Jaaliyada Holland oo qabtay Sportay lagu taageeray Magan Dahir &
Sawiro
Waxaa maalinimadii Sabtida magaalada The Hage ee dalka
Holland ka dhacay munaasabad Sporti oo ay si wada jir ah uga qeyb
qaateen dhalinyarada iyo waaladiinta Jaalliyada Soomaalida, laguna
taageerayey mid kamid ah ciyaartoyda caanka ah ee Soomaalida dalkaasi ku
dhaqan.
Munaasabadan oo ka dhacday The Hage ayaa lagu maamusayey taageerada
Magan Dahir oo ah Horyaalka curyaanka ah ee Kubada Miiska, kaasi oo in
badan ku tilmaamaan mucjisada Kubada Miiska.
Magan Dahir oo hada u dadaalaya sidii uu uga qeyb geli lahaa ciyaaraha
Olympicada ee ka dhici doona dalka China, ayaa waxuu halkaasi kusoo
bandhigay ciyaaro iyo tababar uu siinayey dhalinyarada iyo waalidiinta
Jaaliyada ee xiiseenayey maalintan Sportiga Soomaalida loogu magacdaray.
Hay’ada Somalida Holland ee NEDSOM oo soo qaban qaabisay munaasabadan
ayaa sidoo kale halkaa kusoo bandhigtay tababaro la xariira dhinaca
Sportiga iyo Caafimaadka.
Waxaana halkaasi ka dhacay Ciyaaro isugu jira Kubada cagta, kubada
kolayga(BasketBall), Kubada Miiska (Tabel Tennis), iyo dabaasha
(Swimming).
Munaasabadan oo socotay maalin dhan ayaa lagu soo gaba gabeeyey xaflad
balaaran oo lagu soo bandhigay suugaanta Soomaalida, halkaasi oo sidoo
kale lagu bixiyey abaalmarino lasiiyey dadkii ku guuleystay ciyaaarihii
maalintaasi halkaasi ka dhacay.
Munaasabadan ayaa ahayd tii ugu horeysay oo ay bilowdo Jaaliyadd
Soomaali ah oo ay ku taageerto Horyaalkan Soomaaliga ah, ayadoo Hay’ada
Nedsom Foundation iyo Jaaliyada Soomaaliyeedba ku dhiiri geliyeen Magan
Daahir inuu sii wado dadaalkiisa isla markaana ay la garab istaagi
doonaa taageeradooda marka uu tago ciyaaraha Olympicada.