SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GANACSIGA
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


somalia
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


GOGOLDHIGGA GANACSIGA

(DURUUS TAXANE AH) 
 

QAYBTII 3AAD EE GANACSIGA IS-KAASHATO

WAAJIBAADKA IS-KAASHATADA

nayruus

Qaybta: 1aad... | 2aad

Waa in uu qof kasta daacad ka yahay hawsha ganacsiga

Qof kasta waa in ay kal iyo laab ka tahay hawlaha horumarinta ganacsiga. Waa in uusan samayn falal dhib u gaysanaya dadka kale ee shirkadda ku jira ama sumcad xumo u keeni kara shirkadda. Haddii heshiiskii hore u oggolaanayo in uu qof Is-kaashatada ka mid ah cayrin karo, waa in uu taas caddaalad ka sameeyaa. Haddii ay jirto khasaare uu keeno khaladaad uu horey u sameeyey waa in uu saxaa.

Waa in uu u shaqeeyaa danta shirkadda

Waa mas’uuliyadda qof kasta oo Is-kaashatada ka mid ah in uu u shaqeeyo sida ugu wacan danta shirkadda iyo shuraakada kale. Waa in uu ilaaliyaa qawaaniinta iyo sharciyada shirkadda. Waa in uu ka fogaadaa dhammaan falalka u keenaya khasaaraha iyo dhibaatooyinka niyadsamidda shirkadda.

Waa in loo isticmaalo hantida shirkadda kaliya danta shirkadda

Qof kasta oo ka mid ah xubnaha Is-kaashatada wuxuu u isticmaali karaa hantida shirkadda wixii ay ku jirto danta shirkadda. Hantida shirkadda, sida: Teleefoonnada, Kambiyuutarada, Gawaarida, Tacabka IWM, waa in loo isticmaalaa danta shirkadda ee aan loo isticmaalin in lagu qanciyo baahi shaqsiyadeed.

Waa in ay qayb-sadaan khasaaraha soo food saara shirkadda

Sida ay dan-wadaagta shirkaddu u qayb-sadaan faa’iidada soo gasha shirkadda, haddana sidoo kale, waa in ay qayb-sadaan khasaaraha soo wajaha shirkadda, iyadoo qayb-sigaasna lagu salaynayo saamiyada ay wadaagaan sidii horay loogu heshiiyey.

BUR-BURKA HESHIISKA IS-KAASHATADA GANACSI

Bur-burka heshiiska Is-kaashatada ganacsi waxaa loola jeedaa dib-u-habaynta iyo dib-u-abaabulidda heshiiskii dan-wadaagnimada kolka uu dhismihii Is-kaashatada is-beddelo. Is-baddelku wuxuu keenaa in ay siyaadaan ama naaqusaan tirada Is-kaashatada. Haddii uu ku soo biiro shirkadda qof cusub, tirada Is-kaashatadu way siyaaddaa. Haddii mid ka mid ah Is-kaashataduna uu dhinto, waasho ama uu hawl-gab naqdo, tirada dan-wadaagtuna waa naaqustaa. Is-beddellada noocaan ah ayaa keena in dib loo baabi’iyo ama loo hagaajiyo heshiiskii hore, lana yagleelo heshiis cusub. Tusaale ahaan, haddii B, T iyo J ay dan-wadaag ku noqdaan shirkad oo uu J hawl-gab noqdo, heshiiskii saddexdaas ka dhexeeyey wuu bur-burayaa, waxaana heshiiskii dib-u-abaabulaya ama u hagaajinaya labada soo haratay, waa B iyo T-e. Haddii dan-wadaagta B, T, iyo J ay aqbalaan X, haddana heshiiskii hore waa bur-burayaa, heshiis cusubna dib ayey u dhistaan dhammaan B, T, J iyo X.  

XAALADAHA KEENA IN HESHIISKII IS-KAASHATADA GANACSI BUR-BURO 

Heshiiskii Is-kaashatadu wuxuu bur-buri karaa: 

  1. Markii uu qof cusub ku soo biiro shirkadda.
  2. Markii uu qof hawl-gab ka noqdo shirkadda.
  3. Markii uu qof ka mid ah shirkadda waasho.
  4. Markii uu qof ka musallafo shirkadda.
  5. Markii uu qof ka mid ah shirkadda ay maxkamadi dambi ku xukunto.
  6. Markii ay dhammaato muddadii lagu heshiiyey in ay shirkaddu soconayso.
  7. Markii qof ka dhinto shirkadda.

BUR-BURKA GANACSIGA IS-KAASHATADA

Sida uu u bur-buro heshiiska dhex mara dan-wadaagta haddana sida oo kale, waxaa bur-bura shirkadda Is-kaashatada. Bur-burka heshiiska Is-kaashatada iyo bur-burka shirkadda way kala duwan yihiin. Bur-burka heshiiska Is-kaashatada waxaa laga yaabaa in uusan socoshada ganacsiga waxba u dhimin, laakiin bur-burka shirkadda waxay keenaysaa dhammaanshaha ganacsiga iyo kala go’a xiriirka dhammaan dan-wadaagta. 

AALADAHA AY SHIRKADDU KU BUR-BURTO

Shirkaddu waxay ku bur-burtaa arrimahaan soo-socda: 
    1. Haddii shirkadda lagu qabto in ay wax sharci darraa ka ganacsanaysay.
    2. Haddii ay xantiiraan dhammaan Is-kaashatadu.
    3. Haddii ay ku heshiiyaan Is-kaashatadu in ay joojiyaan ganacsigooda.

MEELAHA UU KU HABBOON-YAHAY GANACSIGA IS-KAASHATO

Ganacsiga Is-kaashato wuxuu habboon yahay kolka uu ganacsigu yahay mid dhex-dhexaad ah, Is-kaashataduna tahay mid isku heer ka ah dhanka awoodda iyo dhaqaalaba. 

CASHARKA IYO SETIMAANKA DAMBE 
 

Waxaad Setimaanka dambe la socon doontaan Cutub Cusub oo ka hadlaya Maamulka iyo Maamulaha, waxaana Qaybtiisa 1aad kaga hadli doonaa - Alle Idinki -  Fikrad ahaan Maamulka iyo Maamulaha.  

Qaybta: 1aad... | 2aad

Qoraha: S. Nayruus

Goobta: Karachi, Pakistan

E-mail-ka: snayruus@hotmail.com iyo nayruus@gmail.com  
Mobile-ka:  +92-345-8118910.
  
 

ILAHA XOG-URURINTA 

  • A practical Introduction to Business    By: Koontz and Fulmer
  • Accounting- The basis for business decisions  By: Meigs, Williams, Haka & Buttner.
  • Strategic Management – Concepts and Cases  By: Fred R. David.
  • Business Research Methods     By: Emory.
  • An Integrated Approach to Business Studies    By: Bruce R. Jewell
  • Business Accounting     By:  Frank Wood & Alan Sangster.
  • Business Law       By: Ronald A. Anderson.
  • Financial Management of the Small Firms   By: Walker W. Pitty.
  • Principles of Commerce and New Management  By: M. A. Khalid.
  • The Business – Problems and Solutions    By: Skatler.
  • Qaamuuska Af-Somaliga     By: Keenadiid. 
     

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 13, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com