Jawaab: Ibraahim iyo jir-jiroolenamidiisa
waxaan rabaa inaan falanqeeyo maqaalkii uu soo qoray Ibraahim daa’uud
c/laahi (Gentleman)
Jir-Jiroole Xuseen Ceydiid: shalay miyuu qaldanaa mise maantuu saxan
yahay?.
ninkan la yiraahdo ibraahim waxa waaye nin aan la yaabay xuseen ceydiid
ayuu jirjiroole ku tilmaamay dabcan shalay gumeesiga ayuu ku jiray maanta
illaah ayaa qeyrka waa fajiyey inuu maanta caayo ma aheyn waxaa ku habooneyd
in uu wax ka sheego marka uu la jiray gumeesiga.
tan kale ee xigta shir weynihii ummada soomaaliyeed ee asmara ka dhacay
ayuu waxa uu ku tilmaamay wax la dhoobdhoobay waxaan rabaa inaan xusuusiyo
shacabka soomaaliyeed ibraahim in uu ahaa dadka u jadbeebsan maxaakiimta
islaamiga waxaa cadeyn u ah maqaalkii uu ku qoray somali talk maqaalkii la
magac baxay Maxaad
ka taqaan Midowga Maxaakimta Islaamiga ee Soomaalia.?
oo uu aad aad utaageersanaa xiligaas maxkamadaha islaamiga hadana uu dhahayo
dadka casmara iskugu tagay uu u gafay uuna ku tilmaamay inay dhoobdhoobeen
marka isaga ayaa jirjiroole ah waxaan rabaa inaan kusoo gabagabeeyo maahmaah
soomaaliyeed oo oronaysa maroodiga takarta saaran uma jeedee tan kale ayuu u
jeedaa
Haddii Ilaah idmo waxaa somalida dhawaan u soo noqon doonta sharaftii iyo
cisigii eey ku dhex laheeyd caalamka,waxaan fileeynaa in ururka xureynta
shacabka soomaaliyeed dhamaan heykalkii siyaasadeed ee dalka looga xoreeyn
lahaa cadowga Ethiopia,waxaan meesha ka maqneeyn xaga difaaca,arimaha dibada
iyo hogaan sare oo aan marna ku dhisneeyn 4,5 ama qabiil,sida looga
bartay maxkamadaha islaamiga waxaan hubaal ah in eey umada soomaliyeed aad
ugu farxi doonto heykalkaa cusub iyo taabagelinta ururinta shacabka
gumeeysiga ku hoos nool Asmara waxaa ka qeeyb galay intii ka damqeeysa ku
hoos jirka gumeeysiga Ethiopia,nin damiirlahow kaca ayey hada xaalka
soomaaliya marayaa