SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SOMALI SHARWADE GROUP!!!!! 

W/Q: Qamar Sharif Hashim.

Waxaan daba joogaa maqaal la magac baxay " Waa Ayo Al Shabaab Yeyse Dan u Yihiin" lagu daabacay  shabakadaha kala ah Goobjoog iyo Sirdoon, 

Ururka la magac baxay "Somali Concern Group" fadhigodna yahay  London, waxay ku caan baxayn kala gaynta ummadda walaalaha ah waxay ku caan baxayn kala gaynta bulsha weynta soomaaliyeed, waxay kusoo dhoobdhoobayn guddi la magac baxay Diaspora guddigana kasoo baxay shir ay  ku qabtayn London, taana ka horaysay mid lagu qabtay Sweden, ka dibna waxii  ay ku soo  dhoobdhoobayn la aaday Torino, maxa kasoo baxay guddigas ku-turi-kuteeniga ah. 

waxaa ka soo baxay in Diaspora, ay ayagu un isu aqoonsan yihiin Diaspora na la yihaaro keliya kuwa ku loon wadamada reer Galbeedka qaarkood, aysanba jirin cid kale magacaas sheegan karta waana tay ay  la imaaden shirkii Asmara, ayna ku cinqilaabayn cullumada qaarkod ayna ku afduubayn qurajooga intooda kale. Ururka la yiraaho Somali Sharwade Group, waxay u taagan yihiin siddii loo burburin lahaa ISBAHAYSIGA DIB U XORAYNTA IYO DIB U SOO NOOLAYNTA SOOMAALIYA, maahan mid qarsoon marba haday la yimidayn in sii cad ururada diimeedka kala diraan madaxana isu galshaan siddii caadada u ahayd bal aan wax ka taabto ururkaan sharwadaha ah bal maxay yihiin waa raggii u hiilin jiray dagaal oogayaashii Muqdisho, afhaayeenka ururka sharwada yaasha wuxu ahaan jiray afhaayeenkii Suudi Yalaxow, London, sir kama ahan ama guud ahaan jaaliyada UK xog  ogaal bay u yihiin ragaan ku qaraabta magaca jaaliyada soomaaliyeed. 

dadka maamula ururka sharwade, waa dad ay isu xafiis ka shaqo doontaan xafiiska sharwde, maxayse qabtaan ururka sharwade, marba haday yihiin dad shaqo ka dhigtay isu dirka somalida, waxay kabahooda ku dhamaaday Wasaarada Arrimaha Dibada ee UK,  waxay mihnad ka dhigten inay war galiyaan ururka muslin la dirirka ah International Crisis Group, iyo ururo kale dhowr ah, waxayse shaah ka qaataan safaarada Itobiya, jaaliyada xog  ogaalna u ah cadeemo la keeni kara sida tan Uganda. 

bal ururka sharwde group, marna shaar qabiil marna shaan diin, marba haday kawada mid yihiin ururka Al-islaax, marka su'aasha ka taagan waa tani oo Al-islaax,  miyay ku feker yihiin ururka sharwde group, ama ku feker ma han, marka haday ku feker yihiin waa arinka soo socda, oo miyay usoo dhigtayn midnimada somalida, midnimada islaamka, midnimada culumada, oo miyay usoo dhigtayn kala gaynta iyo burburinta Isbahaysiga lagu dhisay Asmara, oo maxayse ku kala duuban yihiin ayagu iyo Isbahaysiga. 

Al-islaax iyo Al-itixaat, sidda lawada ogsoon yahaydagaalo hoosaad way  jiraanba iyo  mar walba culumada khilaaf baa ka dhexeeya xalinteduna waa mid sahlan balse haddii ay timaado khilaaf siyaasaded ama xukun doon xalitedu way adagtay waayo mid naftii bu u huraa siddii dalkiisa looga xorayn lahaa xabashida kuso duushay midna waa af-ku-dirir iyo kabo dhamayn.Inkasto uuna jiro dagaal qaboob ah lana mid ah dagaalkii ka dhexeyay USA iyo Ruushka looguna magac daray dagaalkii qabooba, dilna wu jiray balse meeydadku lama arki jirin cida ka gurtayna allaa yaqaan iyo kii ka guray. 

