SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gudoomiyaha Degmada B/Dheere "Ilaa iyo hada wax Gacan ah kama aan helin Maamulka G/banaadir, Dhaawaceyga kadib....."

Gudoomiyaha degmada B/dheere C/kariim Maxamuud Xasan [Xuuti] oo 10-kii Bishii Luuliyo oo kooxo hubaysan ay ku dhaawaceen afaafka hore ee degmadiisa ayaa sheegay in dhaawaciisa ay ka dambeeyeen 4-Dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado, kadib markii uu soo dhameystay ciyaar kubadda cagta ah oo lagu qabanaayay degmada B/dheere.



Md. Xuuti oo dhawaciisa la yaal Cusbitaalka Keysaney ayaa maanta mar ay saxaafada ku booqatay uga warbixiyay xaaladiisa Caafimaad, waxa uuna sheegai inay haleeleen 7-Xabadood, shan ka mid ahna ay kaga dhaceen caloosha, labana ay jebiyeen gacanta Bidix.

Gudoomiyaha Degmada B/dheere ayaa sheegay tan iyo markii uu dhaawaca soo gaaray uusan wax gacan ka helin maamulka G/Banaadir ee uu gudoomiyaha u yahay Maxamed Cumar Xabeeb [M/Dheere], marka laga reebo sariirta Keysaney oo maamul dowlo ahaan kaga Jiifay.

" markii aan ka soo baxo Cusbitaalka waan sii wadan doonaa howsheyda Gudoomiyenimo" ayuu kaga jawaabay mar la weydiiyay su'aal kusaabsaneyd inuu xilka sii heyn doono iyo in kale markii uu ka baxo Cusbitaalka, sidoo kale Xuuti waxa uu intaas ku daray inaysan jiran wax cabsi ah iyo digniino kaga yimid kooxaha dhawac u geystay.

Xuuti waxa uu ka mid yahay Gudoomiyasha Degmooyinka ee ay bartilmaameedsadeen kooxaha hubaysan ee dowladda ka soo horjeeda, iyadoo qaar ka mid ah gudoomiyaasha degmooyinka la qaarijiyay.

Dhinaca kale hadii dowladda Federaalka gaar ahaan Maamulka Gobolka Banaadir aysan wax ka qaban arrinta Gudoomiyaha B/dheere oo haatan Dhaawac la jiifa Cusbitaalka Keysaney ayna u dheer tahay Walaac ku saabsan inuusan gacan ka helin Maamulkii isaga Magacaabay ee Gobolka Banaadir, waxaana dhici karta inay arintaasi ka fiirsadaan Gudoomiyaasha degmooyinka hada xilka haya iyo kuwa la magacaabi doono.

Midowga ganacsatada G/banaadir oo Deeq lacageed gaarsiiyay Cusbitaalda Keysaney, Martiini iyo Xarumo barkac.

Deeqdaan lacageed ee ay gaarsiiyeen Midowga Ganacsatada G/Banaadir xarumaha Caafimaadka ee ay ka mid yihiin Cusbitaalka Curyaamiinta ee ay ku jiraan naafada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya 1977-dii.
Midowga Ganacsatda G/Banaadir ayaa gudoonsiiyay Naafdaas lacag gaareysa 19,200.000 xubo gaaraya 96-ruux oo cusbitaalkaas ku jira mudo ka badan sodon sanadood ah , Afhayeenka Naafada Ciidanka Xoogga Cabdi Mahad ayaa sheegay inay si aad ah ugu faraxsan yihiin Deeqda lacageed ee ay soo gaarsiiyeen Ganacsatada G/Bnaadir isagoo ku tilmaamay in ay tahay xasuus wacan oo ay u garteen inay kaga timid walaalahooda Dhaqaalaha heysta.

