SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ARAGTI

Shacabka reer Puntland raali kama aha waxyaabaha ka dhacaya Muqdisho(Ra'yi ururin)
 
Tan iyo intii ay ciidammada isku dhafka ah ee DFKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo taageerayaa la wareegeen gacan ku haynta magaala madaxda Muqdisho ayaa waxaa si isdabajoog ah u soo baxayey dhibaatooyin bani’aadminimo oo ka dhashay dagaallada u dhexeeya ciidammada iskaashanaya iyo kooxaha kacdoonka ay ku diidan yihiin joogitaanka ciidammada Itoobiya iyo siyaasadda DFKMG ah ee Soomaaliya ka wada magaalada,dhibaatooyinkaas oo isugu jira dil, dhaawac, barakac iyo tacadiyo kale oo shacabka reer Muqdisho la kulmeen.

Dhibaatooyinka iyo dilalka tooska ah ee loo geystey dad farabadan oo rayid ah ayaa si toos ah u soo shaac baxay toddobaadkaan wixii ka dambeeyey duhurnimadii Khamiistii ina soo dhaaftay waqtigaasoo dagaal ba’ani uu ciidammada Itoobiya iyo kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeda ku dhex maray agagaarka suuqa xoolaha ,iyadoo gelinkii dambena dad caraysani ay ku jiideen meydkii askari Itoobiyaan ah oo dagaalkaas ku dhintay isgoyska Black sea ,taasina ay dhalisay sida dad badani qabaan in ciidammada Itoobiya oo aad u caraysani ay guluf dagaal ka soo qaadeen goobaha ay fariisimaha ku leeyihiin ee Kuliyaddii Jaalle Siyaad,xerada Maslax iyo Garoonka Muqdisho Stadium,si ay markaas u soo qaataan meydkaas askariga,iyagoo markii ay goobtaas soo gaareen ay is fara saareen kooxihii hubaysnaa ee ka soo hor jeeday.

Ciidammada Itoobiya oo halkaas kala kulmay iska caabbin xooggan isla markaana looga diley dhowr ka tirsan askartooda ayaa waxay sida la sheegay madaafiic iyo rasaas aan loo kala aabbe yeelin ku duqeeyeen goobo ku yaal degmooyinka Hodan,Hawlwadaag,iyo Wardhiigley gaar ahaana xaafadda Xamar Jadiid,iyagoo markaas u arkayay inay meelahaas ku xooggan yihiin Islaamiyiinta iyo taageerayaashooda,balse waxaa halkaas ka dhacay dhimashadii iyo khasaarihii ugu badnaa ee soo gaara dadka rayidka ah tan iyo intii ciidammada isku dhafka ahi ay soo gaareen Muqdisho,iyadoo gulufka colaadeed iyo duqayntaas mudadii saddexda beri ahayd ee la soo dhaafay ay wadeen ciidammada Itoobiya ay ku naf waayeen dad kor u dhaafaya 80 ruux oo qaarkood tiro wadar ah isku goob keli ah laga helay iyo dhaawac aan tiro lahayn oo buux dhaafiyey isbitaallada ku yaal magaalada Muqdisho sida Madiina,Kaysaney iyo weliba Dayniile,taasoo dadka qaarkiis ay ku tilmaameen XASUUQ,maadaama maydad aad u farabadani oo ay ku jiraan dumar,carruur iyo waayeel ay daadsanaayeen dariiqyada u dhexeeya Suuqa xoolaha,Black Sea ilaa isgoyska Al-Baraka,iyadoo ay intaas dheer tahay barakac lixaad leh oo ay dadku guryohoodii kaga cararayeen iyagoo ku biiray dadkii hore ugu dhibaataysnaa ceelasha biyaha iyo inta u dhexaysa Muqdisho iyo gobollada ku xeeran iyo weliba kuwa ka fogfog kuwaasoo aan haysan wax daryeel ah iyo adeeggii nolosha bani’aadamku ku tiirsanayd sida hooy,cunto iyo biyo ku filan.

Haddaba dhibaatooyinkaas xanuunka leh ee ay sababeen dagaalladii 3dii maalmood ee la soo dhaafay ka socdey Muqdisho ayaa dadka Soomaalida ahi meel kasta oo ay joogaan ka muujiyaan dareen aad u kacsan oo ay kaga xumaadeen dhibaatooyinkaas xad dhaafka ah ee shacabka reer Muqdisho soo gaarey .

