- Banaanbax looga soo horjeedo xasuuqa lagu hayo shacabka
Soomaaliyeed oo ka dhacay Helsinki, Finland.
- Qaxooti Soomaaliyeed oo Dib Looga Celiyey Ugandha
Banaanbax looga soo horjeedo xasuuqa lagu hayo shacabka
Soomaaliyeed oo ka dhacay Helsinki, Finland.
( Helsinki ) ...Dad tiradooda kor u dhaafaysay 600 oo qof ayaa
Jimcadii 16.11.2007 isugu soo baxay farasmagaalaha caasimada dalkan
Finland ee Helsinki banaanbax weyn oo looga soo horjeedo xasuuqa
bani’aadninimada ka baxsan ee ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo kuwa
Dowladda KMG ah ee la shaqeeya ay ka wadaan guud ahaan daka
Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Muqdisho.
Dadkaasi oo aad u xamaasadaysnaa ayaa sitay boorar waawayn ay ku
qoran yihiin xasuuqa xun ee lagu hayo shacabka Somaaliyeed, iyo
ereyo mujinaya in Itoobiya ay ciidameeda kala baxdo Soomaaliya,
Maraykanka iyo midowga yurubna ay joojiyaan taageerada ay siiyaan
dowlada KMG ah, maadama ay shacabkeeda u horseeday xasuuq iyo
cadaalad daro, waa sida ay dadku ku hadaaqayeene.
Dadkaasi banaanbaxayay waxaa ay socod ka bilaabeen bartamaha
magaalada, iyagoo tagay aqalka madaxweynaha Finland, xarunta midowga
yurub iyo Baarlamaanka dalkan, waxaana meel kastoo ay tagaan loo
gudbiyay waraaqo muujinaya waxa ay ku taamayaan ama la gudboon in
jihooyinkaasi ay ka qabtaan xaaladda Soomaaliya.
Banaanbaxani waxaa soo qabanqaabiyay urur cusub o dhowaantan
lagaga dhawaaqay Finland, kaasoo la magac baxay Ururka dib u dhiska
Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka dhashay taageerda shcabku u hayaan
ururka dib u xoranta iyo soo nooleynta Soomaaliya ee Asmara lagu
aasaasay.
Ururkaan cusub ee Finland laga asaasay oo ay ku midoobeen qaar ka
mid ah bulshada Soomaalyeed ee reer Finland ee taagersan ururka dib
u xoraynta iyo soo nooleynta Soomaaliya ayaa ujeedooyinkiisa waxaa
ka mid ah :-
- ka qaybqaadashada xoraynta dalka
- Soo nooleynta walaaltinimada dadka soomaaliyeed ee la kala
dilay
- Baabi’inta qabyaalada
- ka hortaga gobolaysiga iyo taageerista in la dhowro
Soomaliweynta.
Mudaaharaadkaasi oo si wanaagsan u dhacay ayaa waxaa ay dadku ku
dhawaaqayeen Bush ha dhaco, Meles ha dhaco. Waxaa ugu xiisa badnaa
in dadku aanay soo hadalqaadin marnaba raga madaxda ka ah dowladda
kmg ah ee la shaqaysa gumaysiga Ethopia, mar aan weydiiyay mid ka
mid ah sababta ay ragaas ajnabiga u haystaan , kuwii Soomaaliyeedna
ay u soo qaadi waayeen, ayaa hal mar dhowr qof oo aan is ogayn waxay
ku jawaabeen isku eray ah : Kuwaasi qiimaba ma leh oo iyagu waa
wakiilo fuliya wixii la soo faro, sidaas darted ayaanaan u soo
hadalqaadin, mana istaahilan in la xusaba.
Ma ahan markii ugu horaysay ee Finland lagu dhigo banaanbax
noocan oo kale ah, waxaa horaantii sanadkan ka dhacay banaanbax weyn
oo looga so horjeedo dowladaha Maraykanka iyo Ithopia oo iyagu ka
danbeeya dilka, xasuuqa iyo burburka Somaaliya.
abdirazak sugulle | abdirazaks@hotmail.com
Qaxooti Soomaaliyeed oo Dib Looga Celiyey Ugandha
Qaxooti Soomaali ah oo ka soo qaxay dagaalada ka socdo magaalada
Muqdisho ayaa ka soo dagay garoonka diyaarada ee dalka Uganda
kuwaasi qaar ka mid ah oo dib loogu celiyey dadkooda.
Qoxootigaasi oo tiradooda lagu qiyaasay 120 ruux ayaa 30 kamid ah
loo ogolaaday in ay soo galaan dalka Uganda, kuwaasi loo ogolaaday
dalkani ayaa waxay wateen baasabooro soomaali ah halka inta
laceliyena ay ahaayey sharci la,aan.
Sidoo kale ayadoo maalmahaan lagu gudo jiro marti galinta Shirka
Dalalka Barwaaqo Sooranka Aduunka (COMMON WEALTH OF GOVERNMENT
MEETING) kaasi oo ku aadan 23ka bisha November. shirkaasi oo ay ka
soo qayb kali doonaad madax iyo wafyuud ka kala socoto dalalka
barwaaqa sooranka aduunka kuwaas oo ay ka mid tahay boqorada dalka
United Kingdom (BRITAIN) Queen Elezabed II
Shirkaasi oo labadii sanoba marba wadan lagu qabto ayaa keenay in
amaanka dalkani Uganda si wanaagsan loo xasiliyo ayadoo ay tahay
markii ugu horaysay ee lagu qabto dalkani Uganda taasi oo sababtay
in ajnabiga sharci darada kujoogo dalkani ay ka baxaan dalka ama ay
iska diiwaan geliyaan boliska si loo sugo amaanka.
ABDUKADIR ADAM (ABDILUCKY)
abdilucky3@hotmail.com