Wareysi
Prof. Dhalxa "cidkasta oo ku xadgudubta Sharciga Baarlamaanku si xor ah ayuu ugu
hadlayaa..."
Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ahna ku simaha Gudoomiyaha
Baarlamanka Prof. Max’ed Cumar Dhalxa oo aan wax ka weydiinay sababihii uu u
baaqdey Ajendihii Golha Baarlamaanka, Wafdi dalka soo gaarey iyo ujeedada
Wafdigaas ayaa sheegey in Wafdiga soo gaarey Magaalada Baydhabo ay isugu jiraan
UN iyo Xubno ka socdey dalka Soomaaliya "Saaxiibada la ah", kuwaasoo u kuur
galaayey Arimo la xiriira Baarlamaanka DFKMG Soomaaliya iyo Arimaha
Dimogoraasiyada.
Gudoomiyuhu wuxuu kaloo sheegey in Waftigaan
qaarkood ay hore isugu soo arkeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe oo
dhowaan safar dalka dibadiisa ugu ambabaxay.
Gudoomiye ku
xigeenka waxaan keloo wax ka weydiinay Arimaha Saxaafada oo mudooyinkaan u
muuqdaan kuwo xarumahooda kala duwan in qaab siyaasadeed loo xiro iyo sida lagu
ilaalindoono hadii ay dhowrto Saxaafada Sharciga hada Baarlamaanka horyaala iyo
arimo kale oo ku saabasan warbaahinta qaybaheeda kala duwan.
Wareysigii oo
dhameystiran halkaan ka dhegeyso. ama
halkan (mp3)
Laakiin Ansixinta sharcigaan saxaafada ayaa wuxuu u muuqdaa mid iska dheh ah,
waayo Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mudadii uu jirey qaarkood waxay xusayeen in
sharciga lagu tuntey islamarkaana Qodobo badan oo Axdiga KMG la jebiyey mudo
badana lagu soo wadey, taasoo is weydiintu tahay, iyadoo Qaybaha Warbaahinta
kala duwan ee ka hawlgala hada Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka shaqeeya meelaha ay
Dowladda FKMG ka shaqeyso lagu xir xiro, taasoo ay ka dambeeyaan ciidamada Nabad
sugida, iyadoo aan la soo marin Wasaaradda Warfaafinta iyo qaybaha kale ee
Sharciga.


Xubnaha Saxaafada ee la xir xirey intooda badan ayaa la sheegey in la weydiiyo
waxyaabo dhinaca siyaasada iyo arimo aan la hubsan, taasoo u eg mid lagu
muujinayo in xubnaha Saxaafadu ka shaqeeyaa ay yihiin Siyaasiinta keli ah ee ay
la dagaalameyso dhinaca Fikirka iyo hadalka, laakiin la arki doonee sida loo
ilaalindoona sharcigaan Saxaafadda iyo rabitaanka guud ee DFKMG.

Prof. Dhalxa iyo Filib
Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com
Hadaladii
laga yiri Khudbadihii Col. Nuur Cadde, ra'iisul
wasaraha DFKMG...
iyo hadalo kulul oo loo jeediyey Saraakiisha Amaanka
iyo Mas’uuliyiinta Gobolada ee ku xadgudbey
Saxaafada..
Dhegeysi/Akhri...
Wariyaal lagu xir-xiray laascaanood
Maamulka S/land ee iminka ka arimiya Laascaanood ayaa xabsiga dhigay maanta 2
Wariye oo midkood uu ka shaqaynayay Idaacada Radio-laascaanood.
2-da Wariye ee la xiray ayaa magacyadooda lagu kala magacaabaa C/qani Xassan
Geerash oo ka tirsan Idaacada Radio-laascaanood iyo Maxamed shaqale oo wax ku
qora Internetka.
Lama sheegin sababta dhabta ah ee loo xiray
Wariyaashan , hase ahaatee ., waxaa la aaminsan yahay in ay baahiyeen waxyaalaha
ka jira gudaha magaalada Laascaanood ee looga soo horjeedo maamulka gacanta ku
haya Laascaanood.
Dadwaynaha deegaanka , ayaa wallaac xoogan ka muujiyay xariga
wariyaashan , waxayna ku tilmaameen xarigooda in la doonayo in la caburiyo
saxaafadda xorta ah ee ka hawlgasha gobolka waa siday hadalka u dhigane ,waxayna
dalbadeen in si dhakhso ah loo soo daayo wariyaasha.
Sidoo kale ,waxaa soo baxaya in la raad-raadinayo wariyaal kale
oo ku sugan islamagaalada Laascaanood ku waa soo la doonayo in la xabiso , si la
mid ah wariyaashan.
bashiir cumar cali/puntland
bashiir137@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2007
Soomaaliya sidii Lagu
Xoreyn Lahaa

Warbixin
dhamaystiran oo ku saabsan kulankii Sabtidii lagu
qabtay Minneapolis ee looga hadlay sidii Soomaaliya
looga xorayn lahaa Itoobiya, warsaxaafadeedkii
Ururka Midowga Qurmab Joogga, qoraal loo dirayo
senatorada/congress-ka USA, hadalladii C/risaaq Xaaji
Xuseen, Sakariye Xaaji, Prof. Mahadallah, prof.
Ibbi, Drs. Fawsiya...
Akhri... Nov 26

