Qore: abdikani dahir
kulmiye66@hotmail.com
Asalaamu Calaykum Waraxmaatulaahi Wabarakaatu
waxaan salaamayaa dhamaan shaqaalaha somalitalk iyo dadka ku xiran website
kan, salaan kadib
QAMAR IYO FIGRADA KHALDAN AY KA HAYSATO URURKA ISLAAX.
waxan filayaa qofkii akhriyo maqaalka qamar in uu ku wareerayo, maxaa yeelay
qamar waxay isku lifaaqday ama isku khaldaysaa aragtideeda shakhsiga ah iyo urur
ay ku sheegtay somali sharwade group iyo ururka islaamiga ah ee al islaax.
waxanse rabaa inaan wax yar u dulmaro ururka al-islaax iyo horumarka uu
gaarsiiyay shacabka soomaaliyeed iyo waxyaabihii uu dalka ka qabtay intii dowlad
la'aanta uu dalka ahaa.
1. ururka al islaax waa ururka ugu madaaris/school badan dadka soomaliya ubad
badan oo somali ahna ka badbaadiyay jacliga iyo dhibaatda dalka ka jirta,
waxaana lagu qiyaasaa in inka badan boqol kun oo arday ay dhigtaan dugsiyada
ururka al islaax uu maamulo.
2. waxay wax ka qabteen caafimaadka iyo nadaafda wadanka.
3. waxay xafisyo dib u heshiisiin ah ka fureen dalka oo dhan, waxayna
marwalbo u taagan yihin nabadeenta iyo horumarka bulshada.
4. waxay si toosa arimaha horumarka dalka ugala hadlaan dowladaha dariska iyo
caalamul islaami.
marka waxaa nasiib daro ah in dadka qaarkii ay u maleeyaan xalka soomalia in
uu ku jiro in qori laqaato oo cidaan qori qaadan lagu sheego inay gaalo raac
tahay, waxaase shacabka somalida ay tahay inuu is waydiiyo makan caruurtooda
waxbarayo baa dhib u gaystay mise kan qoriga wato oo aan cidna u aabyo
yeelaynin, waxan filayaa shacabka somalida in aysan manta dan ugu jirin in dhiig
badan iyo dhib horleh loo horseedo sida hadaba socota.
waxana filayaa in qamar ay tahay qof ururka Al-itixad aad ugu dhagan oo
badanaa qofkii ka figro duwan diinta kasaaro, madonayo hada nimanka shabba
layirahdo in aaan arimahooda ka hadlo oo hadii ay maslaxad umada u hayaan waxaa
sheegi doona umada somaliyeed.
laakiinse ururka islax waxuu aamin sanyahay in danta umada aysan ku jirin qar
iska tuurnimo iyo fidno hurin, waxan la socona ururka al-islax isagoo boqolkun
oo qof dadka badan ay xabsiyada masar uga buuxaan in uusan iclaamin in dagaal la
qaado, maxaa yeelay jihaadka shuruudo iyo sababao ayuu leeyahay, qofkii doono
iskama iclaamiyo, marka ururka alislaax danta umada waa kan u taagan waana
ururka kaliya ee dhibaatadii dalka ka dhacday aan wax raad ah ku laheen ilaa
safxado cadcad oo wax qabad muuqdo ay ku lifaaqan yihiin mooyaanee.
sidaa daraadeed ururka al-islax cidna cadaawad uma hayo cidna si gooni ah uma
jeclo, mabada'iisana maahan in uu cadaawad ku beero umada dhaxdooda, laakiinse
ururka waxuu diyaar u yahay marwalbana ku socdaa sidii uu dadka u bari lahaa
diintooda una gaarsiin laha heer ay qabyaalada iyo dhibaatooyinka uga baxaan,
waxan filayaa umada somaliyeed inay yaqaanaan dadka marba shaar gashada ha noqdo
mid qabil ama mid diineed.
mabada'a islaaxna waa cadyahay waana in umada waxlabaro dadka deriska ahna
nabad kuwada noolaadaan, manhajka islamkana aduuna oo dhan lagaarsiiyo iyada oo
la adeegsanyo xigmad iyo maskax saafi ah.
siyaada faafinta diintana laguma dhiso dagdag iyo khiyaali, rasulka isaga oo
maka joogo ayaan loo ogolaan in uu jihaad galo oo diinta fidinteeda la amray
isagoo welib nabi ah taagerda ilaahay oo buuxdana haystay, marka dinta xigmad
bay u baahan tahay ee dagdaga mar hore ayaa wax lagu dhalin lahaa.
marka qamaray kolay adiga dagaal gali maysidee wax aadan diyaarna u aheen
dadka haku guubaabin baan ku oran lahaa.
hadalada aan loo meel dayina waxaa fiican in aad dadka muslimiinta ah ka
ilaaliso, adigana kuuma habooni inaad sheegto wax aan jirin ama aad meelaha ka
maqashay, ururkana ka warayso dadka somalia joogo ama ka yimid, markaasaad
ogaanaysaa mustaqbalka soomaalida iin uu yahay manhajka ururka islaax.
sc wr wb
abdikani dahir
kulmiye66@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
:::SOMALI
SHARWADE GROUP!!!!! |
Qamar
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2007
Soomaaliya sidii Lagu
Xoreyn Lahaa

Warbixin
dhamaystiran oo ku saabsan kulankii Sabtidii lagu
qabtay Minneapolis ee looga hadlay sidii Soomaaliya
looga xorayn lahaa Itoobiya, warsaxaafadeedkii
Ururka Midowga Qurmab Joogga, qoraal loo dirayo
senatorada/congress-ka USA, hadalladii C/risaaq Xaaji
Xuseen, Sakariye Xaaji, Prof. Mahadallah, prof.
Ibbi, Drs. Fawsiya...
Akhri... Nov 26

