SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Dagaalka Somalia waa uu sii kordhayaa ,xalna waa uu adkaaday!!

W/D:Muxyadiin Axmed Rooble | Nairobi,Kenya

Email: muhudin01@yahoo.com


 

(Mareykanka oo Somalia ku tilmaamay Meesha saddexaad ee uu Mareykanka ka wado Dagaalka ka dhanka ah Argagixisada,)

 

    Warbixin dheer oo ay Qortay Jariirada Time

     

                                Qeydtii 1aad

 

 
Meyd Askari Ethiopian ah oo ay jeedayaan Caruur AFP

Wali Rajada lama laalikaro waana macquul in nabad ay dib uga hirgasho Somalia laakiin xiligan Somalia waxaa ka muuqata rajo la liidikaro,Wadanka iyo meesha aan ka hadlayo waa Somalia,waxaana asiibay Dhib aad u daran,Ciidamada Ethiopia   ee ku soo duulay wadanka Somalia Bishii December waxa ay dileen oo ay laayiin Kumanaan Somali ah,iyadoo kumanaan Guryahoodii islamarkaasana ay ku barakaceyn Qeybaha kale ee dalka ee wax sidaas u baaran aan dhaamiin Xaalada Caasimada Somalia ee Muqdisho ,dhibkaas oo dhan inta badan horay uma uusan jirin oo waxa ay noqdeen kuwo la soo kacay ama la yimid Imaanshaha Askarta Ethiopia ee Muqdisho ,waxa uuma dhibka umuuqdaa mid ka sii daran kuwii hore ee Muqdisho ka dhicijiray Muqdishana waxa ay gashay Sanadkii 17dii ee dagaalo iyo Colaado ay ka jiraan.

Sidoo kale waxaa ka dilaacay Muqdisho oo Dagaalada ka socda ay dhaliyiin Dhibaato Bini aadnimo iyadoo Boqolaal kun oo dad ay ka barakaceyn Caasimada islamarkaasna Qaarkood ay ka smaeynsteen Duleedka Magaalada uu dadka ka Holcayo ee Muqdisho Xerooyin ay ku noolaadaan maadaama ay iska soo hayaameen Guryahoodii Muqdisho oo Bartilmaameydsi u noqday Hoobiyayaal iyo madaafiic waaweyn oo lagu duqeeyay.
 
dad Qaxaya Sawir AFP

Dagaalada waa ay sii socdaan,Xabadana waxaa sii kordhaya Dhibaatada ay ugeysaneyso dadka Shacabka ah Ee Reer Muqdisho,Laakiin Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi   waxa uu sheegay Bishii August ee lasoo dhaafay waxa uu sheegay in dagaalkii uu dhamaaday islamarkaasna Xasiloonida ay dib usoo laabaneyso,Washington Waxa ay dirtay Tiro ka tirsan Ciidama Gaarka ah ee howlgalada si ay gacan uga geystaan Daagaalada Ethiopia ay wado,kuwaas oo lagu yeeray Kuwo Gacan ka geysanaya gacan ku dhigista Dowlada Somalia.

Dowlada kmg ah ee somalia waxa ay umuuqatay mid iskudayeeso inay sameyso Geedi Socodnabadeed oo dalka dib luugu dajiyo,taas oo haddii ay suurtagalilaheyd ay Hay'ada Gargaarka ee Qaramada midoobay iyo kuwa kale suurtagal u ahaalaheyd in ay caawiyaan dad aad u farabadan oo Somali ah kuwaas oo ay dhibweyn ka heysto dhanka Nolosha iyo caafimaadka,mar ahaantaasna somalia ka dhigilaheyd mid wax la qeybsada Dunida inteeda kale,Iyadoo ku beerilaheyd Gacansiga Caalamiga ah ee Aduunka ,kuwaas oo ay hormuudka u yihiin Shirkadaha Maalgalinta ee Chineha ,taas oo somalia ka hirgalin alheyd Hormnar Dhanka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha ah,taas oo sanado badan oo horseeday Dagaalo iyo colaado ka jiray somalia kadib dib unu soo beereneyso Dunida marka kale Somalia.

