SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Taariikhda dugsiga sare ee Gobolka Gal-Gaduud 

Abdulkarim Mohamed Jim'ale

Mail: muxsin55@hotmail.com

TeL: 00252 50 913093

00252 1 5507457

Galgadud,Somalia.


 Dugsiga sare ee G.galgaduud 1/08/1976-01/01/1991 

Dugsiga sare ee degmada dhuusamareeb waxaa la dhagax dhigay bishii Augusto Sanaddii 1976-dii,waxaana dufcaddii koowaad ee ardo kasoo baxday dugsiyada  hoose dhexe ee Degmooyinka gobolku fariisteen dhismaha dugsiga sare ee gobolka bishii April sanadii 1977-dii, waxaana qaabka dhismaha dugsigan dejiyey koox  injineero ah oo ka socday Wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare ee dowladdii milateriga ahayd ee dalka ka Talinaysay sannadihii 1969-1991-dii, waxaa hoggaaminayey kooxdii injineerada ahayd ee dhisay dugsigan sare ee gobolka gal-gaduud qandaraasle lagu magacaabi jiray Maxamuud Soofe,oo kamid ahaa madaxdii mashruucii iskaa wax u qabso ee Xukuumaddii 21 october ay ku dhistay dhismayaal muhiim ah oo ku kala yaal meelo kala Duwan oo dalkayaga kamid ah, 

  

Maamulayaashii soo maray iyo xiliyadii ay maamulayeen

Markii la dhammeeyey dhismaha dugsigan sare ee gobolka galgaduud   waxaa Wasaarraddii waxbarashada  sare u magacowday maamulka dugsigan saddexdii sano ee Ugu horreysay Maamule la oran jiray Maxamed Dacar oo hayey maamulka dugsiga laga billaabo sannaddii 1977-1981-dii

1982-1986-dii waxaa ay wasaaraddu soo magacowday Maxamed Dirir Mire, wuxuuna ku daray dugsiga dhismayaal cusub sida meelo biyaha loogu kaydiyo dugsiga.

1987-1991-dii waxaa loo soo magacaabay Mahdi Maxamed Jimcaale oo noqday maamulihii ugu danbeeyey ee Maamula dugsiga sare ee gobolka galgaduud.    

 Maamuladii soo maray gobolka 

Waxaa xog-hayaha XHKS ka ahaa gobolka Axmed Maxamed Maxamuud oo loo yiqiin Aasey, waxaana XHKS ee degmada isna ahaa Maxamed C/lle Garjeex. 

Booqasho Madax-weyne

Mid kamid ah dufdadihii ka soo baxay dugsiyada hoose dhexe ee gobolka oo isu diyaarinayey in ay galaan dugsiga sare ee gobolka iyo koox looyiqiin :aqoon dersayaal oo XHKS u ahaa shaqaale ayaa allaha u naxariistee madaxweynihii xukuumaddii 21 OCTOBE  Sarreeye guuto Maxamed Siyaad Barre kula hadlay garroonka dedan ee kubbadda Cagta ee degmada dhuusamereeb,isagoo kula dardaarmay in lala dagaalamo Saddex cudur oo uu sheegay in ay yihiin kuwa ka masuulka ah dib u dhaca ummadda soomaaliyeed kuwaas oo uu ku sheegay

  • A.Jaahilnimo

  • B.Saboolnimo

  • C.Qabyaaladd

Qoraalkan waxaan ka sameeyey xog wareysi aan la yeeshay, xubno howl-gab ah hadda oo kamid ahaa dadkii sida iskaa wax u qabso ah uga qayb-qaatay dhismaha dugsiga sare ee dhuusamareeb iyo kuwo kamid ahaa golayaashii murtida iyo madadaalada iyo xarumihii hannuuninta ee gobolka galgaduud.

qeyb ka mid ah dugsiga sare ee Dhusanareb ayaa waxaa dacaytiray hay'ada wadaniga ee Ileys foundatio kadib markii uu 17 sano burbursanaa. 

cabdiakriin maxamed jimcaale (muxsin)
Abdulkarim Mohamed Jim'ale
Mail: muxsin55@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 19, 2007

gaaniXildhibaan Gaani oo UNICEF ku eedeeyey ay Musuqmaasuqeyso $7 million oo doolar....
waxana uu yiri: "Hogaamiye kooxeedyada ka harey Soomaaliya waa Hay'adaha Qaramada midoobey" Waraysi

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com