SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Saxaafada is xilqaantay, Ma siyaasadbay u  Xidhan tahay ?

Mahad Alle ayey u sugnaatay, Rasuulkeenii Muxamed,nabad galyo iyo naxariis korkiisa ahaatee, Khulaafu’ Raashidiintii iyo intii raacdee xaqa ku rumeysay Illaahey raali ha ahaadee. Intaa dabadeed 

Furaashkuu ku jiifo, qofkii gacan u qaadee, xaga dambe badh soo rogey. Markuu cagaha laabtee, jilbihiisa  madaxiyo calooshiisa hoos dhigo, cidhiidhiguu is geliyiyo, cadibaada daba taal, aqoontuu ka korodhsaday, isagaa u cilmi leh. Waxa dunida hawl taal, ee qallin lagu tilmaamiyo, lagu koobi karin hadal, waxay siyaasad oo qudha, dadku isugu koobeen, iyagaa u cilmi leh. Muraayadaha wax daabaca, ee wararkii dalkeeniyo, lagu qoro maqaalladu, wuxuu qallinkoodu diintiyo, qur´aan uga bakhaylay, iyagaa u cilmi leh. Balse damiirkeenu muu noqon, mid Axaadiista diintiyo, Aayadaha ilaahay, ka dabooshay maqalkoo. Qudbadaha Ina Yusuf, hadallada digtoorradu ilmadooda daadshaan.

Saxaafada qarnigan cusub ayaa ka duwan, kana hawl yar midii hore loo isticmaali jirey, iyadoo aan u baahnayn madbacad waraaqo daabacda iyo joornaal suuqa lagu iibiyo midna, waxanay bilaash u tahay dadka akhrista ee ku xidhan . Inkastoo aanan wakhti u helin inaan wada akhriyo wixii saxaafadda casriga ah ( Internetka ) lagu soo qoro, hadana waxaan arkay in dhammaantood amma intooda badan wararka, maqaallada iyo figradaha la soo qoraa Ehel u yihiin siyaasad. Waxaan is weydiiyey saxaafadan casriga ahi ma iyadaa dadkeeda ku hogaamisay dariiq aad cidhiidhi u ah oo aan dadka wada qaadayn, mise dadku iyagaa isku soo koobay dhul iyo aduunyo waasac ah. Dedaalka ay muujiyeen saxaafadda is xilqaantay, ayaa ah mid mudan dhiirri gelin iyo mahad celin labadaba, balse waxa muuqata inay il keliya wax ku eegaan.

Badi dadka akhrista amma ku xidhan saxaafadan casriga ah ayaa ah qurba joogga dibadaha ku nool. Inkastoo ay saxaafada casriga ahi dabooshay baahi muhiim ah, hadana waxaa hubaal in baahida dadka qurbuhu ka miisaan culus tahay midda dadka wadankii ku nool. Baahidu maaha oo qudha mida dhaqaale, balse waxa jira baahiyo miisaan culus oo saameynaya caqiidadii aynu ku dhalanay ee diinta Islaamka, midii dadnimo iyo tii shakhsi ahaaneedba. Dal iyo ummad intaanu horumarkoodu soo shaac bixin waxa ka horreeya horumar iyo guulo dahsoon oo aan muuqan. Sidoo kale markay soo baxaan baylah iyo xumaan muuqata, inta badan waxa sabab u ah inta soo baxday in ka badan oo dahsoonaa balse aan la dareemin.

Inkastoo xaaladeena siyaasadeed tahay mid u baahan feejignaan dheeraad ah, hadana inaynu illowno nolosha qaybeheedii kale kuna koobnaano, gaadhna ka hayno siyaasad keliya waa arrin wer-werkeeda leh. Sida loo kala baahi badan yahay, ayaa loo kala baylah badan yahay, iyadoo dadka qurbaha ku nool baahidoodu ka duwan tahay kana khatarsan tahay baahida wadankii taal. Waxan is weydiiyey maxay saxaafada casriga ahi ugu deeqeysaa qofka muddo 24 saacadood ah amma ka badan aan maqal meel ilaahay lagu xusayo, oo deriskiisa, saaxiibadiisa shaqada ama kuwa iskuulku yihiin dad Eebe ku caasiyey ?. Maxay saaxafada qarnigani baraysaa ubadka soo kacay ee noloshooda inteedii badnayd ku qaatay qurbe iyo gaalo dhexdood, iyagoo ay duul-duul ku tahay diinta iyo dhaqankii suubanaa?