 

Qaar ka mid ah dadka ka qaxay Muqdisho Sawir AFP

Rajada laakiin hadda waxa ay gashay Mugdi bishan Octobar  oo kaleya ,TFG,UGU Horeentiiba waxaa soo wajahday dhibaatooyin dhanka Qabaa'ilada ah,iyadoo sare ay usiikaceyn Dagaalkii iyo khilaafaadkii Qabaa'ilada Somaliada u dhaxeeyay ,taas oo xitaa aakharkii ak dhexaloosantahay Labadii Masuul ee ugu sareysay Dowlada KMG ah ee Somalia ee C/laahi Yuusuf Axmed oo ah madaxweynaha Somalia iyo Ra'iisulwasaare Geedi oo kasoo kala jeeda labada Qabaa'il ee waaweyn ee Daarood iyo Hawiye oo xifaaltanweyn ka dhaxeeyo .

Bishan aan ku jirno hadda Dagaal u dhaxeeyaMilitry-ga Ethiopia ee jooga Muqdisho iyo Xoogag Somali ah oo kasoo horjeeda Ethiopia  ayaa ka qarxay Muqdisho oo ah Caasimada Somalia ,taas oo sare usii kicisay marka dhibaatooyinka Dadka Qaxootiga ah iyo kuwa barakacaya,iyadoo dadka soo xasuusisya Dagaalkii Muqdisho ka dhacay sanadkii 1993 ee u dhaxeeyay Dagaalhanadii Somalida iyo ciidankii Maricanka ee meydkooda lagu jeeday Wadooyinka Muqdisho,iyadoo Askar Ethiopiana ahna markale Meykooda Ay Ciyaalka iyo haweenka ku jeejeedeyn Wadooyinka Muqdisho,kuwaas oo ku dhintay Gacanta Kooxaha la dagaalamayay,inkastoo Ethiopiaka Qudhooda ay xasuuqeyn Shacab badan oo reer Muqdisho ah kuwaas oo ay maafeec ugu tagtay Goobahii ay ku sugnaayeen ,waxa uuna dagaalka somalia noqday mid isku badala Sida dagaalada ka jira Ciraaq oo ay ku sugan yihiin Ciidamo uu horkacayo Maricanka.

Caruur ay caro ka muuqato oo ku soo xuumayMeydka askari ethiopian ah Afp

 

Labada dagaal ee ka jira Somalia iyo Ciraaq waxaa u dhaxeeya Labo Farqi,kida koowaad oo xumeyneysa kana sii dareysa xaalada Somalia waxa ay tahay Dhibaatada Gaarka ah eek u saleysan Muradana Dowladaha Geeska Afrika iyo Ogalaansha loo ogolaanayo in Ethiopia ay sii joogta somalia islamarkaasna aysan ka bixin,inta uu socday Dagaalka Muqdisho ee lagu hoobtay ,Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay Ban ki moon ayaa xusay in Golaha Amaanka ee Jamciyada Quruumaha Ka dhaxeysa aysan Ciidamo u direyn Somalia Xiligan Dhibaatada Sii xoogeysaneysa ay ka jirto Somalia Awgeed,isaga oo muujiyay Rajo Xumada ku aadan in Somalia loo diro Ciidamo ka socda Un-ka oo soo Afjara Haysashada Somalia ee Ethiopia oo askarteyda la rumeysanyahay inay Xasuuqeyn Shacab badan oo Somalia ah.

 


Qaar ka mid ah dad lagu xasuuqay Muqdisho AP

Midowga Afrika oo horay u balanqaaday Askar Nabadilaalineed oo gaarayay 8,000 kun oo askar   ayaa hadda laga helay 1,600 oo Uganda Ka socda,waxa ayna Midowga Afrika umuuqdaan kuwo ay niyad jabinayaan Meydadka Askarta Ethiopia ee calaqan Wadooyinka Muqdisho islmarkaasna Gacanta u galay Haween iyo Caruur careysan oo aad u nicib Ethiopia islamarkaasna Ehiladoodii ay ku waayeen Duulaanka Ethiopia ay somalia kusoo qaatay .

mid ka mid ah Dadka Muqdisho ay ku xasuuqeyn Ciidamada Ethiopia AFP

 

  Lasoco Qeybta Labaad oo aad u xiiso Badan

W/D:Muxyadiin Axmed Rooble

Email: saadaam_7@hotmail.com 

Email: muhudin01@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 14, 2007

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com