriyaa intaas kadib:-

Waxaan jeclaan lahaa in aan jawaab kooban siiyo nin la magacbaxay maxamed cismaan "muqaawama"  aad ayaad ugu mahadsantahay Muqaawa sida wacan ee aad u cabirtay fikirkaada balse anniga waxaan jeclaan lahaa in aan jawaab kooban kaa siiyo. balse wax walba magacaada ayaa ii cadeeynaya oo ah Muqaawama.

Ugu horeeyn Qoraaladii taxanaha ahaa ee aan ka qoray Midowii Maxaakimta islaamiga ee Somalia waxaan ugu tala galay in aan wax ka iraahdo Maxaakimta sida ay ku biloowdeen.? Dhismahooda iyo dhaliilaha iyo wax qabadkooda.? Taasi micnaheedu ma waxa ay tahay in aan taageero u ahay Midowga Maxaakimta.? Mise aqrisay qoraalka, waxaan filayaa haddii aad aqrisay in aad si wanaagsan u aqrin, waxaan ku oran lahaa kulaabo qoraalada Maxaakimta aan ka qoray markaas waxaad arki doonta waxa aan anniga ahaan ka aaminsahay siyaasada Somalia intaas waxaad ku darsataa aniga in aanan cid gaaraa aan taageero u heen. Inkastoo bilwogii Maxaakimta inta uusan dhamaan dagaalkii ay kula jireen Dagaal oogayaashii aan ka soo tagay magaalada Mogadishu.

Kulankii Asmara ka dhacay.?

Midda ah Ragga asmara isgu tagay waa dad fiican ugu horeeyntii aad ayaan ula socday, balse natiijada ayaadnaad ooga war dhooray ugu danbeentii wixii ka soo baxay iyo sida wax loo qeeybiyay markii aan arkay ayaan go'aankii ii gaarka ahaa dib ugu laabtay.!! Sabab. Aqoonyahano, saraakiil, Culamo iyo Cuqaalba inta ay meel isugu yimaadeen oo ninka la yiraahdo Yusuf siyaas "Indhacadde" u doortay in uu u hogaamiyo ciidanka   dal dhan oo cadow laga xoreeynayo ma arrin saxan baa mise waa Khalad Khalad ku sax.?!!

Cadowga waddanka yaa ku soo hogaamiyay ka sogoow dowlad ku sheega.? Waa wax iska cad "Indhacadde" ayaa laga hayaa in uu yiri "7 Barri haddii aysan waddankeena ooga bixin Addis ayaan ciida ku soo tugan doonaa" ,ciida meesha lagu tukaday way iska cadahay Maxakimtana meesha ay markaas joogeen waa kismaayo.Mohamedoow makula aheed hadalkaasi mid saxan sida uu rababa ha ahaado nin meeli u cadahay meeli ka madoow. Haa waa sax siyaasad wax lagu maamuli kara ma aysan jirin marka la eego maamulka Maxaakimta inkastoo nin walba uu dan gaara lahaa.

Xuseyn caydiid iyo Jir-jiroolanimadiisa.

Midda xuseyn Caydiid iyo jir-jiroolanimadisa taasi waa mid iska cad.? No comment. Sadar Muudqa su'aal ka dhan, inkastoo siyaasada Somalia ay tahay mid ku dhisan ujeedooyin kala duwan. Waad arki doonta kuwa Asmara isugu yimid oo haddana kooxo kala noqday.? Imisa kooxood ayaa horay loo soo sameeyay. Waxaan ku soo gababeeynayaa arrimahan soo socda…

