Saadaalin yaa loo magacaabin Wasiirka koowaad 1/11/07
Waxaan ku bilaabayaa, erayga saadaalin waxaa weeye macnahiisu in la
mallawaalo wax aan wali dhicin, hase yeeshee lagu cabiro waayo-aragnimo,
hebo Alle bixiyo iyo waxyaalo la isu geeyo, sida saadaasha hawda
(parameters) afka Ingiriis.
waxaan shaki ku jirin in iscasilaadii prof. Geedi ay tahay fursad weyn
oo ay sugayeen kooxa badani, oo qaarba doonayaan inay si gaar ah uga
faa`aadeystaan. dhamaan kooxahaani inkasta oo ay mar mar u muuqdaan kuwo
wada socda, haddana waxay isku hayaan in arimaha soomaaliya loo meel
mariyo siday wax u rabaan. Intii ka danbeysay iscasilaaddii Wasiirkii
koowaad, waxaa durba bilaamay kal guur iyo isu-guur aan maalmo ka hor ka
jirin Baydhabo.
wasiirka koowaad in loo magacaabo Ismaaciil Hure Buubaa,
saadaalintaan baan waxaan ku saleynayaa arimo badan oo aan soo
taxidoono.
sida aan uga hadalay reer mogdisho, baa waxaa la isweydiin karaa maxuu
xildhibaan Buubaa ka qaban xaaladda soomaaliya , haddii uusan aheyn reer
xamar, taageero iyo culeys siyaasadeed ku la heyn gobollada waqooyi, oo
rag kale kaga miisaan weyn yihiin. Hase yeeshee waxaa meesha soo galeysa
su`aal ah “ma waxaan kaliya oo wax ku cabireynaa kama tirsan
deegaankaas, kamana tirsana xisbiyada Kulmi iyo Udub, mise xiriir
siyaasadeed oo lag faa`iideysan karo iyo kugu san-kugu san?
Mudanahaani, wuxu ka tirsan yahay dawlada FKMG, deegaan ahaan wuxuu ka
soo jeedaa gobollada waqooyiga, oo ku dhawaaqay goni isu taagid ilaa
markii ay burburtay dawladii Soomaaliyeed `91, hase yeeshee aan wali
helin aqoonsi dawli ah. Mudanahaani wuxuu noqon karaa buundo la dhex
dhigo dhinacyada, si looga tilaabsado khilaafka, mar haddii qaab
fidaraal la qaatay, si loo soo celiyo qarannimadii iyo sharafkii
Soomaaliyeed. Waxaa kale oo magacaabidaan taageerikara dawlado iyo kooxo
ay ka dhexeyso wada shaqeyn iyo kala sad bursi, laakiin u wada arka
buubaa inay la shaqeyn karaan. markii laga tago dawladaha sida tooska ah
faraha ku la jira arimaha Soomaaliya, jaamacada carabtu waxay
taageereysaa in jagadaan bannaan loo magacaabo wajigaan aan ku cusbeyn
oo af iyo xiriirba ka dhexeeyo. Ma aha wax qarsoon in Buubaa uu xirrir
fiican ka dhexeeyo isaga iyo dawladaha carabta, uuna kaalin u buuxin
lahaa madaxweyne Yuusuf oo dawladaha carabtu ay ku tiriyaan dhinaca
itoobiya. Hase yeeshee ka dib intii dawlada mareykanku hantiday
hoggaaminta arimaha Soomaaliya, waxaa la wada saaraanaa doon, oo xataa
waxaa muuqda in Qaahira iyo Adisba ay isku dhinac ka saran yihiin marka
laga hadlayo arimaha Soomaaliya.
Ujeedada ka danbeysa ka qeyb qaadashada dawlada sacuudiga shirkii xamar
ma aheyn mid dhaqaale kaliya. Waxaa hadda muuqda in dawlada sacuudigu u
dhaqaaqday meel marinta go`aamadii ka soo baxay shirkii lagu qabtay
xamar ee lagu magacaabay dib-u-shiisinta, laguna soo saxiixay magaaladda
Jeddah. Mar haddii go`aankii lagu saxiixay dalkeeda, waxaa lama huraan
ah inay u raadiso taageero siyaasadeed. waxaa laga yaabaa in arimaha uu
u yimid boqor Cabdalle dalka Ingiriiska ay ka mid yihiin xaaladda bariga
dhexe sida Iran, iraq, dagaalka Turkiya ku soo qaaday qeyb ka mid ah
dalka Iraq iyo iyada oo la filayo in la soo qaado arimaha Soomaaliya.