Cabdi Mahad ayaa intaas ku daray in qof kasta oo Soomaali ah ay waajib ay ku tahay inuu gacan ka geysto dhaqaaleynta Naafada, Maadaama ayuu yiri aan u soo dhawacanay Qadiyada iyo xoriyadda Geyiga Soomaaliyeed, inagoo u hurnay xubnaheena qaaliga ah.
Cusbitaalka Keysaney ayaa isna maanta la gaarsiiyay Deeq lacageed oo gaareysa 13.200.000, oo la gudoonsiiyay 66-xubnood oo ka mid ah bukaanada Jiifa Cusbitaalkaas, kuwaas oo inta badan dhaawacyada ay ka soo gaareen weerarada iyo rasaasta maalin walba ka dhacda Magaalada Muqdisho.

Madaxa Maamulka Cusbitaalka Keysaney Cali Yuusuf Maxamuud [Cali Bile] ayaa soo dhaweeyay lacagta ka timid Midowga ganacsatada ee ay so gaarsiiyeen maanta Bukaanada jiifa Cusbitaalka Keysaney, waxaana uuna muujiyay sida ay u haboon tahay in Soomalida dhexdeeda is kaashato.
dhinaca kale waxey maanta lacag gaarsiiyen Xero ay ku noolyihiin dad soo barakacay agagaarka Sarta Habar Gaalo ee duleedka degmada Kaaraan, kuwaas oo ay ka muuqatay macluul aad u daran iyo Hoy la'aan.


Midowga Ganacsatada G/banaadir ayaa deeqo noocaan oo kale horey u gaarsiiyay Cusbitaalada kala ah madiina, Banaadir iyo kan Dr.C/Risaaq, Xerada Cocola, iyo xerada ay degan yihiin Qaxootiga u dhashay wadanka Sinsibaar waxaana dhamaantood lagu ekeeyay deeqdaan lacageed.

Kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen  Guddiga Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir oo ka dhacay xaruntooda magaalada Muqdisho

Kulan deg-deg ah oo ay maanta isugu yimaadeen guddiga midowga ganacsatada Gobolka Banaadir uuna shir guddoominayay guddoomiyaha guddigaas Maxamud C/kariin Gabayre ayaa maanta lagu qabtay xarunta guddigaas ee magaalada Muqdisho.

Kulankan deg-degga ah oo ay isugu yimaadeen dhammaan guddiga midowga ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa waxaa si weyn loogu falanqeeyay xaaladda guud ee suuqa weyn ee Bakaaraha iyo qasaarihii ka dhashay dabkii qabsaday dhul gaaraya hal kilomitir oo isku wareeg ah oo ay ku ganacsanayeen dad Soomaaliyeed oo gebi ahaanba ku waayay hantidoodii.

Guddoomiyaha guddigaas Max’ud C/kariin Gabayre oo shirkaasi shirgudoominayay ayaa si weyn uga hadlay xaalada suuqaas iyo waxyaabihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay ganacsatada Soomaaliyeed gaar ahaan suuqa weyn ee Soomaaliya oo ah suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu yahay suuqa ay ka shidaal qaataan suuqyada kala geddisan ee gobollada iyo degmooyinka dalka.

Kulankan ay isugu yimaadeen waxay si wada jir ah uga doodeen qaabka wax looga qaban karo dhibaatooyinkan muddada shanta jeer soo noq-noqonaya ee guba-shada suuqaan weyn ee Bakaa-raha iyo sida looga gaashaaman karo, iyadoo laysku af gartay dhowr qodob oo uu saxaafadda u soo bandhigay afhayeenka mido-wga ganacsatada gobolka Banaa-dir Md. Cabbaas Max’ed Ducaale.

Afhayeenku wuxuu sheegay in si weyn looga hadlay dhibaatada ka dhacday suuqa Bakaaraha, wuxuuna sheegay in ugu horreyn gudiga uu u diray tacsi guud dhammaan ganacsatadii hantidooda ku waayay iyo sidoo kale khasaarihii iyo dhibaatadii ka soo gaartay dabkaas, wuxuuna Ilaahay uga baryay afhayeenka ganacsatada in wixii ay dabkaasi ku waayeen bedelkooda wax kheyr leh ugu bedelo.  

