SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


somalia
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


Waxaa yaaban waayeelkii hore, waxaa kadaran dhalinta maanta, Waa yaabka yaabkiisee laysla wada yaabyee horta muqdishooy yaa ku leh.?

Acww.

 

Burburkii waynaa ee Dowladii Soomaaliya kadib waxay ummadda Soomaaliyeed ka burburtay wax kasta oo ummadi higsato ama ay gadaal u dhigato, haddaan si kale u niraahno, waxay ummadda Soomaaliyeed noqotay ummad aan meela u fayoobayn, hanoqoto xag Diin, Dad, Duunyo iyo Dalba, iyadoo ay fara badan tahay dhibaatooyinka taagan maalinkasta mudana in laga hadlo ayaa  Waxaan Faaladeena u aragney inay muhiim u tahay umada soomaaliyeed meel kasto ay jogaan in wax looga sheego.

 

Hadaba Sidaas oo ay tahaba Waxaa jira weli dadaalo lagu furdaaminayo dhibaatooyinka haysta umada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku hardamaya saaxada siyaasadeed, ha isku sheegaan kuwo dawlad aaminsan ama diidanba. da’daalku waa mid ay si kaliya u wada yiraahdaan caalamka oo idil, (waxaanu rabnaa Soomali midaysan oo nabad ah…)

Hadaba bal aan wax yar dib Ugu laabano Taariikhdii Sooyaalka dagaalka & Digashada sokeeye.

Tan iyo intii ay xurnimada qaadatay Soomaliya waxaa jiray is haysasho iyo Cabashooyin tira badan oo ay qabeen dadka soomaliyeed Guud ahaan, waxaase mar walba eeda la saarayay cida haysay Mas’uuliyada Wadanka. Welisa lama weydiin Rabitaanka Muqdisho.

Soomalida oo ah dad isku isir iyo isku diin ah, waxaa adag in aad kala saartid haddii aad tahay Ajanabi, balse waa suura gal in aad ogaatid cida ay yihiin haddii aad la sheekaysatid. Aqoon darada iyo waayo aragnimada ay ka maran tahay wadaniyada iyo dhowrsanaanta Illaahay(SW) waxaa ay u horseeday in ay dhaxlaan duli iyo isnacayb.

Waxaa maalin walba sii kordhaya dhibaatada iyo sii kala fogaanshaha ummada iyadoo ay soo ifbaxayaan magacyo cusub oo leh astaan nacayb iyo duli qabiil, waxaase ku lamaanan hogaanka astaantaa darajo xirfadeed aanse lagu xoogsan sida (DR.ENG. AVV. COL. GEN:  IWM) waa muhiim in la sheegaa dhibka, hase ahaatee waa in marka hore la sheegaa cida wada.

Caasimad

Caasimadaha aduunka marba meel ayaa lagu dayaa waxaa jirtay meelo badan oo horay loogu isticmaali jiray caasimad, magaalooyin iyo caasimado badan oo imika ah meelo lagu xasuusto oo kliya taariikh ahaan. sida Istanbuul, bon, Islamabad, iwm.

Ma aha oo kaliya aduun weynaha waxa arintaas leh  Soomaliya laftigeeda sida lagu hayo taariikhda waxaa caasimad u ahaan jirtay 1402m magaalada Saylac. Waxaa suurowda in aysan lahayn markaan soomali deeqin muqdisho mansab iyo maamuus midna,   mar haddii ay dileen oo ay sumcad iyo muuq dileen dadkii deganaa marakan magaalada muqdisho.

Waxaa mudnaanta yeelanaysa meesha ay markaa suuragal tahay in ay ku badbaadaan soomalida nabada rabta iyo inta u jeeda wadada nabadgelyada,

Muqdisho. Waa magaalo taariikh leh isla markaana  xog badan ka war qabta welisa lama weydiin xogtay ogtahay waxaa ay usoo joogtay, oo ay haysay oo ay xananasay inta soomali manta matasha ama rabta in ay u taliso. Waa meel  laga heli jiray nooc walba uu ahaan karo qof soomali ah xumaan iyo wanaag, hase yeeshee baryahaan waxaa astaan u ah,

Dil. Dhac. Kufsi. Eex. Amni xumo,Cadaalad xumi. Nadaafad xumi  Xoogsheegasho iyo hogaan la’aan.