mida aan xasuusta u leenahay waa tan in ururka Al-islaax, markay inta oga badan koofurta qabtayn MMI, Al-islaax, waxa kasoo yeeray inaysan dagaaladii Muqdisho, ka qayb galin aysana ka mid ahayn MMI fariid, balse arinta waxa ka hadlay ceebtana u daboolay Sheekh Maxamed Axmed Nuur ( Garyare ) oo ahaa guddoomiyahii ugu horeyay ee Al-islaax, oona yiri inuu taageeray MMI, haddaba ururka sharwade group, oo miyay ku qaraabtan magaca Al-islaax, ama waa mid loo ogol yahay inay ayago ka mid ah urur diiniya  u ololeyan shir logu magac daray Isbahaysiga IRIR, shirkaana qabanqabiyay ururka sharwde group, goobjoogna ka ahaa Boqor ku sheega Isaaq ee buurmadow, bal su'aasha kale ka taagan waa nimankaan marna fool qabiilka kula imaada marna fool diini marna fool isbahaysiga Asmara. Oo miyay wali ku hadli karaan magaca isbahasiga dib u xoraynta. Oo marka maxaa loo leeyhay shabaabtu maysanba dagaalamid bal eega yaanan dagaalmin? 

isla ayagii maqaal ka hadlaaya kala gaynta ummadda kusoo daabacay shabakada ku afkaarka ah ee Goobjoog, Alla og halkay Goobjoog ku yihiin, ayna ku cadeyen inay sir ogaal yihiin Al-shabaab, haddaba sidaa sir ogaal uma ahan waayo shababka ay hadal qaadayna aqoon uma lahan sawabtoo ah marna maysan oran lahayn in aysan aqoon u lahay cadowga lala dagaaltamaaya waayo sarakiisha sar sarre ee shababtu waxay ka mid ahaayen ciidankii xooga dalka oona door wayn ka dhelay dagaalkii lagula galay Itobiya, waxayse aqoon u lahayn magacyada ay soo xusayn labo ay ayaguba ahaayen saraakiisha xooga dalka, midna uu aabihii ahaa janan, sow faataadhugta ay la yimidayn waa mid laga xumaado. Taana waxa u dhayr in ay yiraahan shabaabtu waa gaalo neceeb cajiib soo ururka sharwde group, afhaayeenkoda waraysi uu bixay laguna daabacay Sirdoon, asagoo leh wadamada u heshiisay Somaliya, waa club kirishtaan ah, tana waa igu cajiib, soo tii lagu heshiiyay in ciidanka Xabashida iyo Uganda, dalka laga saaro oo maxay tahay naxariista soo galay ururka sharwade group,  

ururka sharwade group, ay ku xusayn maqaalka raqiiska ah in shabaabtu laga xukumo dibada taasoo ah arin sal iyo raadba toona laheen,  bal waxaan waydiin ayagu Al-islaax, ahaan xagee laga xukumaa yaase xukuma, soo maaha ayago  dibada laga xukumo ay ku sheegayaan in Al-shabaab dibada laga xakumo, lababa urur uu guddoomiye ka yahay Sheekh Yusuf Al-qaradaawi, oo siminaaryada u furay, iyo ururka Ikhwaanka caalamiga ah oo miyay ilobayn Dr.Maxamud Cizat, ama waa dad indhaha ka leexinaaya runta aysan doonin inay arkaan, oo maa Somaliya, laga xukumi doona Qaahira ama Dooxa, waa cajiibe. 

ururka sharwade group, oo maalmahaan u ololaynaayay  Nuur Cadde, siddii uu ku noqon lahaa wasiirka 1aad ee dowlad ku sheega ka jira dalka, gudahiisa sida la sheego, siduuna ku noqday ayna ka mid ahaadan isbahaysiga dib u xoraynta, wallee shaydaanku waa labo afoole waana labi wajiile, bal ururkaan oo shirarkoda ka qayb qaata xildhibaanada Baydhabo, oo maa dad heshiis la ah ama waa dad soo dhagadhageya, natiijadiisuna loo gudbiyo Cabdullahi Yuusuf, haddaba waa dadkii ugu taliyay Cabdi Imaan, inuu la heshiiyo dkmg, haddaba waa isla ayagii qasay Guurtida Hawiye, inay isu dhiibaan dkmg, iyo kala geynta beesha, xiriir joogtana la lahaa oona ka shalaay  taladii qaldaneed  ay siiyeen. 

