SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Halkee ayey wax ka khaldan yihiin?

Warbixin ku saabsan Puntland 

Markaa hore Allaah ayaa mahad idilkeed iska leh, Naxariis iyo nabadgelyana rasuulkeeni ayey korkiisa ahaatay. 

Intaas kadib, annigoo marka hore fursaddan ka faa’ideysanay ayaan halkan waxaan ka sheegayaa inaan aad iyo aad uga xumahay, uga murugeysnahay, tiiraanyo iyo ciilba u hayaa xaaladda murugsan ee uu dalkeyga Soomaaliya guud ahaan ku sugan yahay, taasoo runti nin damiir leh uusan u adkeysan Karin waxa ka dhacaya dhammaan Soomaaliya, gaar ahaan Muqudisho. Waxaan Allaah ka baryayaa in ummaddaas uu dulmiga ka kor qaado, Soomaalina meel ay joogtaba towfiiqda waafajiyo. 

Intaas kadib haddii aan mowduuceyga usoo noqdo, Puntland, maamulka ma khaldana ee waxaa khaldan waa shicibka guud ahaan, gaar ahaan nimanka horboodaya beelaha oo idil, sababtuna waxey tahay , marka la dooranayo Madaxweyne Puntland waxaa doorta niman lagu sheegayo in beelaha laga soo doortay oo xubno ka ah Baarlamaanka. Nimankaas oo aan u aabo yeeleyn ninka ay dooranayaan qaabka uu ku shaqeyn doono, oo mar walba eegaya nimanka ku loolamaya madaxtinimada kuma ayaa ugu boorso weyn kaliya. Taasoo natiijadeedi noqotay waxa manta ka dhacaya Puntland :- { Faraha inay ka baxdo Laascaanood, Mashiinada lacagta faalsada ah taasoo shicibki xalaal quutada ahaa Doolarkoodu lagu gurtay, Ballan qaadyo been ah, aminigii oo faraha ka baxay iyo waxyaalo faraha ka baddan oo aan halkan lagu soo koobi Karin }.  

Haddaba anigu waxaan si kooban u leeyahay, oo iga ah talo waxba xooga yaan la saarin qofka uu noqonayo Madaxweynaha Puntland , ee xooga hala saaro nimanka baarlamaanka kuwaas oo haddey hagaagaan oo tayo iyo qiimo leeyihiin uu maamulku hagaagayo. Laakiin inta uu nin walbaba ku joogo meesha anigaa reerkeyga u mudan jagadan, anigaa wiil jiri ah leh oo xoog baan ku joogaa meesha iyo hebel lacag buu leeyahay, Allaha u naxariisto Puntland oo waxba yaanan leys eedin. Runti maanta ayaad jaanis leedihiin oo inta aan la gaarin doorashada danbe bal reer walboo isku noqo ninka meesha aad geystaya ma yahay kii kala saari lahaa xaqa iyo baadilka, ma yahay mid aqoon iyo karti ku yimid, ma yahay mid  daneynaya horumar ballaaran oo ay Puntland gaarto, sidoo kale ma yahay mid ay dhibayso dhibaatada lagu hayo shicibka. Markaada arimahaas jawaab u heshaan oo aad shaqsigaa tayadaas ku xulataan ayaan oran karaa waxaa heysaan in shaa’allaah waddadii horumarka. 

Waxaan kaloo ka digayaa in leyska jiro qaabka ay u fekarayaan dadka ee ah Madaxweynaha  reer hebel oo kaliya ayaa noqon kara iyo reer hebel waligood ma iyagaa meesha heysanaya. Madaxwweyne ay yeelato Puntland yaan loo eegin reerka uu ka imanayo ee haloo eego ma yahay nin wax qaban kara, karti iyo aqoon iyo daacadnimo ku sifoobay. Marka horeba yaan loo ogolaan inuu is sharaxo shaqsi CV-giisa uu wasakheysan yahay, waxaan ka wadaa hala is weydiiyo qofkan muxuu ahaan jiray, siduu kusoo ahaa rugihii uu soo maamulay. Ogow mar haddii la doorto qof, fursada aad uga hadasho wey iska yar tahay ee marka horeba qofka xun iska sii qabo, oo si toos ah iyo si kaleba haloogu digo dadka khatarta ka iman kartaa haddii qofkaas la doorto. 

Runtii maamulka Puntland ee hadda dhisan way ku jiraan shaqsiyaad ku sifoobay daacadnimo, howlkarnimo iyo aqoonba, laakiin inta xun ayaa la hartay, oo wey mudan yihiin in shaqsiyaadkaas la qiro wanaagooda. 

Waxaan hadlkeyga kusoo gabagabeynayaa Puntland manta ayaa fursad heystaan ee ka fiirsada qofka mustaqbalka Puntland Madweynaheeda noqon lahaa. Hebel baa I xiga, hebel baa wax ii ogol, iyo hebel waa reer hebel oo ima xukumayo, erayadaas oo idil waa waxa halkaas ina dhigay ee halooga gudbo yaa ehel u ah, oo leh Alla ka cabsi, karti, aqoon, daacadnimo iyo weliba qaab horumar ah iska leh. Waxaan aaminsanahay inay Puntland joogaan rag baddan oo tayadaas iska leh, laakiin Markey arkeen qaabka uu wax ku socdo iska gaabsaday, oo fitnada guryahooda ka galay. Waxaan tusaale usoo qaadan karaa { Janaraal Cismaan Fatiig, Mudane Maxamed Buraale Ismaaciil, Mudane Yuusuf Jibriil Careys, Mudane Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke, iyo qaar kaloo baddan oo aan halkan kusoo koobi Karin }. Waxaan raggaas u magacaabay waxa inoogu filan kaalintii ay kasoo qaateen maamuladii ay hayeen iyo sidi ay manta uga gaabsadeen fitnooyin ka jira weliba iyagoo ku sugan Puntland, iyo sidoo kale qadarinta ay bulshada weli u heyso. 

Hadalkeygi waa iga intaas wixiii aan saxay waxa ay ka sugnaatay Allaah, wixii aan ku khaldamayna waa nafteyda iyo sheydaan. 

Wabilaahi Towfiiq

jooje

Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

saicentadv@yahoo.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 12, 2007

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com