SOMALI FORUM FOR PEACE & DEMOCARACY
Ujeedo : WARSAXAAFADEED
LONDON 18/11/2007
Ururka Somali forum for peace & democaracy shir ay ku yeesheen dhawaan
magaalada London oo ay kaga hadlayeen arimaha ugu dambeeyay ee Soomaaliya,
ayay ka soo saareen war- murtiyeed ay kaga hadlayaan xaalada dalka
Soomaaliya ku sugan tahay .
Waxaan soo dhaweynaynaa oo aan ku taageersan nahay war-mutiyeedkii dhawaan
ka soo baxay xafiiska European Parliament oo ay kaga hadleen arimaha ka
taagan Soomaaliya iyo mowqifka ay ka qaateen ,iyagoo soo saarey baaq ah in
la furo maxkamad degdeg ah oo lagu baarayo xadgudubyada xaquuqul insaanka ee
Soomaaliya iyo dambiyada dagaalka ee ka socda .
Waxaan ugu baaqeynaa Baarlamaanka Yurub inuu baaqaas noqdo mid dhaqan gala
oo uusan noqon mid la iska dhahey oo aan waxbo laga qabanin.
Waxaan cambaareynaa xadgudubyada iyo xasuuqa ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed
ee aan waxbo galabsan ee ku nool magaalada Muqdisho ciidamada Ethipia iyo
kuwa ay ku shaqeysato.
Waxaan kale oo aan cambaareynaynaa xariga Odey dhaqameed Ahmed Diiriye Cali
iyo dilka lagu sameynaayo dadka Soomaaliyeed ee aqoonyahanka ah ee diidan
joogitaanka iyo heysashada gumeysiga Ethopia ee Soomaaliya & caburinta
saxaafada xorta ah.
SFPD waxaan aad uga xunahey isku daygii fuleynimada aheyd ee ciidamada
Ethopia ay ku doonayeen inay ku khaarajiyaan Gudoomiyaha fanaaninta Waayaha
Cusub Shiine Abdulahi Ali ee lagu dhawaacay weerar wuxuushnimo ah oo ay
fuliyeen sirdoonka Kenya & Ethopia,waxaana codsaneynaa in si dagdag ah loo
qabto kuwii fuliyey dilkaas bahalnimada ah ee lagula kacay muwaadin
Soomaaliyeed oo aan wax dambi ah galin ee un diiday inuu ka aamusnaado
xasuuqa ba’an ee ciidamada Ethopia iyo kuwa u ah shaqaalaha ay ku hayaan
shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii waxaan ummada Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka ka codsaneynaa
inay iska kaashadaan sidii loo dardargalin lahaa in la furo maxkamad caalami
ah oo lagu baraayo dhibaatada ka aloosan Soomaaliya si degdeg ah.
Waxaan ugu baaqeynaa beesha caalamka inay ka shaqeeyan sidii ciidamada
Ethopia ee gumaadka ka wada Soomaaliya dalka looga saari lahaa walina
falgaboodka ay ka geysteen Soomaaliya loogu maxkamadeyn lahaa.
Mahadsanidiin
Guuleysta Soomaaliya Soomaali baa leh
Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 19, 2007
Xildhibaan
Gaani oo UNICEF ku eedeeyey ay Musuqmaasuqeyso $7 million oo doolar....
waxana uu yiri: "Hogaamiye kooxeedyada ka harey Soomaaliya waa Hay'adaha
Qaramada midoobey" Waraysi


|