SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOMALIA

Shir nabadeed oo ka furmaya deegaanka Muqo-kori ee gobolka Hiiraan 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in odayaasha halkaasi ku dhaqan ay wadaan dadaal ay markaasi ku doonayaan inay ku nabadeeyaan beelihii dhowaan ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe.  

Odayaashan ayaa waxaa lagu wadaa in maalinti berrito ah ay gaaraan deegaanka Muqo-kori ee gobolka Hiiraan, halkaasoo ay ka furmayso  gogol nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda u dhexeysa beelaha wada dega gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe. 

Ugaas C/raxmaan ugaas Khaliif oo ah ugaaska Beelaha Xawaadle oo maanta saxaafadda u warramayay isagoo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa sheegay inuu aad ugu rajo weyn yahay in la soo afjaro colaadaasi u dhexeysa beelaha walaalaha ah ee kala dega gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe.  

Gogoshan nabadeed oo berri ka furmayso deegaanka Muqokori ayaa waxaa aad u soo dhoweeyay dadka ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe. 

Dhanka kale Ugaas Khaliif waxa uu sheegay in dhowaan iyagana la soo gabaagabeyn doono colaaddii ka dhacday deegaanada Baarmagoog iyo Laba-baar ee dhulka ismaamulka Soomaalida.  

Qarax waxyeello sababay oo Arbacadii ka dhacay warshadda Baastada 

Qarax aad u xooggan ayaa Arbacadii ka dhacay inta u dhaxaysa waddada Warshadda Baastada iyo Caymiska, waxaana qaraxaasi ku dhintay inta la og yahay hal qof, hal kalena wuu ku dhaawacmay.  

Qaraxan oo ku habsaday guri cidlo ah oo dadkii deganaa horay uga qaxeen ayaan la caddayn karin waxa sababay, iyadoo warshadda Baastada ay fariisin u tahay ciidamada itoobiya. 

Qaraxan ayaa wuxuu dhacay iyadoo ciidamada dowladda federalka iyo kuwa Itoobiya ay hawlo gallo balaaran ka wadeen deegaanka Heliwaa gaar ahaan suuqa Dayax ah, halkaasoo a isku fara saafeen kooxaha ka soo horjeeda dowladda. 

Wararka laga helayo halkaasi ayaa sheegaya in kooxihii soo weeraray ciidamada dowladda ay kaxeysteen haweeney madax ka ahayd laanta canshuuraadka deegaanka Dayax, iyadoo aan la garanayn meesha ay la aadeen, taasina waxay sababtay in ciidamada ay hawl gal ka sameeyaan.  

Xildhibaanada baarlamaanka oo maanta loo qaybiyey nuqullo ka mid ah natiijooyinkii ka soo baxay shirkii dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho 

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in xildhibaano gaaraya 200 oo maanta kulan ku yeeshay xarunta ADC-da ee magaalada Baydhabo.  

Kulankaasi ayaa waxaa xildhibaanada baarlamaanka loogu qaybiyay nuqullo ka mid ah qodobadii ka soo baxay shirkii dib-u-heshiisiinta iyo natiijooyinkiisa, sida uu caddeeyay wasiirka dib-u-heshiisiinta iyo xiriirka Jaaliyadaha Max’ed Cabdi Xayir Maareeye.  

Kulankan oo uu shirguddoominayey guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa waxaa lagu wargeliyay in xildhibaanada ay soo akhriyaan nuquladaasi, dibna laysugu soo laabto maalinta Sabtiga.  

Kulankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo xildhibaanada baarlamaanka ee magaalada Baydhabo ay hadal hayaan cidda beddeli lahayd ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo in dibadda laga soo xulan karo, waxaana qodobada ka soo baxay shirka dib-u-heshiisiinta ka mid ah in wasiirrada laga dooran karo bannaanka.  

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in xildhibaanada badankooda ay qabaan in golaha wasiirrada laga soo xusho oo kaliya gudaha baarlamaanka oo aan bannaanka laga keeni karin, balse arrintaasi waxaa ka soo horjeeda xildhibaanada ku fikirka ah madaxwayne C/laahi Yuusuf oo doonaya in golaha wasiirrada laga soo dooran karo bannaanka.  

Sarkaal ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya oo ka hadlay markabkii dhowaan laga afduubtay dekedda magaalada Muqdisho

Cali Madoobe oo ka mid ah ciidamada Ilaalada xeebaha Soomaalida  ayaa ka hadlay arrinta markabkii dhowaan laga afduubtay xeebaha dalka Soomaaliya. 

Markabkan oo laga lahaa kuuriyada waqooyi, shixnado badeeco ahna ku dejiyay Marsada magaalada Muqdisho ayaa waxaa afduubtay kooxihii loogu talo galay inay ilaaliyaan markabka.  

Afduubayaasha oo tiradoodu dhamayd  7 qofood ayaa markabkaasi geeyay meel 30 km u jirta xeebta Cadale, waxaana markabkaasi baadi goob ku sameeyay markab dagaal oo Maraykanku leeyahay. 

Afduubayaasha ayaa waxaa uu gacan ka hadal dhex maray shaqaalihii Markabka saarnaa oo tiradooda lagu sheegay 22, kuwaasoo ugu dambeystay ka guuleystay afduubayaashii kaddib markii ay dileen labo ka mid ah afduubayaashii, waxaana shaqaalaha markabkaasi ka dhaawacmay labo qofood. 

