SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

YAA FURSADAN KA FAA'IIDEEYSAN KARA.?

 

 (Nina aan talin jirin haddu talino nin aan tagi rabin ayaa taga)

Xorriyad raadintii Somalia.?

Qore:Ibraahim daa’uud c/laahi (Gentleman)

sayfudiin@hotmail.com

Nairobi-kenya


Xilli aad u wanaag badan ayay aheed markii guud ahaan dadka Somalia ah ay dhamaan isu baheesteen siddii Gumeestihii Cadaa waddan-ka looga saari lahaa. Guushii xoriyada dadkii somalida ahaa way gaareen calan-kiina waddan-ka wuu ka badabaday waxana ku timid Hogaan wanaagsan iyo dad daacad ah, maanta meesha aan mareeyno cid walba way ka dharagsantahay.

 

Xilligaas waxaan waddamo badan oo Africa ah aan ka wada mid aheen siddii dadkooda xorriyad, Somalia fursadaas way heshay Gumeesigii cadaana waa laga saaray waddan-kii, balse kadib maxaa dhacay.? Dowlad iyo dastuur in la soo dhiso ayaa ku xigtay, 10-kii sano ee xoriyad gaarsiinta Somalia waxa uu gumeesigii casharo uu u dhigay dad isaga ku fakir ah.

 

Markii dastuurkii ugu horeeyay ee waddanka la sameeynayay dadkii loo xilsaaray waxa ay ka badin waayeen in dastuur aan Diinta Islaam-ka aheen in ay sameeyaan wixii ka dhashayne maanta ayaan Guraneeynaa.? Aduunkii sharaf kuma heeyno diintiina dastuur waa laga dhigi waayay.

 

Intii u dhaxeeysay sanadihii 1967-1990….??

 

Fursaddu mar ayay ku soo martaa, meeshii aad wax ka xoogsan kartidna waa laga xoogsadaa. Allaha u naxariistee Mohamed Siyaad Barre markii u gacanta dalka ku dhigay runtii waddanka waxa uu ku dhawaaday in uu noqdo waddan-ka ugu awooda badan ee geeska Africa. Wax badan oo maanta la tabay lana tabi doono ayay waddanka ku soo dabaalay ayna ugu muhiimsantahay Casharkii loo dhigay waddanka Ethiopia oo maanta in uu dalkanba leeyahay iska dhaadhiciyay dowlad uu dalka ku gumeestana uu soo dhisay cida uu rabana wuu ceeyriyaa cida uu rabana wuu keensadaa. Balse dhibaatadii dhacday xilligii milatariga qeebna ay ka tahay wixii Qaranimada Somalia lagu waayay sidan

soo socota..

  1. In aflagaado inta loo geestay Diinta Islaam-ka haddana dadkii u istaagay difaacidii diinta la toogtay, nabsigaas in uu naga soo baxay way muuqataa..mahan Mohamed Siyaad Barre oo kaliya in uu leeyahay danbigaas balse intii Qalbiga xitaa aan ka nicin way ku jiraan kuwii falkii dilka ahaa ku fuliyay 10-kii culamo ee shuhadada ahaa waaba kuwa ugu daran inkastoo ay gacan adag ku jireen.
  2. Xad gudubyo keenay kacdoono shacab ayaa loo geestay Gobadlo badan oo Somali ah, taas oo maanta geentay in Gobalada Waqooyi ee Somaliland la magac baxay ayba somalida inteeda kale ka didaan. Maxaa yeelay waxa loo geestay xasuuq bareer ah Sidoo kale dad badan ayaa xasuuqyo loogu geestay Gobadalada dhexe waxa ay ka midtahay tacadiyadii keenay in dalka Qaranimadiisa dib loogu soo celin waayay oo waxayba sheekada dhaafi waysay waa reer Hebal iyo ma reer Hebal ayaa inoo talinaya.
  3. Hantida Maguurtada ah sida Guryaha oo kale in ay dowlada iskala wareegto, taasi oo ugu danbeentii markii meesha dowlada laga saaray ay dadkii ku wada yaaceen hantidii Qaran-ka Bililiqo baahsana ay waddankii ka dhacday xitaa buugaagtii cilmiga inta la biliqeestay ayaa tukaamada sonkorta ku duuban jirnay.jaahilnimo iyo dadxumada maanta na heeysata ayay ka midtahay in aysan jirin meel taarikhda Somalia loo raaco.
  4. Caasimada Somalia ayaa wadan k oo dhanba lagu soo kooobay, heyad walba oo dowlada ah caasimada ayaa la iskugu wada soo aruuriyay taasi ah siyaasad xumo aysan xitaa dhicin in hantidii, Qaranimadii iyo dadnimadii dalka ee Mogadishu lagu soo aruusiyay waqti yar ay gacan dad juhalo ah ay gashay dagaalo dhiig badan ku daatayne ay wadanka ka dhaceen maanta wadamada sida south Africa, Malaysia, India iyo paskitstan waxa ay marayaan in caasimada wadanka marba meel loo wareejiyo si wadanka uu u dhismo.
  5. Markii aan 1977-kii aan Ethiopia casharka u dhignay waxaa waddanka laga buriyay Midowgii soviet taasina waxa ay ka mid aheen sababihii waddan-ka uu u burburay, maxaa yeelay maanta dowladaha carabta ah kuma dhiiran karaan in ay waddanmadooda ka cayriyaan diidanka American-ka ee xasuuqa u geeeysana shacabka sida iraq oo dowlad islam ah, waa arin qaldan balse waxa ka sii qaldan in iyaga lagu daro oo dhibaato kale shacab kale oo islaam ah ay soo gaarto. Midogwgii soviet ugu danbeentii waxa uu u soo garab istaagay dowlada Ethiopia ciidanka Somalia si fudud ayay wadankooda dib ugu soo laabteen.

