Musharixii ugu horeeyey xilka Ra'iisul Wasaarenimada DFKMG oo noqdey
Prof. Buubaa
Musharixii ugu horeeyey xilka Ra'iisul Wasaaranimada oo isa soo sharaxa oo
noqdey Xildhibaan Prof.Ismaaciil Max'uud Hure Buubaa ayaa fagaaraha Hoteel
Bakiin ee Magaalada Baydhabo ka sheegey "in xilka Ra'iisul Wasaaraha Soomaliya
aysan Beel keli ah yeelan karin, islamarkaana uu yahay xilkaan mid ay dadku wada
leeyihiin, nidaamka 4.5-kuna la doonayo in Golaha Wasiirada xaga Awood qaysiga
si siman loo qaybsado oo kali ah, balse aysan ahayn mid beel keli ah ay
leedahay" ayuu yiri Xildhibaan Ismaciil Max'uud Hure Buubaa oo hadalkiisa sii
wata ayaa intaa ku darey in isagu uu u ololeynayo sidii Gobolada Woqooyi ee
Soomaaliya ee la baxay Somaliland uu dib ugu soo celinayo, waayo buu yiri waxa
ku kalifey goosashada ayaa waxay ahayd in la tixgelin waayo rabitaankooda.

Prof. Buubaa wuxuu kaloo gaashaanka ku dhuftey in aysan jirin xubin laga keenayo
dibada balse ay buun buuniyaan qaar ka mid warbaahinta.

Mar aan weydiiyey mucaaradka waxa u ka qabanayo hadii uu xilka ku guulaysto ayaa
wuxuu yiri "qorshaheygu waa wadahadal iyo in ruux kasta oo muwaadin ah uu xor u
yahay inuu dalka dib ugu soo noqdo, islamarkaana uu fikirkiisa dhiibankaro,
wuxuu kaloo sheegey Buubaa in Beelaha Soomaaliyeed Xildhibaanadooda uu beel beel
ula kulmidoono, maalmaha soo socda, isagoo ka codsanaya in xilka Ra'iisul
Wasaarenimada loo doorto".

Dhinaca kale Xukuumada cusub ee la soo dhisayo ayaa la hadal hayaa in aysan ka
badnaandoonin 23 Wasiir, halka warar kale ay sjheegayaan in 17 wasiir laga
dhigidoono Golaha Wasiirada, Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf oo safar
wadatashi ah dalka dibadiisa ugu maqan ayaa warar hoose oo aan ka helnay dhinaca
Madaxtooyada waxay sheegayaan in Ra'iisul Wasaaraha cusub la magacaabi doono
inta u dhexeysa 10-20ka Bishaan aynu ku jirno, inakstoo aan la ogeyn ruuxa uu
magacaabayo Madaxweynaha DFKMG.
Hanbalyo aroos.
- Aadan Mohamed Caabi
- C/risaaq Ali muude.
- Najiib C/qaadir Shiil.
- Hodan Shiek Mohamed Hussein.
- Nasteexo Mohamed.
- Hani C/qaadir Shiil
- Hani Ali muude.
- Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"
- Fahad Yasin Xaaji Daahir.
- Cumar Faaruuq.
- Jaamac Nuur.
- C/laahi Cusmaan.
Dhamaan dadkan waxa ay hanbalyo u dirayaan Mohamed C/raxmaan Shiekh
Khaliif "Xanafi" iyo Safaa C/ramaan Nuur o uu arooskooda ka kala dhacay
Magaalada Mogadisho ee dalka Somalia iyo magaalada Doha ee dalka Qadar.
Waxayna leeyihiin wiil iyo caano gabar iyo caano
Hanbalyo.. Hanbalyo… Hanbalyo……….. Hanbalyo……….. Hanbalyo……… Hanbalyo
SomaliTalk.com | Nov 10, 2007
Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....


|