ururka sharwde group, waxa caado u ah ciddii kaso horjeedo hadafkoda waa jawaasiis sida barlamaanka xorta ah, sida anigaba hanjaab wax layga qaadi waayay layla yimid waa basaas, balaayo idiin basaaste, runata waaba ayagii mucjisada ummadda u keenay. 

xag-jir waa hebel anagana waa qunyar cajiib waa nimankii doonay inay ku sheegaan xagjir oo waaba ayaga waxaas waayo waa dadkii ka dambeyay in xijaab xooga aan ku qaato alla ka diidee, shirka ma galaysid oo yaa idiin dhagaysan, bal aan wadda eegno yaa xagjir ah ama seef la bood ah, ayagu ama culumada ku hadafka ahayn marba haddii kuwa lagu sheegay xag-jir, yiri way soo gali kartaa waa gabar soomaaliyed, bal ayagii i hor istaagay, intaa markaan soo galayna waxay yireen  maxay usoo gashay waayo waxay  basaas u tahay dowlada Fransiiska, cajiib, waliba ayago aqoona u leh ninka u ah basaas, haddad ila jirin basaas ayaad tahay.

haddaad tiraahid hala dhowro midnimada soomaaliyeed basaas ayaad tahay haddaad tiraahid hala dhowro midnimada culumada basaas ayaad tahay haddaad tiraahid ma jiraan xag-jir iyo qunyar socod basaas ayaad tahay.

ama  waxay ka xunyihiin xoriyada iyo nabada ay dhaliyen shabaabka,waqtigii ay ka talinaayen MMI,  ay ayagu intaaso sano dhalin waayay, ay usha u wataan.Xaqiiqada way ka fogyihiin sir ogaalna iskaba daa loolanka siyaasada ay usha u qaatayn yuusan ku dul jabin ushaas alla maxay isu gadayn habarta janday, alla maxay malab iyo subag isu marshen beesha caalamka, alla maxay cad iyo cadiin isaga dhigen oday cabdullahi. 

marka waxa iga su'aal ah oo nimankaan  qoray maqaalkii "Waa Ayo Al Shabaab Yeyse Dan u Yihiin" maxa talo ah oo nimankaan marjacana ka mid ah oo isla marjacaa ayaa noqon doono guddi anshax miyaa, ama su'aasha waxan u warejir Guddoomiyaha Isbahaysiga ahna Guddoomiyaha Fulinta ee Isbahaysiga dib u xoraynta iyo dib u soo noolaynta soomaaliya, kow inuu noo cadeyo urur diineedka uu ka mid yahay aan meel saarne ururada faraha badan oo ku qaraabta magaca Isbahaysiga. 

haddaba waxaan u sheegayaa ururka sharwade group, in Al-shabaab ay yihiin dad u istaagay difaaca dalkooda dadkooda iyo diintooda iyo siday ugu xorayn lahaayeen gumeysiga cusub oo dalka qabsaday waxaa  shacabka sooomaaliyeed  la gudboon in ay hiil iyo hoo garab istaagaan walaalahooda oo dagaalka safka hore oga jira siddi aysan somaliya u noqon kiliilka lixaad inta ay goori goor tahay. 

W/Q: Qamar Sharif Hashim.
la xiriir: lunadurazzini@hotmail.com
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 26, 2007

Soomaalida oo Loogu Baaqay in ay Qaadacaan Diyaarada Ethiopian Airlines, iibsana Qaadka Itoobiya
MPLS
Kulan Hadaladii ka Soo Baxay Loo Riyaaqay oo ka Dhacay Minneapolis, oo ay Soo Qaban qaabiyeen Ururka Midowga Qurba Joogga Soomaaliyeed.. Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com