SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

UDUG: Ururka Daryeelka Ummada Geyigeena

UDUG waa saxansaxo iyo mustaqbal inoo ifaya! Waxaan halkan kasoo jeedinaynaa anagoo aad uga xun dhibaatada iyo dibindaabyada loo geeysanayo shacabka Soomaaliyeed khaas ahaan kan reer Muqdisho, waxaan la damqanaynaa xanuunka ka jira Caasimada Soomaaliyeed, waxaan caalamka usoo jeedinaynaa inay ka hortagaan arimaha ka taagan halkaas isla mar ahaan taasna codkooda gacantooda iyo si kastoo oo ay wax uga qaban karaanba ay wax uga qabtaan waayo haddii ruux damqada iyo cid xumaanta necebi ay jirto tani waa midii maanta wax laga oran lahaa loona gurman lahaa.

UDUG waxay aad uga xun tahay in Dowlada ku meel gaarka ah in ay ogolaadeen, raali ka noqdeen isla mar ahaantaasna difaaceen gumaadka arxandarada ah ee ka jira magaalada Muqdisho iyagoo sheeganaya inay yihiin hay'ada keliya ee metesha shacabka Soomaaliyeed taasna waxaa cadaynaya kadib markii la waraystay dhawr wasiir oo ka tirsan DKMG iyo gudoomiyaga magaalada Muqdisho ay ku jawaabeen inaan wax wayn oo la buunbuuniyaa meesha ool, itoobiyaankuna ay ka amar qaataan DKMG ah, waxaasse ceeb ku ah DKMG in ay Saraakiishii Itoobiyaanku qirteen in ay jiraan xadgudubyo loo geystay shacabka reer Muqdisho baaritaanna lagu samaynayo ciddii ka danbaysay falalkaas loo ciqaabi doono haddii lagu helo, asxaan daranaa mid amxaaradu uu ka arxan roonaatay.

Waxay arintaasi na xasuusisay 3 sano kahor markii isra'iel ay burburisay magaalada Rafax waxaa ka aamusay dhamaan shucuubtii caalamka, madaxdii muslimiinta iyo kuwii carabta waxaase arintaas ka xumaaday wasiir ka tirsanaa isla xiligaas xukuumadii Sharon oo xukunka haysay wuxuuna yiri wasiirkaasi isagoo ka hadlaya habar falastiiniyad ah oo gurigeedii oo la burburiyey waxka baaranaysa "Habartani waxay i xasuusisay Naazigii iyo sida ay ayeeyaday gurigeedii uga burburiyeen!".

UDUG waxay canbaaraynaysaa falalka ay xulafadu ka wadaan Soomaaliya khaas ahaan Gobolada Koonfureed waxayna UDUG ku baraarujinaysaa muwaadin kasta oo jecel soomaalinimada kii ogna xasuusinaysaa in ay falalkaas ulajeedada ka danbaysaa ay tahay mid la mida shirqoolkii lagu dumiyey Qarankii Soomaaliyeed in dadka Soomaaliyeed laga saaro dhulkooda hooyo haddii ay meel dheer iyo dawlado fogfog gaari waayaanna ay ugu barakacaan deegaamo kale oo wadanka dhexdiisa ah sidaasna ummadii ku noqoto mid ku nool oo ku dhex jirta dalka gudihiisa iyo dibediisaba wareeg, jaha wareer iyo barakac aan dhamaad lahayn, shaqaalaha la adeegsanayaana waa dhamaan kuwii aynu naqaaney 17kii sano ee lasoo dhaafay horena loo soo isticmaaley iyo kuwo kaloo hor leh, waxaadna arkaysaan in haddii aynu naqaaney tiro gaaraysa illaa 20 labaatan ay maanta marayaan 200 laba boqol waa intooda inoo muuqata kuna biiray kuwa ay shacabka soomaaliyeed la xisaabtami doonaan.

Waxaan kusoo gaabinaynaa bayaankan in ay badan yihiin hagardaamooyinka la inoo dhigayo waxaase looga bixi karaa walaalnimo, isjecayl, Qabiilka iyo Qurunkiisa oo aan meel iskaga tuurno aynuna qaadano udgoonka islaamka walaalnimadiisa is jecaylkiisa iyo midnimadiisa, waxa uu Allaah inna dejiyey dhul aad u qurux badan geography ahaan, waxaynu haysanaa dhamaan noocyada khayraadka ee uu dal leeyeahay dhul bad biyo jawwi u suubada shaqo iyo waxsoosaar, waxa uu Allaah inna wadaajiyey diinta Islaamka waxaynuna wadaagnaa af keliya arimahaasina waa mid ku yar shacuubta caalamka.

UDUG waxay idiinku yeeraysaa inaan is kaashano far keliya fool ma dhaqdo waxayna UDUG idin leedahay haddii xumman wadayaashii iyo taageerayaashoodiiba ama cadawgeenii ay wax meel mariyeen inaga oo ah wanaag doonayaal wehelkeenuna yahay Weyne waxaad mar walba niyadda ku haysaan haddii aan shaqo u istaagno inaan wax badan qaban karno ummadeenana wax ka bedeli doono.

"Wanaag dhamaantiis iyo wehelnimada Allaah waxaa lagu gaarayaa Qur'aanka hadhkiisa"
UDUG
Fuad Abdalle
Soomaaliya
udug@live.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 16, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com