Saxaafadda casriga ahi maxay ku caawinaysaa waalidiinta naxwihii iyo murti wixii ay hayeen mar hore ka dhamaaday kadib markay ubadkii iyo iyagu isku keliyeysteen. Qaraabo soo booqata oo badani ma joogto oo waa mid ama laba. Deris milix lagasoo qaataa ma jiro oo jaarkoodu waa gaalo Jahanama la jaar ah ( Eebe innagama yeelo ). Waxanse is weydiiyey innagoo intaasoo dhibaato ah qabna, maalin kastana maqalna waxyaabo dareenka iyo damiirka fiicaniba diido, waxa innagu koobay inaynu siyaasad oo qudha gaadh ka hayno, oo qofkii figradiisa soo qora, kii maqaal soo diyaariya iyo kii fadhiya goobaha lagu kulmaa uga hadlo siyaasad iyo maalmahan sokeeya.

Hadii dadka saxaafadan casriga ah gacanta ku haya, wakhtigana u helay noqdeen qaar ilaaliya qaranimada iyo sumcadda siyaasadda, heeganna u yihiin dhawristeeda iyo fidinteeda, maxay dadkii akhristayaasha ahaa uga faa´ iideysan waayeen inay kaga hadlaan duruufohooda wejiyada badan leh. Qof kastaaba wuxuu leeyahay meel loogu hagaago oo laga helo si loo gaadhsiiyo farriin wax uga tarta maalinta aduunyo iyo maalinta aakhiro. Maxay culimadii diinta taqaanay uga baaqsadeen inay dadkooda kula kulmaan muraayadahan la iska akhristo si ay u gaadhsiiyaan kelmed ka fogaysa cadaabka Eebe, kuna dhaweysa naxariistiisa. Waxa hubaal ah in la heli karo qof maalintii laba jeer amma ka badan booqda muraayadaha wax laga akhristo, balse sababo jira awgeed aanay u suurto gelin inuu maalintii hal mar booqdo goob kamid ah goobaha Eebe jecel yahay.

Dunida laguma sheegin ummad wada sheekh ah, Soomaaliyana ubadkeeduna maaha kuwo ku soo dhashay iyagoo diintooda, dhaqankooda iyo taariikhdoodaba dusha ka haya. Maqaleey warlaay, ma laguu warramay, in Cali la diley, oo Cumar la dilay…. Ubadka ku nool dhulka miyiga ah ee ay yar tahay siday ula kulmaan  macallin diintooda bara, ayaa hadana hees ay maqasha ku raacaan lagu gaadhsiiyey taariikhda asxaabtii Nebigeenii suubanaa NNKHA. Innaguna maanta inagoo ka awood iyo qalab badan, hadana inaynu ubadkeenna nasiibkooda oo qudha intaynu shandad ugu ridno, dhabarkana u saarno, ku nidhaa iskuulka taga waa arrin murugadeeda leh, balse Badbaadiyihii abuuray isagaa badbaadin.

Dhinac kasta oo ka mida nolosha dhulka gaalada ah ayaa waxa innagaga socda dagaal jihooyin badan leh balse aan muuqan. Adigoo aan dareensanayn ayaa waxaad u tanaasulaysaa inay dhacdo xumaan aan kuu cuntamin. Adigoo aanay kuu muuqan ayaa waxaad ka tanaasulaysaa tiirar adag oo diinteena iyo dhaqankeenuba ku dhisan yihiin. Adigoo qaba digniino hore, ayaad garabkii ku jabi lahaa sii diyaarinaysaa.

Hanti uu qofku yeesho oo ka qaalisan iimaan suuban, lama sheegin qof haysta. Markaad hoos wax u eegto, baylahdii ku hareer taalley iyadaa kuu gacan haadin. Hadaad dedaalkeed la timaad, inaad gacan Eebe heleyso isagaa innoogu yaboohay. Waxan Eebe ka baryayaa inaynu noqonno kuwo leh iimaan sugan oon raacin maalmaha iyo dhacdooyinka guur guura. Wehel waxaa ugu fiican ilaahay, waxanan ka rajeynayaa inuu Wehelkeena ahaado.

MOHAMED ISMAIL

mismacil@hotmail.com

mismacil@live.co.za

CELL: + 27 76 969 9516

TELL: + 27 11 837 0891

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 19, 2007

gaaniXildhibaan Gaani oo UNICEF ku eedeeyey ay Musuqmaasuqeyso $7 million oo doolar....
waxana uu yiri: "Hogaamiye kooxeedyada ka harey Soomaaliya waa Hay'adaha Qaramada midoobey" Waraysi

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com