Dhanka kale ganacsatada badeecadaha ka keensata bannaanka ayaa walaac wayn ka muujiyay afduubka markabkan oo ka dhacay dekedda magaalada Muqdisho, iyagoo ka codsaday dowladda federalka Soomaaliya inay arrintaasi wax ka qabato.  

Waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya oo sheegtay in hadda wixii ka dambeeya aan lagu safri karin baasaboorkii hore

Agaasimaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya C/laahi Gaafow Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya aan lagu dhoofi karin baasaboorkii hore ee Soomaaliya. 

Md. Gaafow ayaa sheegay in baasaboorka cusub lagu dhoofayo, ciddii aanan haysan oo uu ka daahana waxaa la siinayaa waraaqaha dhaafidda (Travel Document).  

C/laahi Gaafow wuxuu sheegay in waaxda Socdaalka ay diyaarisay shan magaalo oo ay dhoofayaashu ka heli karaan baasaboorka, waxaana ka mid ah magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo, Qofkii xajka aadanayana meelahaas ayuu ka heli karaa.  

Madaxa waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha C/laahi Gaafow wuxuu faray dhammaan shirkadaha diyaaradaha inaysan qaadi karin rakaab sita baasaboorkii hore, shirkaddii ku xadgudubta amarkaasina wuxuu sheegay in waaxda socdaalka ay tallaabo sharci ka qaadi doonto, ujeedada taasi laga leeyahayna wuxuu sheegay inay tahay sidii loola dagaalami lahaa jiritaanka dowladda.  

Sidoo kale wuxuu uga digay kuwa mukhallasiinta ah ee ka dhex shaqeeya shirkadaha diyaaradaha iyo dadka raaca inay ka waantoobaan arrimahaas, una hoggaansamaan amarka dowladda.  

C/laahi Gaafow wuxuu sheegay mawsimka xajka uu haatan ka dhiman yahay muddo saddex bilood ah hase yeeshee laga bilaabo 31-ka bishan Waaxda Socdaalka diyaar la tahay inay bixiso ama siiso baasaboorka cusub cid kasta oo isku diyaarinaysa soo gudashada waajibaadka xajka, iyadoo dhinaca kalena uu sheegay in baasaboorka cusub uu yahay mid ay qaadan karaan qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah, hase yeeshee aan lagu qori karin xaasas iyo caruur, iyadoo dowladdu ay diyaarisay in muwaadin kasta ha yaraado ama ha waynaado xaq u leeyahay inuu haysto baasaboor uu leeyahay.  

Dhinaca kale C/laahi Gaafow wuxuu xusay in maadaama shacbiga Soomaaliyeed ay yihiin dad Muslim ah isla markaana si koox-koox ah u soo xajiya loo fududeeyay qorshe aanu uga baaqanayn gudashada xajka, wuxuuna ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed inay dhowraan sharcigaas.   

Xildhibaanad ka soo jeedda gobolka Sh/hoose oo eedeyn kulul u soo jeedisay maamulka Gobolka Sh/hoose

 Iyadoo in dhowaaleba dagaallo iyo qalalaase ay ka aloosnaayeen magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Sh/hoose ee ku sugan magaalada Baydhabo shir ay maanta ku qabteen magaaladaasi kaga hadleen xaaladaha ammaan ee gobolka Sh/hoose.  

Xildhibaanadan oo uu ka mid yahay Max’ed Xasan Fiqi ayaa waxay ku eedeeyeen in maamulka Gobolka Sh/hoose ku xadgudbay dadka halkaasi deggan isla markaana ay xasuuq aan loo aabo yeelin u geysteen.  

Dhalleeceyntan ayaa waxay ku xuseen in xeebta magaalada Marka dhinceeda koonfureed laga helay dad meyd ah oo isku xir-xiran, waxayna xuseen magaca nin ka mid ah maydadkaasi oo lagu sheegay Xasan Geesa-cadde, kaasoo ay maamulka Gobolka Sh/hoose ku sheegeen inuu ahaa saraakiishii ka dambeysay weerarkii lagu soo qaaday saldhigga Booliiska degmada Marka.  

Xildhibaanadan ayaa sheegay in ciidanka huwan dharka dowladda ay horay u ahaan jireen hawl wadeenadii maxkamadaha, waxayna intaa ku dareen inaysan ugu baaqayaan hay’adaha gar-gaarka ah ee ku sugan magaalada Marka iyo gudaha gobolka Sh/hoose inay isaga baxaan guud ahaan gobolkaasi, haddii ay ka bixi waayaana wixii soo gaara ay iyaga isku dhigeen.  

Dhanka kale maamulka Gobolka Sh/hoose ayaa iska fogeeya dhaleeceynta ay inta badan u soo jeediyaan xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Sh/hoose, waxayna ku sheegeen kooxaha rabshadaha ka wada gobolka Sh/hoose inay yihiin kuwo fallaago ah oo ka goostay dowladda.

Muuse Maxamuud Jiisow

musejisow@hotmail.com

Muqdisho Somaliya 

025215576666

002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com