Intan wax badan oo dhibaato ah ayay abuurtay dowladii siyaad barre balse caqliga saliim-ka hadduu shaqeeynayo runtana la abaarayo 16-kii sano ee la soo dhaafay wixii dhacay waligees Somali sooma aysan marin. cid walba oo Somalia rajo kaleh ama garwaaqsan in ay jirto dal Somalia la yiraahdo waa in ay u is taagtaa sidii ay u badbaadin laheed inta yar ee inoo hartay dad iyo dalba intaba.

 

Kuwii meesha ka saaray dowladii Mohamed Siyaar Barre iyagii aya isku soo jeestay ilaa Qaar ka mid ah ay ku dhintaan istii uu socda cidii xilka qaban laheed.dagaalkii sokeeye ee Somalia ka dhacay in dulmigii la geestay wali wuu socdaa.

 

Natiijadii ka soo baxday shirkii  Carta iyo fashilkii ku yimid.?

 

Kadib bur-burkii dowlada Somalia saansaantii dowladnimo ee ugu rajada fiicneed kadib dhoor shir oo dibada lagu soo qabtay   waxa ay aheed shirkii lagu qabtay Carta ee ka tirsan dalka Djibouti ee aan dariska   nahay, waxaa la soo doortay madaxwayne C/qasim Salad Xasan si dag-dag ah ayuu caasimada Somalia u geeyay fursada badan oo uusan heli Karin C/laahi yusuf habba heesta sida;- caasimada Mogadishu beesha Hawiye ee uu ka soo jeedo ay xilligaas u badnaayeen, sidoo kale in uusan aheen nin dagaal ooge ah.

 

c/qaasim guul ay guuldaro ka danbeeysay ayuu ka kulmay dhamaan way ka horyimaadeen Dagaal oogayasha Mogadishu, intaas waxaa u sii dheer barkoodba in ay xilligaas xoog ku heleen iyo lacago sida Yusuf indhacadde, Mohamed dheer, iyo dad kale oo ay ka midyihiin Cumar Finish. Dowladii Cartana waxa ay ka badanwaynay in ay fadhiid iska ahaato sidaa ayayna waqtigeeda ku dhamaaday.C/qaasim iyo dowladii carta waa laga faa'iideesan waayay sidii ayayna ku dhamaatay.

Sanaddii 2006 iyo fursadii Midowgii Maxaakimta.?

 

Markii ay Hogaamiye kooxeedyada ay cadeesteen ay dhamaan ay ka soo horjeedaan Dhaq-dhaqaaqyada Islaami-ga ee Somalia ka jira lacagna arrintaas ay ku helayaan haddii ay sidan sameeyaan balse waxa ka iman karay maysan is waydiin.? Dhamaan dadkii oo dhan ayaa meel kaga soo wada jeestay kacdonkaas oo Midowgii Maxaakimta ay Hogaaminayaane mudo yar ayayna meelihii ay xarumaha ka dhigteen ay isaga carareen barkoodna ay bada ku tahriibeen.

 

Maxaakimtii way soo shaac baxeen balse siyaas xumadii tan 1960-kii ina heeysatay meeysan ka badnaadin wanaaga ay keeneen ka sokoow bur-burka ku yimid ay ka mid ahaayen markii ay sameeyen arrimahan soo socda.

