Machadka naafada soomaaliyeed oo soo gabagabeeyay tirakoob uu ka sameeyay
naafada Soomaaliyeed ee Muqdisho Munaasabad ballaaran oo ay ka qayb
galeen xubno ka socday ururrada bulshada rayidka ah ee Muqdisho iyo marti
sharaf kale ayaa maanta lagu qabtay xarunta Baydo ee magaalaad Muqdisho.
Xafladdan oo ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu soo
gabagabeynayay tirakoob ku aaddan sidii loo ogaan lahaa dadka naafada ah ee
16-kii sano ku naafoobay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay ayaa waxaa
lagu soo bandhigay tirakoobkaas xubno gaaraya 8436 xubnood oo isugu jira
cuuryaamiin kala geddisan.
Digniintii halkaas laga soo jeediyey ayaa waxaa ka mid ahaa waxyeelada
miinada ay leedahay iyo walxaha qarxa in ay ugu weyn tahay dhaawaca iyo
dhimashada , dhaqaalo la.aan,nolosha in aan lagu ciyaarin ,ka fiirso waxaad
yeelayso ina aadan socdaalin , foojignaan, in warbixinada la weydiisto dadka
degaanka , in la raaco dariiqa fayow oo aan miinada lagu aasin , in laga
leexdo meelaha shakiga miinada laga qabo , sida xero ciidan , meel gaadiid
lagu gubay , guryo dumay , calaamadaha goobaha miineysan in laga leexdo ,
sida ood meel tuuran , maro cas ( calan cas ) dhagxaan rinji cas leh ka
wacyi gelin bulshada meelaha iinooyinka leh iyowaxyeelada qarxa , sida aad
yeeleyso marka aad argot waxyaalo qarxa , joogso waxna u fiirso sida
calaamadaha wadada ficilada qatarta leh , ha ku tuurin wax qarxa dhagax ,
shay ha ku taaban , ha ku tuurin dab , ood ha dul dhigin, dhamaan ficiladaas
miinooyinku waxey u kala baxaan kuwo dadka ku qarxa iyo kuwo ku qarxa dadka
iyo gaadiidkaba ,
Tirakoobkan oo billowday 23-kii September 2007-da lana soo gabagabeeyay
23-kii October 2007-da ayaa waxaa iska kaashaday masuuliyiinta Banadir Youth
iyo Aidsom iyadoo dhinaca taakuleyntana ay gacan ka gaysatay hay’adda UNDP.
Cabdi Cismaan Siyaad oo ka mid ah masuuliyiinta hay’adda Aidsom ayaa
sheegay in uu ugu baaqayo hay’adaha samafalka, ganacsatada iyo jaaliyadaha
dibadaha inay qayb wayn ka qaataan sidii wax loogu qaban lahaa
cuuryaamiintan daadsan magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in in naafada ay
ilaa hadda tirakoobeen 17% ay yihiin caruur, halka 46% ay ka yihiin rag,
sidoo kale 36% ay yihiin haween.
Munaasabaddan ayaa waxaa lagu soo bandhigay xubno fara badan oo
cuuryaamiin ah oo ku naafoobay dagaalladii sokeeye ee dalka Soomaaliya ka
dhacay 17-kii sano ee la soo dhaafay.
Madaxa hay’adda Aidsom Cabdi Cismaan Siyaad wuxuu sheegay in hay’adda
Aidsom ay xoogga saartay sidii ay wax ugu qaban lahayd dhibaatada haysata
cuuryaamiinta Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in wixii awooddooda ah ay ka
qabteen sidii ay kaalmo ugu heli lahaayeen isla markaana kor ugu qaadi
lahaayeen aqoontooda, iyadoo uu sheegay in la baray dadka naafada ah
farsamooyin kala geddisan sida dhar tolidda iyo computerrada, kuwaasoo uu
sheegay inay hadda qaarkood ku shaqeystaan, halka mustaqbalka la doonayo in
waxqabadka cuuryaamiinta sare loo qaado