Aqoon isweydaarsi ay soo qaban qaabisay wasaaradda Qorsheynta iyo
Horumarinta oo lagu qabtay Baydhabo....
Aqoon isweydaarsi ay soo qaban qaabisay Wasaarada Qorsheynta iyo
Horumarinta dhaqaalaha dalka oo ay ka soo qaybgaleen 31-ka Wasaaradood
xoghayeyaashooda joogtada, isla markaanka looga hadlaadey Barnaamijka
Horumarinta Dalka, Mabaadi’da guud ee saldhigga u ah Horumarinta Dalka,
Qorshaha Istratejiyadda Guud ee Horumarinta Dalka, Horumarinta
Dhaqaalaha iyo Adeegga Wax Soo Saarka, Horumarinta Fanka, Isboortiga
iyo Dib u Furidda Garoonnada Cayaaraha , Golaha Murtida iyo Madadaalada
, Sare u Qaadista Waxbarashada iyo Dayactirka Dugsiyada Dowladda,
Xakameynta Mucaawinooyinka Raashiinka, Nidaaminta Waxqabadka Hey’adaha
Aanan Dowliga Aheyn, Horumarinta Gobollada iyo Degmooyinka, Dib u soo
celinta Hagidda Howlaha Wasaaradaha, Dib U Heshiisiinta iyo Soo Celinta
Is-Aaminka, Xakameynta kharashka iyo Sameynta Keyd Dhaqaale, Sugidda
Ammaanka iyo Nabadgelyada iyo Horumarinta arimaha Haweenka oo loogu
diyaargaroobayo Qorshaha 2008-ada oo socdey 31 maalmood oo doodo
maalmahaan uga socdey Hoteel Bakiin ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa
laysla gartey in loo qaybiyo shan qaybood 31-ka Wasaaradood
xoghayeyaashooda joogtada ah.
Prof. Max'uud Max'ed Max'uud
Cabdishakuur Maxamed Gurey
Saleebaan Yuusuf
JamiiloSiciid Muuse
Samaan Maxamed |
Qayb kasta waxay ka warbixisay waxyaabihii u qabsoomey, waxa harey
iyo ujeedada qorshahooda dhinac kasta.
Ugu horeyn waxaa halkaasi warbixin kooban ka soo jeedisay Xogahayaha
joogtada Wasaaradda Haweenka Marwo Jamiilo Siciid Muuse, waxaa keloo ka
Hadley Xoghayaha joogtada Wasaaradda Beeraha Prof. Max'uud Max'ed
Max'uud, sidoo kale waxaa halkaasi ka Hadley Md. C/shakuur Maxamed Gurey
oo ah Xoghayaha joogtada Wasaaradda dalxiiska iyo duurjoogta, Xoghayaha
joogtada Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Saleebaan Yuusuf iyo
Xoghayaha joogtada Wasaaradda Gaashaandhiga Md.Samaan Maxamed oo
gunaanadkii ka Hadley arimaha siyaasada shan wasaaradood.
sidoo kale xubnahaan ayaa waxaa lagu wadaa in ay lakulmaan maalmaha
soo socda Madaxweyne C/llaahi Yuusu,islamarkaana ay u gudbiyaan talooyin
kusaabsan mabaadii'da guud ee dalka iyo ku dhawaaqista wasiirka
koobaad.
Dhinaca kale marka aad eegto qaabka ay wax u wadaan xubnahaan ka kala
socda 31-ka Wasaaradood ayaa waxaad moodaa in hawlihii ay qaban
lahaayeen mustaqbalka dhow iyo ka fogba wafdigii dhowaan la kulmey
Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka, islamarkaana kulankii xubnaha
Baarlamaanka kala qaybgaley dabayaaqadii Todobaadkii hore in ay iska
soo hor jeedaan,waayo wafdiga yimid ayaa Ujeedadiisa lagu sheegey inay
ahayd arimaha ay kuhawlan yihiin xubnahaan, waxayna gef weyn ku tahay in
dall jira islamarkaana leh madax banaani iyo astaan lagu yaqaano, iyadoo
madaxdoodii ay u dhan tahay ay ku soo dhiiradaan in looga warbixiyo
ujeedooyinkiisa guud iyo kuwiisa gaar ah.
Iyadoo lagu sheegayo in ay ku tunteen waxyaabo badan oo ay doonayeen
wafdigaan,tanina waxay muujinaysaa in jiritaankii dowladnimo uu halis ku
jiro, islamarkaana DFKMG ay u muuqato wax loo meerinaayo dadnaha
dowladaha dunida ka jira.
Mas'uuliyiinta kala duwan ee dalka waxaa mugdi uga jira waxa
dowladaha dunida ay nagu leeyihiin iyo waxa aan ku leenahay, waayo
Qaramada Midoobey waxaa ku midaysan dowlado kala duwan oo isugu jira
jira kuwo saaxiibo la ah Soomaaliya, kuwo Arimaha Diinta kuwada
walaaloobey iyo kuwo cadow ku ah jiritaanka guud ee dalka iyo dadka
Soomaaliyeed, waxayna u soo magacowdaa Qaramada midoobey xubno aan wax
dan ah ka lahayn jiritaanka iyo madax banaanida dalka Soomaaliya,
islamarkaana u shaqeeya dowlado kale.
Laakiin arimahaan dhamaantood wax ka qabashadooda waxay u taalaa
mas'uuliyiinta u heelan qabashada talada ugu sareysa dalka iyo
lahaanshaha dhaqaalaha gaar ahaaneed oo aan moodeynin in waxa uun
geysanayo ay halis ku tahay Ubadka dambe ee isaga ku abtirsanaya ee
dhalan doona Boqolaalka kun sano ee soo socda.
Dhinnaca waxaa maanta la sugayaa in dalka dib ugu soo laabto
madaxweynaha DFKMG Col. C/llaahi Yuusuf iyo Wafdi uu hogaaminayo,iyadoo
ilaa iyo hada aan la ogeyn waxa ka soo baxaya safarkiisa.
DHEGEYSO: Sidii uu u dhacay Kulanka....
Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com