  1. Markii ay gacanta ku dhigeen dhul balaaran oo dhibaato badan ay ka socotay iyaga oo meesha ay xarunta ka dhigteen ee Mogadishu maamul u sameen ayay u tilaabeen dhulal ay nabad ka jirtay sida;- Puntland iyo magaalada Kismaayo inkastoo Madaxda Maxaakimta ay sheegeen waxa ay ugu tilaabeen goobahaas waxa ay aheed xeelad dagaal, waxaan kaloo si hoose u maqlay in ay Maxaakimta kutala jireen in marka ay waddan-ka oo dhan ay gacanta ku dhigaan ay dowlad Islaami ah sameen doonaan. ma xuma balse hool ayaa arrintaas ka horeeysay
  2. Markii dadka wax in loo sheego la rabay, waxayba ka badin waayeen xoog in wax walba lagu muqiinayo sida in ay dhamaan dadkii ay isku soo jeediyeen sida iyaga oo joojiyay, Cunida Qaad-ka, xiirida goobaha ay ka mid yihiin meelaha dumarka lagu qurxiyo, footooyinka iyo goobaha aroosyada ay ka dhacaan oo dadka ka soo qeebgala la iska karbaasho iyadoo dhamaan waxaas ay sameeynayeen dhalinyaro aan loo laylin sidii ay dhibaato sidan oo kale ah ay ooga hortagi lahaayeen. Wixii ay doonaan ayay iska sameen jireen waa la yaab 15 jir karbaashaya 60 jir.?
  3. Markii waddan-ka sudan la isugu yimid Maxaakimta waxa ay go'aan ku gaareen in aysan dowlada la hadli Karin inta ay dasrtuuska uu yahay mid aan Diin Islaam ku dhisneen " Maba dhalanee Dhoorteesan ogaa" ma xuma in Diinta Islaamka ay dastuur la nooga dhigo waa waxa aan ku badbaadino karno balse dadka ay ku leeyihiin Dastuurka Diin Islaam ka dhiga waa dad maskaxda quraafaad looga shubay in ay ka shubaan ayay aheed ee ma aheen in ay madax adeeg keenan wixii ka dhashayna waa la dhadhamiyay maanta maxaakintii iyo madaxdoodaba waa Qaxooti..
  4. "Adis Ababa ayaan ku tageeynaa mudo 7 bari ah haddii aysan Ethiopia waddan-ka ka bixin" hadalkaas waxa uu keenay in dalkii oo dhanba Ethiopia ay kula wareegto mudo gaaban, hadal hadalkaas ka xun kana doqonamido badan ma maqlin intii aan siyaadsadba u dhaxjiray, ma heesanay awooda aan Ethiopia mudadaas gaaban aan kaga saari karno waddanka mise heesanay awoodii military ee 1977. meeshaas ayay maxaakimtiina ku danbeeyeen. Mid mid meel kus sheegana waa la waayay.

Fursada mustaqbalka ee soo ifeeysa.? 

 

Waxa loogu yeero dowlada  Federal-ka ee lagu soo dhisay dalka Kenya natiijada ka soo baxdayne waxa ay noqotay in dowladaas ay noqoto jidkii loo mari lahaa Qaska iyo xasuuq-ka dad Somali ah, dhamaantooda danta laga leeyahay marka laga gaaro waa la iska cayrinayaa sida Cali Geedi ku dhacday.

 

Kooxo badan ayaa maanta siyaasada waddan-ka isku heesta dhamaantooda wali shacabka maysan u soo bandhigin siyaasad hogaan fiican uu ka muuqdo kooxda casmara joogta ayaa ugu dhaween iyada wali farbaa shacabka ooga taagan oo shaki ayaa laga muujinayaa.?? Sida ay rabaan wax ha u raadiyaan maanta shacaba somaliyeed fursada la wada sugayo ee ah in ragga hogaanka u haya dowladan khilaafka u dhaxeeya oo sii kordhaya dhibka lagu hooyo ciidanka Gumeeysiga iyo Dabadhilifyada la shaqeeyana oo sii kordhaya. Taasi oo guusha soo dadajin karta.

Runtii lama sameeyn karo mala awaal balse sida dad badan ay rajeeynayaa kooxdan dhibka abuurtay ee lagu soo dhisay dalka dibadiisa ee gumeeysigana u ah taageero buuxda waxaa muuqata in uu sii badanayo dhibka ay isku hayaan.

 

Kooxaha kala duwan ee siyaasada Somalia ka leh musaqbal fiican waxa aan aniga ahaan u soo jeedin lahaa in ay wax ka bartaan wixii Somalia ay soo martay oo dhib ah nooc walba oo ay tahayba, siyaasad iyo hogaan fiicana waxa ay ku fiicnaan laheed in ay la yimaadaan. Guusha way imaneeysa balse Guul   Dara ayaa inoo xigta.

 

Fiiro Gaar ah…

 

Waxan aan ka hadlo intooda badan wax aan goob joog ka ahaa ma ihi waxa aan ku fac ahay da'da ku soo  kortay dowlad la'aanta ee dadka arrimahan wax ka yaqaana ayaan rabay in aan wax u iftiimayo waxaan filayaa in ay wax xaqiiqo ah yihiin.

 

Dhamaan dadkeena aqoonyahanada ah waxa ay ku fiicnaan laheed in ay falanqeen ku sameeyaan waxa laga filan siyaasada Somalia.

 

Guushana Somali ayay u danbeen doontaa….

 

 

ibraahim da'ud (Gentleman)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com