SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

XUSEEN CAYDIID JAGUU UBUKAA.

Qore cali maxamed diini (calidhuux)
calidhuux20@hotmail.com

Marka hore ilaahay ayaa mahad leh. Marka labaad sababta igu dhalisay inaan qoraalkaan kaqoro Xusein maxamed caydiid waxay tahay waxaan arkay  maqaallo ay isku radinayaa  labada nin e kala ah Ibraahim  daauud iyo maxamed cismaan,.

Waxaan ognahay in xuseen caydiid xubin muhiim ah ka’ahaa dawlada fedaralka ah, asaga oo ka’haa k/xigeenka cali maxamed geedi, ahna wasiirka arimaha gudaha.

Waxaan ognahay inuu xuseen caydiid siwayn uga soo horjeeday maxkamadihii islaamka, waliba waxa uu kutilmaamijiray inay xiriir laleeyihii argagixisada caalamiga ah. Waxaa dad badan oo soomaaliyeed xasuustaan hadalkii nacasnimada iyo jaahilnimada xambaarsanaa ee uu kasheegay xarunta maxadtooyada Somalia, asaga oo lahadlayay odayaal soomaali ah. Hadalkaas oo ahaa, waxaan baabi’inaynaa xuduudka Somalia iyo Ethiopia hal baasaboorna waan samaynaynaa maxaayeelay waa walaaleheen.

Sida dad badan oo soomaali ah ay sheegayaan hadalkaas wuxuu sabab unoqday in xilkii laga qaado. Maadaama uu fashilay arin sir ahayd. Markaas ayuu xuseen cumaarad kunoqday dawladii uu u jidbaysnaa, mana ahan wax kale ee xilkii ayaa laga qaaday. Marka xuseen soomaalina dan ayleedahay mahayo mid Ethiopa leedahayna mahayo asmarana sidoo kale ee waxa uu laqafiifay waa xil jacayl.

Qore cali maxamed diini (calidhuux)
calidhuux20@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Jawaab: Ibraahim iyo jir-jiroolenamidiisa

SomaliTalk.com | Oct 8, 2007

Khilaaf la sheegay in uu u dhexeyo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Uganda
.Taliyihii Nabad sugida ee Wadajir oo lagu dilay Xamar

.DFKMG: shirkii dib u heshiisiinta waxa uu ku dhamaaday fashil
.Qaraxyo iyo iska hor imaadyo ka dhacay Suuqa Xoolaha..
.Xarunta Dr Ismaaciil Jimcaale oo cambaareysay dilalka ka..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Oct 7

Janaraal Jilicow oo lagu dilay Magaalada Muqdisho
.
Ohio: Gabar Soomaaliyeed oo Shil Gaari ku dhimatay
.Ku-xigeenkii xeer ilaaliyihii G/ Banaadir lagu dilay Muqdisho
.Qarax lala beegsaday gaari ay lahaayeen ciidamada Itoobiya
.DFKMG oo sanadguuradeeda 3aad ku xuseysa Baydhabo
.Ciidamada Uganda kama qayb qaadan doonaan hawlgalada
Wararka oo dhan halkan ka akhri... Oct 6


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com