SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


somalia
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


walaacu waa cudurka casrigaan (ila eeg dhanka bulshada soomaaliyeed )

Qore:Jarate

sharmaarke64@hotmail.com

Damascus,Syria

Marka hore waxaan salaamaya maalmulka Somalitalk iyo dhamaan akhristayaasha qaaliga ah ee sida joogtada ah u soo booqda.Marka xiga waxaan jecleystay inaan wax ka iraahdo dhibaato sii kordhaysa oo bulshadeyda soomaaliyeed haysata haba ugu darnaato inta qurbaha joogta.Sida aan la socono walaalayaal ummadaha dunida qaar xaaladaha ijtimaaciga waa nala mid qaarna waa naga fiican yihiin taas waxaan ula jeeda,marka ruuxu dalkiisu dhibaato ay ka hureyso dhibta dalku wey taaban haba lagu kala aragti iyo dareen duwanaadee.Xaalada ijtimaaciga ee bulshadeyda soomaaliyeed oo sii adkaaneysa taasna waxa keenay ma'aha ruuxu inuu neceb yahay ama col la yahay walaalkiisa kale ee Soomaaligeed ee waa daruufaha ku xayndaaban oo marba marka ka danbeysa sii adkaanaysa.Hadaad rabto joog dunida horey u martey ka shaqee shaqo noloshaada saacidi karta,waxaan shaki ku jirin iney adag tahay inaad ka baxsato (Homesick) dalkaaga oo aad u hilowdo,haba ugu darnaadaan dadkii dalka ku garaadsadey!Hadaba dal la'aanta iyo meel nafta jawigeeda lagu badalo ayaa waxa ay keentey iney in badan oo soomaali ah caafimaadkoodu uu wax gaaro.Waxaa intaas sii dheer Soomaali badan wadamada ay joogaan sharci kumalaha oo daruufta ayaa u diideysa inuu dalka uu joogo inta uu si sharci ah uga baxo kadib uu ugu soo laabto si sharci ah mar labaad.Kuwo kale qurbaha ayaa ku dabo dheeraadey.Waxaaba taas ka sii daran ruuxu meel uu u hawo gadisto malaha waayo haduu dalka tago dhibtuu shalay uga soo cararey ayaa taala waxaana been ahayn maanta iney ka sii aragti liidato shalay,naf iyo maal iyo dhulba wey sii tirtirmayaan(eliminating all kinds of resources)!!!

Runtii nin waalan ayaa laga haya markii la weydiiyey inuu hada ka hor waalnaan jirey una muuqdo maanta ruux caadi ah,waxa uu ku jawaabay 'Wali waan waalnahay balse dadkii ayaa iga daba yimid' Walaalayaal dadkeyga xanuunka walaaca ama buufiska waxa ku keenaya waa waxyaalaha aan kor ku sheegay iyo kumaan kale oo u baahan in wax laga qoro oo aan halkaan ku soo koobi karin.Waxaana keenaya hadaan wax ka sii taabtaabto waa arimaha hoos ku qoran.

1-Ruuxa oo marka hore eegaya kor marna fiirinayey dadka ka hooseeya(caafimaad,aqoon, dhaqaale)
2-Ruuxa oo xiriirka asaga iyo ilaahay ka dhaxeeyo uu aad iyo aad u tabar daran yahay.
3-Ruuxa oo dhaldhalaalka aflaamta reer galbeedka uu ku arko ay kicinayaan una mar walba dareemayo inuu joogo duni aad iyo aad u hooseysa dhankasta marka laga eego (qaas ahaan waxaan ula jeeda qodobkaan dadka ku nool dunida sadexaad)
4-Aqoonta iyo wacyiga oo ruuxa ku yar.
5 balwada noocey rabto ha ahaato oo keenta ruuxu inuu u dheereeyo dariiqa waalida (Accelarating to the crayzeness)

Markaan intaas uga baxa cudurka nafsiga ah ee walaaca ama buufiska ruuxba noocu rabo haku macneystee oo weerarka badan bulshadeyda soomaaliyeed ku haya sanadaah danbe iyo waxyaabo keeni kara inuu ruuxu xaalad walaac uu ku sii sidqo.Tusaale yar ayaan ku siin in xanuun nafsi jiro waxaad arki dad soomaaliyeed oo meel iskugu yimid oo midna mid dhageysaneyn ruux walbana u fara baxsanayo inuu hadlo asaga oo fahmin ruuxa kale qasdigiisa,waxaad kaloo arki ruux aad maanta dhan wax u sharaxeyso oo waxba ka fahmeyn sheekadaada wax 5 daqiiqo la iska dhaadhicin karo ayeey kugu qaadan inaad ugu dhaadhiciso 3o minutes,waxaad kaloo arki ruux aad telefoonkiisa gacanta aan sixi karin nambarada uu ka kooban yahay taasna ma'aha aqoon daro ee waa walaac iyo walbahaar ka haysta nolosha!!Waxaan mar ka murugooda marna isweydiiya sida dadkeyga,diinteyda iyo dalkeyga loogu diidey daganaansho iyo in nabad soomaali gacmaha isla qabsato iyo in inbadan oo soomaaliyeed markaad afkaar la wadaagto meelaha dhow ay ku meereysanayaan,waxaase taas iiga sii murugo badan intii caqliga iyo aqoonta dalke ahaan lahayd berrito oo dhibta dal la'aanta ee sanadaha badan soo jiitameysay ay ku noqotey xanuun nafsi ah oo ruuxu waxbaba si fiican ugu qiimeyn karin.Masalka carabiga ah waxa uu oran caqliga wanaagsan waxa uu ku jira jirka nabada qaba,walaalayaal caafimaadkeena an ilaalinayo oo an ogaano inuu caafimaadku yahay qaninimo tan ugu sareyso,sidee cadow iskaga daafici hadaan xiskeena gacanteena ku lumino ama khayaali nafteena ku jahwareerino.Tan qadarta ah layaab iyo ka hadal malaha sababtoo ah imtixaan waxaa la mariyey nabiyadii rabi doortey saxaabadeeni ee waxaan ka dagaalamaya inaan anagu gacanteena xanuun ku raadsano diinteena in badan ayeey nooga digtey hadaad quraanka fiirfiiriso kuna dul fakirto.



Qore:Jarate

sharmaarke64@hotmail.com

Damascus,Syria

Waxaan soo dhaweynaya wixii faalo,naseexo iyo naqdin ah

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 17, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com