Indhahaagu sow ma ilmaynayaan? (maanso)
Asalaama calaykum wr wb. Maansadan yar waxay soo baxday
2007-11-11. Waxa allifay Maxamed Xirsi Guuleed, waxaanay xus u tahay
xasuuqa ka dhacay isla wiiggaas magaalada Xamar. Waxay kaloo
xasuusin u tahay dadka aanay weli ka dhaadhicin cadaawadda gaamurtay
ee xabashida. Ereyga “Amxaar” ee gabayga ku jira loolama jeedo
qoomiyadda “axmaara”, waxaase loola jeedaa nadaamka Xabashida iyo
ciidamadooda duulaanka ah. Wuxu yidhi:
- Nimankii amxaar
- Ehel moodayoow
- Sow maydun arag!
- Eedaadka dhacay?
- Sow maydun arag
- Dadka ay sidii
- adhi gawraceen?
- Aah! Iyo aheey
- Indhahaagu sow
- Ma ilmaynayaan
- Goortay arkaan
- Amran iyo ayaan
- Aamina yareey
- Eddo Xaawo-dheer
- Iyagoo sidii
- Adhi Were helay
- Afka loo dhigoo
- Ku engagey wadada?
- Aah! iyo aheey
- Indhahaagu sow
- Ma ilmaynayaan
- Goortay arkaan
- Aw Maxamediyo
- Axmed-saadiqiyo
- Ardaydii dugsiga
- Iyagoo sidii
- adhi Were helay
- adhaxda u dhacoo
- ku engagey wadada?
- Huriwaa bal eeg
- Arag xamar-jadiid
- Ag mar Cali-kamiin
- Yaaqshiid ilaa
- Soco aagga Hodan
- Afarteeda dacal
- Xamar soo ogow
- Nimankii amxaar
- Ehel moodayoow
- Sow maydun arag
- Eedaadka dhacay?
- Sow maydun arag
- Aqallada burburay?
- Sow maydun arag
- Umadday qaxsheen?
- Nimankii amxaar
- Ehel moodayoow
- Eeddaa gasheen
- Ma aqoonsateen?
- Ma ogtiin Addiis
- Inay aamin tahay
- Askartaa waddeen
- Aafaday dhigeen
- Ma aqoonsateen?
- Ubadkay dhaleen
- Inay aaminyiin
- Ma aqoonsateen?
- Aah! Iyo aheey
- Umaddaydiyeey !
- Urugoodayeey !
- Ma ameerikaa
- Utun loo dhigtaa?
- Ma amxaaradaa
- Laga aar gutaa?
- Ma addoomadaas
- U adeegayaa
- Birta laga aslaa?
- Ma awoodahaa
- Umaddaw kacee
- Kala oodanbaa
- Urur iyo midnimo
- Aad loo faraa?
Maxamed Xirsi Guuleed
2007-11-11
abdibashir@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 13, 2007


|