  1. Xaalada culus ee ay Somalia ku jirto maanta uma baahna in xooga la saaro in Xoog wax lagu difaaco, aan ku difaacnee dad is raacsan manahay midka Asmara jooga walaalkiis ayaa dhanka kale caddowga u ah madax. Haddi la wada hadlo xeelad iyo siyaasadna la isticmaalo is badal ayaa dhici lahaa, mala socotaa waxa ka socda waddanka Turkey, ninka madaxwaynahay loo doortay iyo saaxiibkiisa ah Ra'iisul wasaarama waxa ay taagan yihiin waanu ixtiraameeynaa Cilmaaniyada sabab.? Awooda waddanka waxa ay gacanta ugu jirtaa waa ciidanka iyagana waxaa madax u ah Cilmaaniyin. sax Way awoodaan in ay yiraahdaan Islaamnimada waa lama taabtaan balse maalintaas ayay u dhamaatay, isla maantana madaxda Turkey waxa ay bilaabeen in ay ka doodaan sidee gabdheena xijaabka loogu diiday In ay ku dhigtaan.? Maxaakimta iyo Dowlada oo Sudan ku shiray waxa ay ku heshiin waayeen Dartuur.? Danta guud iyo Somalia oo dal sharafleh ah waa mid na wada anfaceeysa.
  2. Maanta dhib aad u baahsan ayaa waddanka guud ahaan ka socda, 2-da meelood ee ugu amaanka fiicnaa Puntland iyo Somaliland ayagii ayuu la isku diray, taasi waa mid ka mid ah ujeedooyinka caddowga ee ahaa in Somalia aysan dagin. Ma ahan in aan ka fakarno in la yiraahdo annaga waxa aanu nahay Koox hebay mana ogalin sidaa iyo sidaa.? Iyada oo hoosta laga wado reer Qurac iyo Qansax. Diin iyo islaamnimada lagu lifaaqayo.
  3. Dhamaan dadka madaxda ka ah siyaasada Somalia dhamaantood waa dad daneestayaal ah mise, ninkii Somalia ah ee is yiraahdo waddankaada wax u qabo intii xumeed ayaa ka badan, waxa maanta ka socda Somalia guud ahaan gaar ahaan caasimada waa wax Fidno ah, haddii loo baahnyahay in dagaal uu ahaado cadowga iyo la xoreeyayaasha ma ahan dadka la barakiciyaa ee waa in si toos ah loo weerayaa cadowga, inta ciidan Ethiopian ah ee ku baqtiyay gudaha iyo Somalia iyo inta Somali ah ee ku dhimatay sabab la'aan waa imisa.? Cadowga iskama iman ee sabab ayaa keentay ciddii isku talin waysa waa loo talinayaa.

Gabagabo.

Walaalkeey c/raxmaan aad ayaad u mahadsantahay mar labaad, mida kale runtii in wax la iska dhaadhiciyo ayaa muhiim ah, qoraalkan jawaabta ah waxa aan kuugu soo diray waxa ay tahay in aan wax kuu iftiimiyo ee mahan ujeedka in aan is difaaco.

Mahadsanid.

Qore:Ibraahim daa’uud c/laahi (Gentleman)

sayfudiin@hotmail.com

Nairobi-kenya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Jawaab: Ibraahim iyo jir-jiroolenamidiisa

Jir-Jiroole Xuseen Ceydiid: shalay miyuu qaldanaa mise maantuu saxan yahay?. Q.2-aad.

SomaliTalk.com | Oct 8, 2007

Khilaaf la sheegay in uu u dhexeyo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Uganda
.Taliyihii Nabad sugida ee Wadajir oo lagu dilay Xamar

.DFKMG: shirkii dib u heshiisiinta waxa uu ku dhamaaday fashil
.Qaraxyo iyo iska hor imaadyo ka dhacay Suuqa Xoolaha..
.Xarunta Dr Ismaaciil Jimcaale oo cambaareysay dilalka ka..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Oct 7

Janaraal Jilicow oo lagu dilay Magaalada Muqdisho
.
Ohio: Gabar Soomaaliyeed oo Shil Gaari ku dhimatay
.Ku-xigeenkii xeer ilaaliyihii G/ Banaadir lagu dilay Muqdisho
.Qarax lala beegsaday gaari ay lahaayeen ciidamada Itoobiya
.DFKMG oo sanadguuradeeda 3aad ku xuseysa Baydhabo
.Ciidamada Uganda kama qayb qaadan doonaan hawlgalada
Wararka oo dhan halkan ka akhri... Oct 6


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com