JILAA ISRAA’IILI AH OO MATALAYA FILIM LAGA SAMEEYEY SADDAAM
XUSEEN

abdirahman sharif
taysiir55@hotmail.com
Hadda waxaa soo gabagaboobay duubistii Filimka, waxaa soo
saaristiisa suuragelisay Hay’adda Warbaahinta Biritin (BBC),
wuxuu ka faaloonayaa noloshii Madaxweynihii hore ee dalka
Ciraaq, Saddaam Xuseen, kaasoo lagu fuliyey xukun daldalaad ah
bilowgii sannadkan, laakiin, muran badan oo wali socda ayaa
wuxuu hareeyey xeeldheerayaasha ku hawlan soo saarista Filimkan,
sababtuna waxey tahay iyadoo doorkii Saddaam uu filimka ku
matalayo jilaa u dhashay Israa’iil.
Filimkan oo Luqadda Ingiriiska ku hadlaya ayaa hawshiisa
waxaa la soo afjaray bishii ina dhaaftay ee October, waxaana
loogu magacdaray, (Mesopotamia) ama Labada Webi Dhexdooda,
waxyaabaha xiisaha u yeeli doona waxaa ka mid ah, marka dad
weynaha loo soo bandhigo, iyadoo uu diiradda saari doono
shakhsiyaddii Saddaam Xuseen, ka hor intii aan la daldalin iyo
kaddiba, iyadoo noloshiisana ay doodo badan ka dhasheen oo lagu
kala aragti duwan yahay, waxaa soo saaray filimkan Alex Homz oo
u dhasahay dalka Ingiriiska, filimkaasi waxaa ku matalaya qaabka
iyo magaca Saddaam, jilaa u dhashay Israa’iil oo lagu magacaabo
Frederick.
Waxyaabaha soo jiidashada leh waxaa ka mid ah, in jilaagu uu
aad u shabaho sida warar hordhac ah ay sheegeen, qaabkii iyo
muuqaalkii Saddaam Xuseen, halka doorka Xaaskiisa Saajida, ay
matali doonto gabadh lagu magacaabo Agdaslo oo caan ah, una
dhalatay Mareykanka, balse asalkeeda uu yahay Iiraaniyad.
Muran dheeraaday ayaa wuxuu ka taagan yahay, habka ay
filimkan jilistiisa uga qeyb qaadanayaan, shan jilaa oo uwada
dhashay dalka Tuniisiya, oo ay ku jiraan, Hishaam Rastam,
Maxamed Cali Alnahdi, iyo Fu’aad, oo Agoon ku matalaya, waana
arrin si kale marka loo fasiro noqoneysa mid meel ka dhac ku ah
Carabta, sida dadka qaar ay ku doodayaan, waxaa sidoo kale ku
jira, waxyaabo lagu muuqaal xumeynayo Saddaam, marka lagu daro
kaalinta weyn ee uu filimku ku leeyahay ninka Israa’iiliga ah.
Jilaa caan ah oo u dhashay dalka Tuniisiya oo loogu yeero
Cali Binuur, ayaa si kulul u cambaareeyey wax uu ku tilmaamay
iney yihiin khiyaamooyin, isagoo yiri, “Filimaanta noocan oo
kale ah waa kuwo lagu xumeynayo muuqaalka Carabta” wuxuu intaa
ku daray, “Filimka waxaa si qaldan loogu isticmaalay Saddaam iyo
Carabta, waxaana lagu burburinayaa muuqaalkeena iyo sumcaddeena,
waana taas midda aan aniga ku diiday inaan dadka jilaya ka mid
noqdo”. Binuur wuxuu u sharaxnaa inuu door ka qaato filimka
hawshiisa, laakiin markii dambe wuu ku gacan seyray inuu ka qeyb
qaato.
Alnahdi oo isagu ah jilaaga labaad ee filimka, wuxuu sheegay,
inuusan la socon isagu in jilaaga filimka ku matalaya Saddaam uu
yahay nin Israa’iili ah, markii uu ogolaanayey ka
qeybqaadashadiisa, wuxuu dafiray waxyaabaha lagu soo
celcelinayo, ee ah in filimka inta uu socdo ay ka soo dhex
muuqan doonaan, waxyaabo lagu sharaf dilayo Carabta.
Wargeyska lagu magacaabo ALWAXDA ee uu soo saaro Xisbiga
mucaaradka Alwaxda ee dalka Tuuniisiya, ayaa si kulul u
cambaareeyey raggan wax ka matalay filimka, waxaana uu yiri
wargeysku, “Waxey ku degdegeen qaar ka mid ah jilayaasha iney
hunguriyeeyaan fursadahan oo kale, waxaa ku adeeganaya ajaanib
iyagoo aan is dareemeyn, ama iska indha tiraya, waxey markaasi
eeganayaan ilo dhaqaale” wuxuu kaloo yiri wargeysku, “Waxey
aaminsan yihiin in qabashada hawlahan oo kale ay ka mid yihiin
waxyaabaha caadiga ah”.
Nin xubin ka ah ragga agaasimay filimkan ayaa sheegay in
kaliya uu filimku ka sheekeyn doono 24 sannadood oo noloshii
Saddaam ah iyo xiriirkii qoyskiisa, iyo sidoo kale, dagaaladii
uu ka soo qeyb qaatay tan iyo sannadkii 1979-kii, waxaa kale oo
ku jira, dagaalkii Mareykanku hoggaaminayey ee dalka Ciraaq lagu
qaaday sannadkii 2003-dii, kaasoo lagu riday maamulkiisii, wuxuu
kaloo sheegay in Filimku uu diiradda saari doono, dagaalka
sannadaha badan qaatay ee shacabka Ciraaq ay dhex durduurteen.
Ninka filimkan ku matali doona Agoonka, ayaa sidoo kale,
wuxuu difaacay kaalintiisa iyo eedeymaha uu wajahay, wuxuu yiri,
“Filimka Saddaam laga matalay waxaan kala qeyb qaatay ninka
Israa’iiliga ah, sababtoo ah, iigama ay muuqan waxyaabo lagu
xumeynayo Saddaam iyo Carabta”.
Agoonku wuxuu intaa ku daray, “Filimku wuxuu soo gudbinayaa
taariikh nololeedkii Saddaam Xuseen, iyadoo galaangalkiisii iyo
mowqifyadiisii siyaasadeed ay ku jiraan, kumana xadgudbayo
Carabnimada iyo Qarannimadeeda, iyo mabaadii’ Carbeed toona”,
wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey, “Waxaan qiimeeyey
xaaladda, sidaas ayaana Filimkan uga qeyb qaatay, waan ku
qanacsanahay, dhibaatana uma arko sida dadka qaar ee diiday iney
ka qeyb qaataan filimka, maxaa yeelay iyagu ma aaney darsin
xaaladda”
Laakiin, waxaa la saadaalinayaa in caro badan ay ka dhalan
doonto Filimkan marka ay daawadaan Shucuubta Carabta, iyo
taageerayaasha laga jinsiyadaha ah ee Madaxweynihii hore ee
dalka Ciraaq Saddaam Xuseen.