SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ikraamey waa runtaa wadaad ku sheegu meel kastoo ay joogaan wax bay isdaba mariyan laakiin adigu ha difaacin Somaali khariban

Marka hore  waxan salaamaya bahda somalitalka iyo akhristayaasha.

Arimaha laga qoray somalida ku nool Sweden waa wax dhab ee aan ku tirikuteen ahayn sida ay Ikraam u sheegtay hadii ay dhacdana in qoomiyad wax laga sheegayo waxaa la firiya majority somalida meel kastoo ay joogaana waxay u badan yihiin dad khariban mana ahan in ay na qaado caadifiya oo aan difaacno dad tuugo ah oo wadan kasta ay somali joogto waxay u badan yihiin dad tuugo ah xabsiyada ka buuxo intooda badanina ay ninka iyo naagta kala adres yihiin si ay wax u dhacaa ubadkana ay dayacaan

Dadka somalida ah ee wax ku bartay Sweden ee shaqaysta iyo dalalka kaleba waxaa kaga badan dadka aan shaqaysan oo waliba caydha ku nool oo intaasoo u sii dheer qaad cunayaal iyo shaxaad ku nool iyo ninka iyo naagtiisa oo kala adres ah,  halkan Engelend iyo meelo kale ooY Soomaalidu Qaxootiga ku tahay imisaan garanaya oo nolosha kala adreska ku nool kuwo qaarkoodna ragiina Ingiriiska bay jiraan dumarkiina Sweden bay joogaan kuwona carabaha bay xaasaskoodu u direen lacagtooduna ragoodu baa u saxiixaya.

Haweenka somaliyed ee ku nool Sweden iyo Ingiriiska iyo meelaha kaleba waxay carruurta u dhalaan si ay lacag ku helaan iyo in ay dadka ugu faanaan jacayl ubad na jrto halkii la doonayay in ay Rabbi weydiistaan yaa Rabi ilmo baari ah na sii hayeeshe markii ay ku fekeraan carruur uun natiijadii maxay noqotay waa lacag iyo caruur aan akhlaaq lahayn bay soo saareen, maxay naag keligeed carruur badan ka kori kartaa iyadoo ninkana uu dal kale ku nool yahay ama mafrashyada ka sheekeeya ama meel kale ka cawaynaaya ma been baa laysku sheegaya.

Marka maahan Ikramey in aad soomaalida iska difaacdid kuwani difaacoodu waxba kuuma tarayso hadii runta la sheegayo soomaalida keliya Sweden kuma kharibnee xataa waxay ka buuxaan xaabsiyda Ingiriiska,Mareykanka,Canada iyo yurub,marka maxay tahay sharafta aad u raadinayo ragan soomaalida ah anigu waan taageersanahay ragi qoray warbixinta soomlida ee Sweden waxayna sheegeen runta.

Maalin baa waxaan dhegaystay wadaad somali ah oo Canada degan wuxuuba yiri:waa sharci in gaalada loo sheego kuwa kala dhiiban oo separate ah meel kasta ay joogaana waa in la kashifo khiyaanadooda haduu ninku yiraahdo xaas ma lihi ama uu dawlada si been ah u sheego oo uu ku yiraahdo aniga iyo xaaskayag waanu is furnay markaana ay been tahay labadaas isma qabaan,hadduu la seexdana waxay la dhigan tahay isagoo naag ugu tagay macsi

Marka Ikraamey xaalka soomalida adna waad ogtahay oo waa dad khariban marka dad khariban in la difaaco maahan waxaanse kuugu taageersanahay runta aad ka dhawaajisay oo ah wadaad ku sheegyada in ay wax isdaba mariyaan meel kastoo ay joogaanba,kuwo gardheerayaal ah baan ku arkay oo Ingiriiska ku nool iyaga iyo dumarkoodu wey kala dhiiban yihiin dadkana waxay doonayaan in ay u wacdiyaan kuwa xataa Pal talka soo gala oo magaca diinta dadka lacagta ugu dhaca waxay leeyihiin miskiintan ayaa kaalmaynaya iyo waxaanu dhisayna masjid yaa lacag bixinaya,durba waxaa la helaya kumanaan kun oo dollar ah,kuwa bixinayana waxay u badan yihiin naago separate ah wadaadadasi waxaa loo baahna in ay dumarka u sheegeen in ay marka hore ka baxaaan kala noolaanshaha iyaga iyo ragooda, laakiin wadaadadu dan kama lahan oo iyagu lacagtaa baa uga muhiimsan,weli ma maqashay wadaad dhahaya walaalayaal mid ogaada hadii aad lacagtiina xaaran idinku soo gashay islaa markaana aad ku bixisan masjid wax ajar ah oo aad ka helaysaan ma jiro.

Kuwii aad shegtay Ikraamay oo masjidkii Toronto ay wadaaddadii is dabamarsiiyeen lacagtii masaakiinta sannooyinka badana laga soo ururinayay waa la ogaa fadeexadii ka dhacday, kuwa ingiriiska joogana lacagaha ay soo ururiyaan dukaano bayba ka furteen.

Anigu koley waxaan qabaa in dad badan ay diinta ku soo ganbadaan ujeedooyin kala duwana ay leeyihiin,waxase leeyahay in wadaadku intuusan wacdi gelin oo uu dadku been u sheegin marka hore in uu ka baxo kala noolaanshaha isaga iyo naagtiisa.   

Nuura Faarax  
somaliwomenfree@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com