Qabaa’ilka Soomaliyeed ayaa mid waliba waxaa uu sheeganayaa dhib midka kale uu ugeystay,  dhibaatada waxaa ay isugu jirtay mid ay geeysatay dowlad markaa jirtay oo aan lagu sheegi Karin in qabiil khaas ah uu ka dabeeyay,, waayo qabiil waxaa ka dhasha dad kala afkaar duwan waa ay adagtahay in aad dusha ka saartaa qabiilo dhan arin ay dhowr ama koox ka tirsan reer ay sameeyeen.

mana ayan soo marin soomaliya dowlad aysan u dhmayn soomaliya qabaa’iladeeda dhan.

Waxaa in badan luntay taariikhdii hore soomali ay lahayd,

taariikhda cusub ee soomaaliya waa mid aan lagu dhiiran Karin in lagu faano.

Hadaba akhristoow Ma isweydiisay weli su’aalahaan iyo kuwo  kasii badan maxaadse heshay oo maxsuul ah….? 

1.Yaan dhibane ahayn Soomaaliya.?

2.U fiirso meel walba cabashaa ka jirta

3.Kii xitaa dhibka loo haystay waxbuu tabanayaa.

4.Wariyaasha iyo warbaahinta waa dhibane dhib wade.

5.Cidkastoo kusoo baxdaa Madaxweyne nama qanciso.

6.Waddamada oo idil waa noo cadow.

7.Maxaa haysta reer Muqdisho.

8.Yaa leh Muqdisho.?

9.Yaa Ku nool Muqdishow.?

10.Sheeg caasimada soomaliya 2020?

11.Yaa kuu ah hogaamiye.mase jeceshahay mise…?

12.Maxaad wax u rabtaa ama aad u mucaaradaa ma reerkaaga dartiis, ma wadankaaga mise dar alle.?

13.Maxaad ahayd 17 sano kahor.?

14.Maxaad ku salaynaysaa doodaada manta, ma dantaada mise tan guud.?

15.Siyaasigee shalay iyo manta isku si wax kuugu cabira.?

16.Siyaasigee lugta haya Soomaliya adigoon ku cabirin halbeega Qabiilka.?

17.Ma waxaad wax u sheegtaa halagu dhagaysto, halagaa faa’idaysto mise lagu amaano.?

18.Maxaad ku eedaysaa siyaasiga aad necebtahay.? Kuna amaantaa kaa jeceshahay.?

19.Side isku tihiin qaaranka reerkaaga.?

20.Weli wax ma siisay, deegaan dhib ka dhacay iyo qof dhiban, oo aan ka dhalan qabiilkaaga adigoo weliba og.?

21.Sidee u aragtaa mustaqbalka Soomaaliaya 5 sano ee soo socota mid soo hagaagi doonta mise mid ka soo daraysa. Adigase ma ka qabqaadanaysaa wax kabedelka Soomaaliya.? Ma dumintaad ku qaybsan tahay mise dhisida.?

22. Dowlada maanta Ee DFKMG. Mataagersantahay.? Mase ka soo horjeedaa.? Ma qabiilbaa mise si kale.

23. Dowlad sidee u eg ayaad rabtaa in ay soomaaliya u dhalato adigoo xiliga iyo waqtiga wax ku cabiraya.

24. Yaa leh in uu yiraahdo dadkaan si siman wakiil uga ahay.?

25. Maxaa shakiga keenay yaase u sababa.?

26. maxay isaga mid yihiin kacdoonada soomaliya ka dhacay sanadaddii  ugu danbaysay, ma duulaanka mise boobka dhulka, mise isbalaarinta guud.?

27. maxaad ku taageertay Alshabaab, ama DFKMG.

28. kahor Taageeridaada wixii aad wax qiimayn jirtay ayaad ka waan towday. Ama cidii aad nacbyd baa weli dhankaa kasoo horjeeda weli aad ka arkaysaa.?

29. ma jirtaa in aad tahay siyaasi, mise waad un xiisaysaa.?

30. maka soo horjeedaa Maxkamadaha iyo al shabaab maxay sababta tahay.?

31. danyarta iyo saboolka maxaa looga saaraa dhibanayaasha soomaaliya meelaha isfagaareynta iyo fadhi kudirirka.

32. ninka shalay laga haystay beertiisa maanta in uu taageero DKMG xaq ma u leeyahay.?

33. maxay Qabaa'ilada qaar ay ula tahay in wadanka la haysto halka qaar kale ay la tahay in nabad ilaalin loo joogo.?

34.yaa u diidaan Muqdisho in ay Xasisho.?

37.Muqdisho sow ma ay ahayn fowdo 17sano maxaa haddeer ay ku soo kordhiyeen Ciidanka DKMG iyo Ciddanka  Ethipia iyo AU.?