Waxaa la saadaalinyaa in Boqorka sacuudigu ka codsado dhinaca Ingiriiska
inay dabciyaan mawqifkoodii ku aadanaa soomaaliya. waxaa hubaal ah in
hawl fudeyntaan ay ku xiran tahay shurruddi. Bal fiiri qoraalkaan “
Shirkii Wasiirada arrimaha dibadda dalalka Carabta oo shalay ka furmay
magaalada Riyaad ee dalka Sucuudi Carabiya oo lagu soo casuumey Wasiirka
arimaha dibada soomaaliya Ismaaciila Hure (Buubaa) ayaanu Ismaaciil ka
soo xaadirin shirkaas. Wasiirka arrimaha dibadda dalka Sucuudiga Amiir
Saud Faisal Abdulaziz al Saud oo yaaban ayaa si gaar ah Ra'isal Cali
Maxamed Geeddi u weydiiyey su'aashaas.Geeddi waxa uu su'aashaas kaga
jawaabay si indha taag taagid ah isagoo sheegay in Buubaa uu howlo u
hayo dowladda loogana maarmi waayay inuu howlahaas dalka ka sii wado”
Hormood net, Written by Abdirahman, Wed,28/03/07.
Magacaabida Ismaaciil Buubaa waxaa kale oo taageerikara dawladaha reer
galbeedka oo aan ku mideysneyn sidii xal loogu helilahaa dhibaatada
soomaaliya, oo ay mas`uulka ka yihiin ilaa markii ay kala qeybiyeen
ummadda Soomaaliyeed iyo dhulkeedaba. Hase yeeshee xilligaan oo ay
socon-waayeen riwaayadihii ay ka mid yihiin dagaaladii lagu qaaday iraq,
afganestaan iyo rajo xumada laga qabo jooginta barnaamijka Iran. Reer
galbeedka waxaa kale oo fooda soo saaray, xulufadii dhawaan shirka ku
yeeshay magaaladda Tehran ee dalka Iran, oo Ruushka iyo Chiinihu
horboodayaan iyo xaaladda Pakastaan oo ka sii daraysa. Hadda waxaa soo
bidhaamaya inay daneynayaan in arimaha soomaaliya lagu dhameeyo xal dhex
dhexaad u ah.
Magacaabida mudanahaan, waxaa kale oo taageeri-kara xubnaha golaha
barlamaanka, ayaga oo ilaashanaya danahooda gaarka ah. Inkasta oo ay
jiraan wasiiro ayagu ku hawlan in jagadaan loo magacaabo iyo
taageerayaashii Geedi oo doonaya in wasiirka koowaad uu noqdo mid aan ka
tirsaneyn barlamaanka. waxaan wada ognahay buggii ka koobnaa 116 bog ee
dhawaanloo qeybshay xubnaha barlamaanka, waxaa ku jira qodob ka hadlaya
in wasiirada iyo wasiirka koowaadba laga keenikaro dibada barlamaanka.
ka hadalka qodobkaan baa ku soo beegmay xilli uu bannaan yahay kursigii
jagadii wasiirka koowaad, loona wada hanqal taagayo. xubnaha waxaa
mideynaya arimo oo ka mid yihiin:
1) in xubno dibada laga keenay aan la siin jagooyinkaas( w/koowaad,
wasiirada),
2) Inay taageerayaan codsigii madaxweyne Yusuf oo yir” ha la meel
mariyo”,
3) In dib loo dhigo dhaqan galinta qodobkaan ilaa doorashada 2009.
