SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


somalia
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


Boqoraddii Kun La Dirirka Ahayd
CAASHA XAAJI CILMI OO WACDARO KA DHIGTAY JAAMACADA NORDEA AFRICAN INSTITUTE...

swedenDhawaan Waxaa dalka Sweden soo gaaray Aqooyahanada Somaliyeed DRS Caasha Xaji cilmi oo martiqaad ka heshay Machadka NORDEA AFRICAN INSTITUTE ,
oo ah machad si weyn looga qadariyo dalkan Sweden oo qabanqaabiyay dood cilmiyeysan oo ku saabsan Habka Nabad wada Ku noolaanshaha, Asha ayaa intii ay socotay doodan waxay ay curisay fikiro aad loogu guuxay oo badalay dad badan oon aqoon u lahayn halka ay salka ku heyso mushkilada ragaadisay dalka dagaaladu aanfeeyeen ee somalia.

Dood Cilimiyeedkan ayaa waxa ka qayb qaadanayay aqoonyahano ka yimid dalal kala duwan, balse Machadkani Qofka uu arkay inuu muhiimada sare leeyahay oo uu ka casumo dalka Somalia Waxa uu noqday Drs Asha Haji Elmi Gudoomiyaha SAVE SOMALI WOMEN AND CHILDREN (SSWC) oo ah URUR si weyn tixgalin uga leh Aduunweynaha Isla Markaana Asha waa Xubin ka tirsan Baarlamanka xorta ah,

Dabcan qofka doodiisa aad loo wada sugayay ayaa ahaa Drs Asha Haji Elmi oo dhab ahaantii si weyn ugu dheeraatay Qarni guurka ka taagan Dalka Somalia ah Iyo musiibada ku soo fool leh Dalka Somalia Hadii aan la helin Xal deg deg ah ,

Afar Qodob oo Casha doodeeda ku saleysay ayaa noqday kuwa si gaar ah u soo jiitay dadkii dooda la socday oo ka koobnaa ,kuwii goobta dooda joogay , iyo waliba kuwii ka Daawanayay TV/ga STV oo ah TV saacadii ay fiirsadaan dad lugu qayaaso in ka badan Hal milyan oo ruux Qodobada dadyoowga Reer Sweden iyo dadkii dooda ka qaybqaadanayay si gaar ah u soo jiitay oo casha ka hadashay waxaa ka mid ahaa

  • INAAN XALKA SOMALIA XABAD KU IMAAN KARIN.
  • INAAN CAYAALKA ,HAWENKA ,IYO DADKA DA,DA AH EE LA XASUUQAYO AANAY ARGAGIXISO AHAYN.
  • IN CAALAMKU U GURMADO DADKA BARAKACAY EE KU DHIBAATEYSAN GOBOLADA DALKA IYO DAAFAHA CAASIMADA SOMALIA EE MUQDISH.,
  • IN ADUUNKU CEEB IYO DHAGAR KU TAHAY IN DALKII SOMALIA SIYAASAD AHAAN, DHAQAALO AHAAN,IYO ISTARAATIJI AHAAN/BA LA HOOS GEEYAY DAL IYO DAD UU KA DHEXEEYAY DAGAAL QARNIYAAL JIREEN AH AH KAN ITHIOPIA.

Dabcan Waxaa la dhihi karaa maalintaas waxa ay Drs Asha ku hadleysay Boqolaal kun oo ah dulmanayaal Soomaliyeed oon fursad u helin ineey codkooda gaarsiiyaan Dadyoowga caalamka, qof walba oo Somali ah ayaa aad u farxay Markii Reer Sweden ay sheegeen inaanay aaminsaneen inuu jiro Qof somali ah oo sidan oo kale awood u leh inuu xaqiijin kara Himiladiisa , PROFFSOR Reer Sweden ah oo i garab fadhiyay Ayaa igu yiri Maanta ayaan ogaaday halka ay salka ku hayaan caqabadaha somalida heysta, iina sii raaciyay
waxaan hubaa iney tahay Asha KUN LA DIRIR

Dhanka kale somalida ku nool dalka Sweden oon u kala harin ayaa Drs Asha Haji U muujiyay dareen la mid ah kan soo dhaweynta ah ee reer sweden u sameeyeen asha xaji ilmi.

waxaana galab/nimadii jimcada hoolka weyn ee TENSTA TRÄFF Waxaa ku soo aruuray boqolaal Ruux oo somalia ah,

Dadkii somaliyeed ayaa halkaa ku soo dhaweeyay Asha oo qoorta loo suray Ubaxyo kala Ceyn ah
Xariiriyaha xafladaa soo dhaweynta ah DRS Amina siciid, ayaa microofanka ku soo dhaweysay ASHA
Salan ka dib waxa ay casha galka kala baxday seefteeda ,waxa ayna sheegtay in la gaaray waqtigii la iska xoreyn lahaa gumeystaha madoow , ay-na shaqsiyan diyaar u tahay waligeed-ga u ahayd , Intaa ka dib ayaa Mikroofanka waxaa loo fasaxay ka soo qaybgalayaashii si hadii uu jiro qof su al qaba uu diktoreesada u waydiiyo ,
dhab ahaantii halkaa waxaa ka dhacay su,alo iyo jawaabo aqoon iyo qadarin ku dheehnaa Kaftankuna uu dhinac socday

Isku soo wada Duuboo DRS asha Xaaji cilmi waxa ay sanadkan ka dhigtay dalka Sweden Wacdaro ,waxa ay-na kor u qaaday Magaca Aqoonyahanada iyo Guud ahaan Shacbiweynaha Somaliyeed.




CALI CABDI WARDHERE (Ali Yare)
Cali_yare@hotmail.com

 Faafin: SomaliTalk.com | Nov 7, 2007

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com