Garoowe: Burcadda dadka baarata habeenkii oo sii xoogaysatay .
Dadwaynaha ku dhaqan Caasumada Puntland ee Garoowe , ayaa ad uga
cabanaya burcad hubaysan oo habeenkii dadka dariiqa isutaaga kana
qaata moobaylada iyo waxyaalaha kale ee ay wataan.
Burcadan , oo dadka ku qabta qoryo ka hor intii aysan dadka baaran ,
ayaa waxay ku khasbaan dadka in ay tuuraan waxyaalaha uu qofkaasi wato
oo uu ugu horeeyo mobaylka , hadddii kale waxay ku cabsi-galiyaan qori
oo dhafuurka bay ka saaraan.
Burcadan , oo u badnayd xiliga fiidka hore oo dadka xaafadaha
magaalada isku taaga xiliyada ay u hoyanayaan xaafadahooda , ayaa
iminka waxay bilaabeen in xiliga dadka Salaada Subax tukanaya ee
Masaajidada u socda in ay baartaan., dhowr qofna waxay usbuucaan la
dhaceen tooreeyo.
Sidoo kale , waxay burcadan ay kufsadeen haweenka xiliga habeenkii.
Ma jirto , wax Boolis ah oo shaqaynaya oo la dagaalamaya burcadan
hubaysan ee sii xoogaysanaysa.
Arintan , ayaa dadwaynaha ku dhaqan ay walaac xoogan ku abuurtay ,
waxayna hadal-hayaan sida ay xaalada ammaan ee Caasumaddu ku dambayn
doonto , haddii ay xaaladu saan ku sii socoto.
Ma jirto , cid maamulka ka tirsan haddii ay ahaadaan Booliska ,
Degmada iyo gobolka oo arintan ka hadashay ama isku taagtay wax ka
qabadkeeda ma jirto.
xildhibaan maxamed jaamac furux oo ka hadlay xaalka muqdisho
iyo dadka ka barakacay.
Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux ayaa sheegay inuu ka xun yahay
iska horimaadyada maalmahan ka soo cusboonaaday magaalada
Muqdisho ee sababay khasaarooyinka isugu jira dhimashada,
dhaawaca iyo barakaca ku yimid dadka rayidka ah kuwasoo saameyn
ku yeeshay dhinacyada nolosha, ganacsiga iyo horumarka bulshada.
"Dadka ku nool deegaanada rabshadaha waa iney iska celiyaan
kooxaha bambooyinka iyo bastooladaha wax ku dila oo ay hadiiba
ay heystaan qoryo aaney weli dowladdu ka qaadin ay la
dagaalamaan oo ay iska dhiciyaan kuwa fidnada wada ee dhexdooda
wax ka tuuraya taasoo keeneysa in iyaguna lagu soo tuuro oo ay
waxyeelo u geysato dadka rayidka" ayuu yiri Xildhibaan Furux oo
ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiyana dhinacooda ka codsaday in
aysan wax yeelo u geysan dadka rayidka ah ee aan ku jirin
dagaalada.
Xildhibaanka ayaa sheegay in xiligan ay nasiib daro tahay in ay
dhacaan dagaalo iyo barakac hor leh oo u eg kuwii sokeeye ee
caalamku Soomaaliya ku kaliftay iney dhabarka u jeediyaan isagoo
ka codsaday mas'uuliyiinta gobolka Banaadir in ay ka shaqeeyaan
xasilinta iyo badbaadada dadkooda taasoo taariikhdu u geli
doonta waxa ay u galaan shacabkooda.
bashiir cumar cali