SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print



Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


Dawlada Yemen oo shaacisey dagaal ka dhan burcad ah badeeda Soomaalida.

Xukuumada Yemen ayaa daboolka ka qaadey inay diyaarisey hawlgal ka dhan kooxaha burcad badeeda Soomaalida, ee mudooyinkii ugu dambeeyey sida weyn dhibaatooyinka afduubka iyo weerarada ku hayey gaadiid badeedka ku gooshaya xeebaha Soomaalida.

Wargeyska Aqbaarul Yoom ee ka soo baxa wadanka Yemen ayaa ka soo xigtey masuul ka tirsan ciidamada ilaalada ee wadanka Yemen in dawladiisu ay diyaarisey ciidamo iyo doonyo dagaal oo dhawaan hawlgalo ka bilaabi doona xeebaha Yemen iyo Soomaaliya si ay uga hortagaan kooxaha burcad badeeda ah.

Masuul ka tirsan dawlada Yemen wuxuu sheegay in ciidamadii hawlgalkaasi fulin lahaa ay hada ku jiraan tababar, isla markaana ay heleen warar dhanka sirdoonka oo tibaaxaya halka ay ku sugan yihiin kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo mudooyinkii ugu dambeeyey sii laba laabay hawlgalada ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya.

Hawlgalkan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah in lagula dagaalamo doonyaha tahriibka geeya wadanka Yemen, iyadoo la sheegay in doonyaha marka ay dadka tahriibka ah geeyeen xeebaha Yemen ay afduub kula kacaan maraakiibta, sida uu sheegay masuul ka tirsan dawlada Yemen oo u waramayey Wargeyska

Masuul ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir oo ka badbaadey isku day dil.

Masuul ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ee uu hogaamiyo Max'ed Dheere ayaa maanta ka badbaadey isku day dil oo lagu doonayey in lagu khaarajiyo.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Max'ed Muxiyadiin Cali ayaa saaka waxaa lagu weeraray gaari oo watey miino dhulka lagu aasey.

Afhayeenka ayaa waxaa qaraxa lala beegsadey isagoo xiligaasi ka baxayey guriga uu degan yahay, waxaana isagoo saxaafada la hadley uu sheegay in weerarkaasi uu ka badbaadey isaga iyo dhamaan istaaftiisa ay nabad qabaan oo aysan wax dhibaato ah ka soo gaarin qaraxaasi.

bashiir cumar cali
bashiir137@gmail.com
bashiir137@hotmail.com

SomaliTalk.com | Nov 10, 2007

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com