SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


somalia
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


Aaway Culimadii Somaaliyee? | Daad

Allah ayaa mahad leh ,Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato nabigeena Muxamed (scw)

Intaas ka dib hadaan u gudbo qoraalkayga anigu maahi qoraa laakiin waxaa igu dhaliyey qoraalkaan kadib markaan jeclaystay in aan jawaab u helo arin wax badan ku soo noqnoqotay miskaxdayda.

Sidaad wada ogtihiinba somaliya waxaa dagaal ka bilowday 1991 dagaalkaas oo marba xaalad galijiray ugu danbayntiina gaaray maantay oo ay Shacabkii soomaaliyeed gumaadayso Xabashi.

Hadaba dagaaladii somaliya horay uga dhici jiray oo u dhaxeeye Qabiilo aan la aqoon wax ay isku haystaan ayaa waxaa dhaliil badan loo soo jeedin jiray Culimada somaliyeed oo aan ka qaadan kaalintii ay ku lahaayeen oo ahayd in ay umada dhexdhexaadiyaan anigu ma lihi Cumalimadeena sharafta leh raalibay ka ahaayeen dhibaatooyinkaas laakiin waxaan ka wadaa may samayn wax dadaal ah oo ay umada ku badbaadinayaan.

Hadaan ka gudbo wixii hore oo soomalida dhexdeeda ahaa maantay arintu waxay soo gaartay in Xabashi gumaadayso shacabkii soomaaliyeed
Xabashidu waxay wadanka gudada ugu jirtaa ku dhawaad hal sano halkaas sano maan arkin wax wara oo ka soo baxay culimada somaliyeed way jiraan culimo si shaqsiya u hadlay laakiin waxaan u jeedaa culimadu waxay joogaa gobalada dalka oo dhan shacabkana ayagaa u ah culimo waxaan ka sugaynay hadal midaysan iyo war saxaafadeed in ay ka yiraahdaan arimaha maantay ka socda somaliya.
waxaan ka codsanaynaa Culimada soomaaliyeed hadaan nahay shacabka somaaliyeed in ay ka hadlaan arintaan foosha xun oo wadanka ka taagan oo dadka qayba si u qaadatay markaan leeyahay qayba si u qaadatay waxaan ka wadaa in badan oo ka mida shacabka ama gobolo ka mida wadanka ayaa aaminsan in aan wax jihaad la yiraahdo jiray ee la laynaayo dad nidaam diida halka dadkalana aaminsanyihiin in waxa somaliya ka socdaa ay tahay diin la dirir oo ay tahay in la jihaado isku soo wada duuboo Culimada somaaliyeed waxaa ka sugaynaa oraah midaysa oo ka soo wada baxda Culimada kala jooga Hargaysa Boosaaso Burco Garoowe Baladwayne Baydhabo Xamar iyo meelakaloo badan sababtoo ah intaba waxaa ku sugan culimo waa wayn oo looga danbeeyo diinta islaamka .

waxaa laga yaabaa in dadbadan markay qoraalkaan arkaan is yiraahdaan ninka hadeer cadaynta u doonaya waxa soomaaliya ka socdaa waa maxay laakiin waxaan u arkaa arin muhiima in culimadu Oraah midaysan ku cadeeyaan arinkaan taasoo fududaynaysa in guul la gaaro.

wabilaahi towfiiq
A H Daad
ooyaye@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 13, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com