Dood: Xeer Saxaafadeedkii ugu horeeyey oo ay yeeshaan Suxufiyiinta
Soomaaliyeed oo qabyo ah oo maanta (Isniin Nov 26, 2007) si rasmi ah loo
soo gudbiyey iyo hadalo kulul oo loo jeediyey Saraakiisha Amaanka iyo
Mas’uuliyiinta Gobolada ee ku xadgudbey Saxaafada
Kulan ay isugu yimaadeen xubnaha Golaha Baarlamaanka oo uu
shirgudoominaayo Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Prof.
Maxamed Cumar Dhalxa oo ay soo xaadireen 140 Mudane oo looga
hadlaayey Sharciga Saxaafada ayaa dib loo dhigay, kadib markii qaar
ka mid ah xubnaha Baarlamaanka oo sharciyaqaano ah ay sheegeen in
xeerkaan uusan u qorneyn qaab sax ah, mana soo diyaarin dadd shaci
yaqaano ah, gudiguna kuma jiraan wax sharci uyaqaano ah.
Xeerkaan saxaafada ayaa waxaa Baarlamaanka loo soo gudbiyey Bishii
8-aad ee 2007-da, ilsamrakaana Golaha wasiirada ay hore u soo baas
gareeyeen bishii 5-aad ee isla sanadkaan 2007-da, gudoomiye ku
xigeena iyo Xildhibaanadii halkaasi ka Hadley ayaa waxay cadeeyeen
in uu daahay Xeerkaan Ansixintiisa.
Xildhibaanada Meesha ka hadlay ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaanad
Saynab Max’ed Caamir oo ah Gudoomiye ku xigeena Gudiga Arimah
Saxaafada, Xildhibaan AVV. Cumar Zuber, Wasiirkii hore Warfaafinta
Xildhibaan Madoobe Nuunow Max’ed, Xildhibaan Cali Axmed
Jaamac{Jengeli} oo ahaa Wasiirkii ka horeeyey Madoobe, Xildhibaan
Max’ed Cismaan Maye iyo Max’uud Axmed Kulalihi.
Fadhiga Baarlamaanka DFKMG | qaybta Haweenka
hase ahaatee sharcigaan Saxaafada ka doodidiisa ayaa wuxuu ku soo
beegmay xili ay xiran yihiin Xarumo Warbaahin oo ka hawlgala
Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadii Soomaaliya, islamarkaana ay ka
haajireen in kabadan 50 Warfidiyeeno oo isugu jira kuwii hore iyo
kuwii dambe, kadib markii ay kala kulmeen dhinacyada kala duwan ee
iska soo horjeeda ee DFKMG iyo Kooxaha ka soo horjeeda eek u
hardamaaya talada dalka iyo dadka Soomaaliyeed, taasoon maalinba
maalinta ka dambeysa sii daba dheeraaneysa, laakiin dadka arimaha
sharciga ku xeel dheer waxay is weydiinayaan qaabka ay DFKMG
ciidamadeeda iyo Saraakiisheeda dhinaca Amaanka ay ula dhaqmaan
qaybaha kala duwan ee Warfidiyeenada dalka iyo dibada, iyagoo ku
sababeynaya in ciidamada Amaanka ay faraha la galaan shacab,
islamarkaana ula dhaqmaan qaab siyaasiin.
Khudabadii Aadan Madoobe ka hor intii uusan u dhoofin Addis Ababa:
Khudbad kooban oo uu Baydhabo ka jeediyey Aadan Madoobe ka hor intii
uusan u dhoofin Addis Ababa ayuu sharraxaad kooban ka bixiyey
safarkiisa:
Aadan madoobe markii u safrayey Addis Ababa (Nov 25, 2007)
Baydhabo: Xaflad loo dhigay Nuur Cadde
Labada Marwo ee Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka
DFKMG oo jooga xaflad (Nov 25, 2007)...
Nuur Cadde oo la gudoonsiinayo dharka hidaha iyo dhaqanka
Dalxa oo xiraya xafladii
Bidix Gudoomiyaha Deg. Baydhabo Axmed Maadeey, Midig
Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Baay Shiine Macallin Nuurow
Nuur Cadde oo ay dhinacyada k ataagan yihiin Dalxa iyo
caliyow
Max'ed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 27, 2007
Soomaaliya sidii Lagu
Xoreyn Lahaa
Warbixin
dhamaystiran oo ku saabsan kulankii Sabtidii lagu
qabtay Minneapolis ee looga hadlay sidii Soomaaliya
looga xorayn lahaa Itoobiya, warsaxaafadeedkii
Ururka Midowga Qurmab Joogga, qoraal loo dirayo
senatorada/congress-ka USA, hadalladii C/risaaq Xaaji
Xuseen, Sakariye Xaaji, Prof. Mahadallah, prof.
Ibbi, Drs. Fawsiya...
Akhri... Nov 26