Afhayeenka wuxuu sheegay in dabkani ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha uu saameeyay goobo badan sida goobihii lagu gadi jiray badarka, saliidda iyo subagga, waxyaabaha udugga ah iyo catarka, sidoo kale waxaa gubatay qudaarta iyo qeyb ka mid ah hilibka, sidoo kale waxaa gubtay qeybtii makiinadaha saliidda iyo qeybtii rinjiga, wuxuuna sheegay in qasaare wayn soo gaaray. 

Afhayeenku wuxuu intaasi ku daray in kulankaasi dood dheer iyo falanqeyn kaddib la magacaabay guddi ka kooban 8 xubnood kuwaasoo u kuur galaya dhibkii ka dhacay suuqa Bakaaraha iyo sababihii ka dambeeyayba iyo in dibka dadka soo gaaray ay ku sameeyaan tirakoob, guddigaasi oo uu guddoomiye u yahay Max’ud Sheekh Axmed, waxaana muddo seddax maalmood ilaa shan maalmood gudahood ay ku keeni doonaan warbixin tifaftiran, guddigaasi waxaa ka mid ah Max’ud Sh. Axmed Faarax guddoomiye, Max’ud Xaashi, Xasan Axmed, Cali Tuurre, Xaaji Sabca iyo Md. Cirro.

Sidoo kale kulankaasi waxaa laga soo jeediyay sida uu sheegay afhayeenku in ganacsatada Soomaaliyeed gudaha iyo dibadda ay u istaagaan oo ay diyaarsadaan baabuurta dab damiska oo ka kooban labo xabo kuwaasoo ka hawl geli doona suuqyada Xamar oo haddii uu dab kaco la adeegsan doono, waxaana laysku baraarujiyay dhammaan in loo wada guntado hawshaas.  

Ugu dambeyntii kulankaasi waxaa looga mahad celiyay dhammaan intii gacanta ka geysatay damintii dabkii habeen hore ka kacay suuqa wayn ee Bakaaraha si ay u badbaadiyaan walaalahooda. 

Wiil uu dhalay afhayeenka beelaha Hawiye oo haatan isbitaalka Koomo kula jira  

Wiil uu dhalay Afhayeenka beelaha Hawiye Axmed Diiriye ayaa maanta lagu dhaawacay wadada Baar ibax ee magaalada Muqdisho sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan Isgoyska Baar ubax ee Degmada Howl-wadaag ee Magaalada Muqdisho. 

Wiilka la dhaawacay ayaa lagu magacaabaa Cabdi Dhoof Axmed Diiriye, waxaana toogtay sida la sheegay kooxo ku hubeysan Bastoolado xilli uu marayay wadada Baar Ubax sida uu sheegay Nabadoon Ahmed Diiriye oo ah aabaha dhalay Wiilka. 

Lama oga wali sababaha ka dambeeya dhaawaca wiilkan oo runtii shaqsi ahaantiisa wax lug ah ku lahayn Siyaasadaha dalka ka socda wallow Aabihiisa ku lug leeyahay Siyaasadda haatan ka taagan Soomaaliya iyadoo sidoo kale aan la ogeyn kooxaha dilkiisa geystay oo markii ay wiilka toogteen halkaas ka baxsaday. 

Dhaawaca loo geystay wiilka uu dhalay Axmed Diiriye ayaa qeyb ka ah falalka amaan darro ee Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ka jiray.

Muuse Maxamuud Jiisow

musejisow@hotmail.com

Muqdisho Somaliya 

025215576666

002521653623

SomaliTalk.com | Oct 5, 2007

Guddi loo saaray dabkii baabi’iyey suuqa Bakaaraha
.Warbixin dheeraad ah dagaalkii xerada Guulwadayaasha..
.Walwal ka muujiyey hadalkii ka soo yeeray Abuu-Mansuur
.C/llaahi Yuusuf oo diyaar u ah dhexdhexaadinta SL & PL..
.Baarlamaanka DFKMG ka fariisanayakhilaafka Yusuf & Geedi
.Xaaladda nabadgelyo ee gobalka Sh/hoose oo laga dayrinayo
.Naadiga Elman oo bixiyey qalab Isboorti oo u badan Kubado
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Oct 4


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com