38.Muqdisho yaa Qasaya, Burcad, Ganacsato,Qab qablayaal, Qabiilo gaar ah, Midowgii Maxkamadaha, DKMG iyo Ajanabi kale.

39. qaran Soomaliya Sidee lagu heli karaa.?

40. Maxaa xal u ah Muqdisho haddeer. 

Muqdisho waxaa ay ahaan jirtay caasimad lagu wada qanacsanaa intii ay dhisantay, qoraaladii laga sameeyay intii ka horaysay dowlad nimada illaa iyo waqtigii dagaalada sokeeye, waxaa aad u kala duwanaa maa muuskeeda.

Manta muqdisho soomalida sibay u aragtaa, aduunka intiisa kalana si buu u arkaa. Muqdisho iyadana si ayay isu aragtaa.

Dowladnimo soomaaliyeed  muqdishow waa meesha ay ka kici weysay soomaalidana  oo idilna ay ka dhaqaaqi la’dahay maxaa yeelay waxaa ku nool dad lagu qiyaaso malyan iyo bar, laakiinse waa dad aan lahayn hogaan midaysan ama hal qof oo loogu soo hagaago,siday doonto ha ahaato maanta muwaadiniinta cusub ee soomaaliya waxaa horyaal in u daneeyaan inta badan oo ay u sameeyaan taariikh cusub iyo  caasimad cusub soomaaliya. Muqdishow waa in loo daayaa meel caalamka ku xasuustaan astaanta colaadeed lagana dhigaa maxfalka dagaalka sokeeye ee ugu weyn.

Waayo beni aadamka waxaa ay marwalba ka taariikh qaatan wixii la soomaray ee farxad iyo murugo mid un reebtay. In sidaa loo qoraa ama la yeelaa waa wax wanaagsan waayo waxaa ka faa’idaysanaya da’yarta iyo jiillalka dambe ee dhaxli doona wadanka, waxaaa weli lagaran la yahay cida sida dhabta ah loogu qorayo lahaanshaha magaalo madaxda soomaliya ee Muqdishow. Weli lama weydiin rabitaanka muqdishow haddii laweydiin lahaa waxaa suuragal ahaan lahayd in ay bixin lahayd jawaab waafi ah, 45 sano kadib muqdishow ma aha nabadgelyo, malaha madax, malaha muuqaal quruxbadan, malaha gaadiid dadweyne oo bilicsan, malaha jidad, malaha wax lagu yaqaan caasimad oo aan ka ahayn in ay weli tahay caasimadii wadanka.

Muqdishow waa meesha kaliya ee maanta ka jaawaabi karta inta madfac eek u dhacday 17 sano gudaheeda iyo inta ruux ee Soomali ah ee lgu dilay. Halka maagaalooyinkii horay ay dagaalada ugu dheceen aysan xasuusan Karin in badan waayo waxaa laga dhayay dhaawicii iyo nabaradii dagaalka oo maanta in ay bogsoodeen ayay isu haystaan,

taasi waxaa ka daran dadka gabaadka kadhiganaya maatada kadibna ku ridaya madaafiic cid ay ku dhici waayeen in ay ula dagaalamaan si bareer ah oo iska soo horjeed ah.

Maxaase ay u tuuraan habeenkii madaafiicda. Ma saxbaa in ay yiraahdaan madaxda DKMG waxaan ku jawaabaynaa madaafiic hadii nala soo tuuro.

Dhibanayaasha waxaa ugu daran reer muqdisho, oo iyagu bur buray Siyaasad ahaan iyo deegaan ahaanba. 

waxaase laga yaabaa in ay dhibka ugu wacan tahay Magaalada Muqdisho in laga dhigay Caasimada Soomaliya, Mase laga yaabaa in ay hagaagto haddii laga bedelo caasimad nimo oo ay la sinaato magaalooyinka kale.

Hadaba akhristow adiga ahaan Maxaad ugu yaboohday dadka Soomaaliyeed marka laga reebo intaad adiga shaqsiyan aad u qabsatay. Ma  hubtaa in aad ka fara maran tahay dulmiga ka jira wadanka????????

Intas ayaan hadlkeyga kusoo gabagabeynayaa oo wixi aan wanaajiyey waxey ka sugnaatasy Allaah, wixi khalad ah oo qoreyna waa nafteyda iyo sheydaan.