Ra’yi ururin aan ka samaayey dadka Soomaalida ah ee reer Puntland ee ku dhaqan magaala madaxda dalka Kenya ee Nairobi maadaama ay dad badani rumaysan yihiin in madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya uu deegaannadaas ka soo jeedo isla markaana ay ciidammo farabadan oo DFKMG ah ka tirsan oo qayb ahaan halkaas ka yimid ku sugan yihiin magaalada Muqdisho ,taasina ay malaha ula muuqato inaysan wax dareen weyn ah dadka reer Puntland ku beerin dhibaatada shacabka Soomaaliyeed ku dhacday ayay dhab ahaantii arrintu sidaas ka duwan tahay.

Jaaliyadda reer Puntland ee Kenya(Mudug, Nugaal, Karkaar,Bari,Sool iyo Sanaag Bari) waxay dhab ahaantii ka siman yihiin markii ra’yigooda aan soo aruuriyey sida aadka ah ee ay uga xun yihiin dilalka loo geystey dadka rayidka ah iyo xoogga xad dhaafka ah ee ay adeegsadeen ciidammada Itoobiya,waxana fikradohoodu u qaybsanaayeen sidaan:

Qaarkood waxay dareenkooda ku muujinayeen inaan dawladi shacab la’aan jiri karin sidaa darteedna DFKMG ah looga baahan yahay mar haddii shacabkii la laynayo inay badbaadiso shacabkeeda oo aysan ka aamusnaan mashaakilaadka isa soo taraya ee ka jira caasimadda.

Qaar kale ayaa qaba in Itoobiya aan marna loogu qiil samayn karin inay shacabka tacadiyo u geysato balse haddii aan la weerarin oo qaraxyo loo geysan isla markaana aan la jiid jiidn meydka askarteeda aysan falalkaas ku kaceen sidaa darteedna laga doonayo xooggaga dagaalyahamiinta Islaamiyiinta ah inay shacabka u turaan oo aysan hoobiyayaasha iyo baasuukayaasha ka tuurin shacabka dhexdiisa maadaama aan shaki ku jirin askari hubaysan haddii la weeraro oo aan weliba kula diin,af iyo dhaqan ahayn inuu isdaafacayo ,balse aan sidaa si le’eg loo baahnayn in shacabka dhibaato loo geysto.

Qayb kale ayaa eedda dusha uga tuuraysa dalka Maraynkanka oo ay leeyihiin waxay geeska Afrika u soo rartay waxyaabihii ay ka wadey dalalka Islaamka iyo bariga dhexe oo ay dadka Muslimiinta ah dhibaatooyin ku hayso sida Falastiin,Ciraaq,iyo Afganistaan oo ay Soomaaliyana doonayso inay ku baabi’iso ciidammada Itoobiya iyadoo ku andacoonayso inay wada dagaalka waxa ay ugu yeerto LA DAGAALANKA ARGAGIXISADA.

Fikradda dadka inta ugu badan ee aan ra’yigooda soo aruuriyey oo ka tirsan Jaaliyadda Puntland ee Kenya ayaa waxay ahayd inaan marna cidina ku qanacsanayn kuna faraxsanayn dhibaato loo geysanyo dadka walaalohood ah ee Soomaaliyeed ee ku dhaqan goobo ka tirsan Muqdisho ,haddaba fikradooda ayay ku muujinayeen in ciidammada dalka Itoobiya iyo kuwa DFKMG ah looga baahan yahay inay ilaaliyaan dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan sidoo kalana la joojiyo qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ee ay wadaan kooxaha la dagaallamaya ciidammadaas oo ay xabadda joojiyaan wadahadalna la furaan dowladda oo iyadana laga rabo inay nabad ugu baaqdo dhammaan ummadda Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Islaamiyiinta,Maxkamadaha,kooxda dhowaan lagu dhisay Asmara ee la baxday dib u xorraynta Soomaaliya,kooxihii laga saaray Baarlamaanka ee la baxay Baarlamaanka xorta ah iyo cid kasta oo diiddann siyaasadda DFKMG ah ee Soomaaliya ama wax tabanaysa,waxay fikradaani sidoo kale dhalliilo u soo jeedinaysaa beesha caalamka iyo Midowga Afrika oo ay leeyihiin waxay ka gaabiyeen soo dedejinta ciidammadii nabad ilaalinta ahaa ee ay ku yabooheen si markaas ay ciidammada Itoobiyaanku uga baxaan dalka Soomaaliya dhamaantiis oo dalkoodii dib ugu noqdaan.

Waxaa fikradahaan soo aruuriyey
Iimaan Cali Cabdi
Nairobi,Kenya.
iimaancali@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 12, 2007

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com