Sidoo kale waxaa taageeraya magacaabida mudanahaan ganacsatada
Soomaaliyeed, oo aad u daneynaysa ciddi hagaajineysa xiriirka ganacsiga
ee ka dhexeeya soomaaliya iyo adduunka kale, gaar ahaan dalalka
khaliijka carabta. Mar haddii aan batrool la qodeyn !!!.
Magacaabida Buubaa waxay kaalin weyn u buuxin laheyd madaxweynaha,
haddii uu taageero ka heysto dawladaha faraha kula jira arimaha
Soomaaliya. Madaxweyne Yusuf wuxuu aad ugu baahan yahay sannadaha u
haray inuu soo celiyo dawladii Soomaaliyeed, oo burburkeedii lagu
eedeynayo, markii uu jabhadii ugu horeysay ka dhisay dalka Itoobiya.
wakhtigaan la joogana lagu eedeynayo inuu horsed u yahay ciidamada
shisheeye. Hase yeeshee manta la filayo inuu dareensan yahay, inay lama
huraan tahay siddi xal loogu helilahaa dhibaatada ummadda Soomaaliyeed,
dalkana loo mideyn lahaa.
Markii la isku soo uruursho,
shacabka iyo waxgaradkiisu waxay aad u taageerayaan in wasiirka
koowaad laga dhex xusho xubnha ka soo jeeda deegaan magadishu oo ah
xaqiiqada jirta, haddii la dhinac marana dhibaatadeed leh. Aragtidooda
waxay ku xoojinayaan, in si dhaqso loogu baahan yahay in la joojiyo
dagaalada ka socda deegaankaas iyo dhibaatooyinka ka soo gaaraya
maatada. mudanayaashaan hoos ku xusan baa waxay ku jiraan caaradka
liiska tartanka, waxna ka mid Afrax ,Dr Tuuryare iyo Mudane Max`ed
max`ud Gacmadheere.
Mudane Afrax wuxuu ahaa xubin la filayay inuu ku soo baxo jagada
wasiirka koowaad ka hore intii aan Geedi loo magacaabin. Max`ed dheere
oo hawl badan kala kulmay arimaha xamar ka dhacaya, kuna baraarugay
danaha iska horimaanaya ee siyaasadu ku saleysan tahay, baa hankiisii
hoos u dhigay, kuna qanci-kara jagada wasiirka arimaha gudahu uu ka
dalici-karo.
Mar haddii dani sidaan ka badin weyday, buubaa wuxuu noqonkaraa xubin
mudan in laga dhigo wasiirka arimaha dibada, si dhidibada loo aaso
xiriir fiican oo dawladu la yeelato beesha caalamka.
Waxaase hal bacad lagu lisay noqoneysa haddii uu dhabawbo shaki ay ka
qabaan shacabka soomaaliyeed in jagadaan loo magacaabo xubin ay wataan
quwadaha shisheeye, soomaalidana ku noqda culeys aan xal soo kordhin.
Inkasta oo Axdigu ogal yahay in Jagada wasiirka koowaad lagu soo
magacaabo muddo 30 maalmood gudahood ah, hase yeeshee xaaladda
soomaaliya baan aheyn mid degan, sugi-karina maalmo badan inay qaadato
magacaabida jagadaan.
Ugu danbeyntii, Madaxweyne yusuf waxaa la gudboon inuu si fiican uga
fara buuxsado xulashada wasiirkii koowaad, lana tashado waxgaradka
deegaankaas, taxadarna lagu siidaro. Si ummadda loo horkeeno mas`uul u
qalma jagada haawaneysa.
Jagadaan waxaa mudan in loo doorto mas`uul:
1. Ay dhibeyso xaalada manta Soomaaaliya mareyso,
2. Hanta hoggaaminta xukuumadiisa,
3. Leh aragti waayo-aragnimo nololeed iyo aqoon,
4. Taageerana ka heysta waxgaradka deegaankaas.
5. Aan mugdi uga jirin xaaladda murugsan ee ka jirta soomaaliya,
6. Wada shaqeyn fiicana la yeesha golayaasha kale ee dawlada,
“Ruuxaad sugeysoo maqan waa la saadshaa” maanso hore
Waxaa Qore:
shakib_dhowre@hotmail.com