 

MOHAMED ISMAIL

mismacil@hotmail.com

mismacil@live.co.za

Cell: + 27 76 969 9516

Tel : + 27 11 837 0891

JHB RSA


NOLOSHA ADMIGA MAXAA U RAAXO AH

ACWW,
Qarnigan aanku jirno oo ah mid aduunyadu ku tartanto technolojiyada iyo siyaasada si ay u gaadhaan nolol ka qurux badan tan ay markaas ku jiraan dadkooduna uga saaraan dhibta si qof walba uu u helo waxyaabaha daruuriga u ah nolosha bani aadmiga ayaa u baahan in laga fikiro, waxaana dhihi karma waxaas oo dhan waxa sal u ah isbadalka dad iyo duunyaba ku timaada aduunka aan ku noolnahay.
Hadaba Is badalku waa maxay ?.. Is badlku waa furaha horumarka iyo najaxaada, laakiinse, waa daawo kharaar, waa caqabad ay adagtahay si looga gudbo. Inaad dhaanto sida aad hadda tahay, waxay ku xirantahay inaad is badasho. Haddii aad sii ahaato sida aad haatan tahay tobanka sano ee soosocota, xaaladaada dhaqaale, caafimaad, jacayl, farxad, waxay ahaanaysaa sida ay hadda tahay. Taas macnaheedu waxaa weeye, waxba kuuma kordhidoonaan. Isbadal dhaqaale wuxuu u baahanyahay is badal fikradeed, is badal shaqo, is badal xaalad, is badal wadan, is badal qaab. Is badal caafimaad wuxuu u baahanyahay ugu yaraan is badal cunto, is badal dhaq-dhaqaaq sida jimicsi iyo wixii la mid ah. Wuxuu u baahanyahay is badal dareen, shucuur, sida inaad murugta ku badasho farxad, caradana qosol, diidadana aqbalaad, filan waagana faham. Guud ahaan is badal wuxuu leeyahay, is badal.
Naseexadii Nabi Ibraahim, CALAYHI-SAAM waxay ahayd Badal gurigaaga xatabadiis. Wuxuu u sheegay wiilkiisii Nabi Ismaaciil CSM
Dhaqankeena reerguuraga ah wuxuu ku salaysan yahay inaan ka carro gadisano haddii meesha aan daganahay ku filaan waydo dheefta xooluhu u baahanyihiin ama cadawgeedu bato. Kawaran haddii aan ka cabsano inaan ka guurno xiradaas ama meeshaas inagu xumaatay oo aan sii daganaano bilo iyo sanado kale.
Oday Soomaaliyeed ayaa la dardaarmay wiilkiisii. “Maandhow, reerka ka rar xerada uu dagan yahay. Urar beel hebla. (Intuu sheegay meel ay isla garanayaan magaceed.) Markaad reerka ku furto halkii uu dagi lahaa, dadka u loog wanka hebal ah ee idaha ka mid ah. Wilkii wuu fahmay dardaaranka aabbihi wuuna aqbalay inuu howshaas qabto, sidaas loo sheegayna u qabto. Laakiin sida dabeecada noloshu tahay, waxaa dhacay is badal aan lagu talagalin. Meeshii reerku daganaa waxaa ku da’ay roob badan oo mihigaan ah. Waa wixii loo baahnaa. Waxaakale oo jabay wan aan ahayn kii odaygu sheegay in reerka loo logo. Wiilku wuxuu ahaa, wiil baari ah oo aad u tixgalinaya warka aabbihi. Reerkii wuu raray. Wuxuu ku furay halkii geediga loo ahaa oo abaar ah. Wankii uu aabihi u sheegay inuu reerka u qalana dhagta ayuu dhiiga u daray. Waa bireeyay. Kiikale ee jabnaana guriga ayaa u dhex yaalaa. Waxaas oo dhan wiilku dan kama galin waayo wuxuu raacayaa amarkii waalidki. Addeecida waalidkuna waxay la mid tahay addeecada Alle.
Kadib marka odaygu yimaado oo uu arko sida wiilkiisii howsha u qabtay, waxaad dareemi kartaa waxa uu wiilku filanayo. Wuxuu filanayay ammaan iyo abaalgud uu naftiisa ka dareemo, islawayni iyo isku kalsoonaan. Dabcan qofkasta oo wax qabta wuxuu filayaa ama rajaynayaa in waxuun uga soo noqdaan. Magac ama manfaco. Xataa marka aan Alle caabudayno ama aan addeecayno waxaan filanaynaa abaal-marin iyo isku-kalsoonaan xagga nafsada ah.
