SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


somalia
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


Dhibaatada ay ragga soomaaliyeed ku hayaan maatadooda
ayan mohamud
aymohamud@gmail.com

Sww.

Waxaan rabaa maanta inaan kaga hadlo arintan halkan anigoon waligay wax araa ka dhiiban dhibaatada soomaaliya maanta ka taagan oo soo afjarmi la'. Wax badadan ayaan akhriyey rayiga dadka laakiin aniga waxay ila tahay ilaa hada hadal bilaa macna ah ma ogiye qof sooamaali ah oo taabtay runta inuusan jirin. Sababta taas keentayna ay tahay qabyaalad qof kasta oo soomaali ah qalbigiisa degtay oo guri ka samaysatay. waxaad arkaysaa inu qof kasata oo hadla uu dhinac uun u xaglinayo, ama ha khaldanaada ama ha saxsanaadee uusana u aaba yeelayn wax uu ku hadlayo.

 intaa hadaan taas uga baxo soomaalidu waxay ku maahmaahdaa hadal badan haan ma buuxsho ee aan arinta gunteeda taabto. Soomaaliya dhibaatada maanta haysata wax masuul ka ah ragga soomaaliyeed ama dalka ha joogeen ama gudihiisa ha joogeene. Sabatoo ah bulshooyinka caalamka ku nool kuwooda horay u maray dadkooda wax garadka ama hormuudkooda waxay ka fekeraan ama ay wax qabadkooda ku saleeyaan sidii ay maatadooda wax ugu qaban lahayeen, laakiin raga soomaalidu waxy ka fekeraan inay iyaga naftooda wax u helaan ,

Niman soomaaliyeed boqolkiiba sideetan waxa ku duuban in uu madax noqdo  oo uu lacag xaaraan ah helo oo uu nolol qabow oo uu san usoo dhididin uu ku noolaado,naago badan guursado,caruur tiradii ka badatay oo uusan war iyo wacaal ka hayn wax ay ku sugan yihiin iyo tarbiyadoodna uusan ka shaqayn uu dhalo hadhowna la yiraahdo hebel intaas oo ciyaal ah iyo intaas oo naagood buu leeyahay.

Si uu taas u gaaro ialayn ma rabo inuu shaqaysto oo dhidido oo xogiisa uu maalo e waa inuu wax xadaa isagoo bareero cad isticmaalaya ama wax kale ku soo gabanaya. Sida wadaad baan ahay diinta ilahey baan u dirirayaa ama siyaasi baan ahayoo dadka soomaaliyeed ayan wax u qabanayaa isagoo danahiisa gaarka ah wata. Hadaba raggi soomaaliyeed sideetan sidaas ayay ku sifoobeen labaatanka soo haray qaarna qurba ayay u soo baxeen oo in yar oo ilaahay u naxriistay ma ogiye inta kale masuuliyadoodii way iloobeen qaarna wadanka ayay ku hareen oo waxba kama qaban karaan dhibaatooyinka taagan sababtoo waxa la yiri biyo kaa badan iyo dad kaa badanba way ku harqiyaan.

Waxaan maqaalkan kula hadlayaa inta wax fahmaysa oo xaqa iyo baadilka kala saari karta ee arintaan baahday ee faraha ka baxday walaalayaaloow sidee uga abxna?. aniga fikradaydu waxay ila tahay waxaan uga baixi karnaa in nin walba oo soomaali uu is xisaabiyo waxa ka khaldana uu saxo oo ilaahay u noqdo ogaadana in uu masuul kayah dadkiisa iyo dalkiisa iyo diintiisa ilaa ay taas dhacdona wax noo hagagayana ma jiriyaan anagana aan u ducayno inteena dulman in ilaahay soo hanuuniyo oo xaqa tuso.

wa bilaahi towfiiq

ayan mohamud
aymohamud@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 4, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com