Laakiin wiilka muddiica ah, wuxuusan talada kudarin isbadalda dabeeciga ah ee ka nolosha aadanaha iyo dabeecada. Taas oo u baahan in lagu xukumo caqli iyo xikmad ee aan lagu xukumin wax mar hore la sheegay ama lagu fikirayay. Sida qaanuunka dabeeciga keenayo, wiilkii muddiica ahaa wuxuu helay wax ka duwan wixii uu filayay. Aabbe, reerkii waan soo raray kadib markii roobku da’ay, wankiina reerka ayaan u qalay, hase yeeshee midkale oo jaban ayaa inoo yaala. Odaygii wuxuu arkay in wiilku fuliyay amarkii laakiin, uu waayay awooda talo dhalinta iyo la qabsiga isbadalka xaaladaha. Wuxuu yiri odaygu weedda murtida noqotay ee waartay. “Taladi ba’dayoow sow talo kuuma dhalato”
Alle wuxuu kuyiri quraanka kariimka ah: “Alle ma badalo xaalada ummadi ku sugantahay ilaa ay badalaan waxa naftooda ku sugan”
Noloshaan adduunka waxaad heli kartaa ama arki kartaa, dad badan oo xanuunsanaya, rafaadaya, xagga nafsada ka gubanaya, nolosha nacay oo aysan raaxo u lahayn. Dadkaasi waxay u baahanyihiin sida ay yihiin si dhaanta marka laga eego dhanackasta oo noloshooda ka mid ah. Isla nafsaddaas xanuunsanaysa oo is badalka u baahan, waxaa ku adag inay badasho waxa ku dhexsugan ee afkaar iyo dhaqan ah. Sida ay noqonayso xaaladda dibadu waxay ku xirantahay xaalddaada gudaha. Markaad gudaha iska badasho ayaad arki kartaa natiijo fiican ee dhinaca dibadda. Dhinaca dibadda waxaan ulajeedaa, raaxada iyo wanaaga naftaadu helayso iyo tayada nololeed ee aad ku nooshahay.
Waxa adag oo dhibta badan ma aha inaad faqri ka baxdo oo, aad xoolo hesho, ma aha waxa adagi inaad xarada iyo murugta ka baxdo oo aad u baxdo farxad, jacayl iyo yididiilo cusub. Waxa adagi waa shirdiga intaas oo dhani ku xirantahay. Shardigaas ayaa adag. Shardigaasi waa inaad badasho xaaladda gudaha ee naftaada inata ayna is badalin xaaladda dibada ee noloshaadu. Shardigaas wuxuu waafaqsanyahay qaanuunka joogtada ah ee Alle ku maamulo caalamkaan. Sidookale Alle wuxuu inoogu sheegay qaanuunkaas quraanka kariimka ah, sida aan kor kusoosheegnay.
Dadku waa rafaadayaan sabtoo ah waxay ka baqayaan is badalka. Ma jiro fasir kale oo muhiim ah, oo ku saabsan sababta dad badan u rafaadsanyihiin caalamkaan aan kunoolaha dhexdiisa. Dhammaan wax yaabaha kale ee laga yaabo in qiil looga dhigo faqriga iyo dulliga, waa aragti aan xaqiiqo ku dhisnayn. Sida runta ah ee Qaanuunka, tijaabada iyo sharciguba isku waa faqeen, waa ka cabsiga is badalka.
Tusaale ahaan: gabadhii reer baadiyaha ahayd ee uu soo guursaday, Mucaawiye, gabaygii ka tirisay xanuunka nafsada dhexdeeda ah ee is badalka ay ka dareentay. Gabadhaasi waxay ahay reer baadiye, laakiin waxaa doonay oo guursaday, Asxaabigii Mucaawiye ibnu sufyaan. Gabay kutubta lagu roray oo taariikhada galay ayay tirisay. Waxay tiri: “Inaan xirto cabbaayadii reer baadiyaha, oo markaas ishaydu qabowsato, ayaan ka jeclaan lahaa xirashada xariirta iyo sariiraha la firaashay.
Maxay dadku uga baqaan isbadalka?

Wax kasta oo soo kordhay waxay ku yimaadeen isbadal. Maadaama baahi joogto ah jirto, waa lagama maarmaan isbadal joogto ah. Horumarkii carabta waxaa sabab u ahaa is badal ay sameeyeen. Waxay ka wareegeen shirkigii iyo jaahiliyadii waxay u wareegeen Islaam. Isbadal waa lagama maarmaan, Isbadalku waa furaha nolol raaxo leh.

MOHAMED ISMAIL

mismacil@hotmail.com

Cell: + 27 76 969 9516

Tel  : + 27 11 837 0891

JHB RSA

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 13, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com