Maxaad Ka Taqanaa Waddanka Koonfur Afirka???Acww,
Marka la rabo in laga hadlo wadan waxa waajib ah in la xuso taariikhda uu
leeyhay wadankaasi .
Hadii aan ka bilaabo si
guud ahaneed Taariikhda waddanka oo kooban koonfur Afrika ah. Waa waddan
muddo dheer ku kadeedmay midab kala sooc aad u xun,kaasoo ka markhaati
kacaya heerka qaabka daran ee uu gaadho damaca iyo sadbursiga Ina Aadane
qaarkii uu walaalkii kula kaco.Waddanka koonfur Afrika waxa uu ku dhacaa
cidhifka ugu koonfureeya qaaradda Afrika, waxaana koonfurta galbeed kaga
beegan badwaynta Atlaantiga oo dhererka xeebtiisu ay gaadho 872 km, dhinaca
waqooyi barina waxaa kaga xeeran badwaynta Hindiya, waqooyina waxaa ka xiga
Musambiik,Zimbabwe,Botswana iyo Namibiya. Bedka waddanku waa 1220037 km (hal
milyan 220 kun iyo 37 km) oo isku wareeg ah. Caasimadda waddanku waa
Pretoria, magaalooyinka waawayna waxaa ka mid ah Capetown, Johannesburg iyo
Durban. Tirada dadka waddanka ku dhaqan waxaa lagu qiyaasaa 41 milyan oo
qof, tirada dadka madawga ahina waa 75% tirada guud ee dadka waddanka ku
dhaqan, caddaanka wadaanka ku dhaqanina waa 14%, dadka Aasiyaanka ahina waa
11%.
Waddankaasi intii uu ka jiray nidaamka midabtakoorka ahi waxa uu keenay in
dadka cad oo aad u yari ay ku kaliyaystaan hoggaaminta waddanka ee
siyaasadeed iyo dhaqaalaba, waxay dageen meelahii ugu quruxda badnaa,
waxayna gacanta ku dhigeen dhammaan ilihii dhaqaalaha, sida ka ganacsiga
hubka iyo qodista dahabka iyo dheemanka. Haddaba inkastoo hoggaamintii
siyaasadeed ay gacanta ugu jirtay dadka madaw ee waddanka u badan
labaatameeyadii sano ee ugu dambeeyay, haddana marka aad hoos ugu sii dhabbo
gasho waxaad dareemaysaa in uu weli ninka caddaa daaha dabadiisa ka
hoggaaminayo waddanka, waayo weli ilihii dhaqaaluhu isagay gacnta ugu jiraan
dadka madawga ahina kaalinta hadalka iyo siyaasadda ayay weli ku jeedaan.
Sidee buu Islaamku ku gaadhay waddanka koonfur Afrika
Islaamku wuxuu gaadhay sanadkii 1694kii, waagaas oo ay xeebaha
waddankaasi ku soo xidhatay doon la odhan jiray De Fotopogh, doonidaasi oo
sidday 49 muslimiin ah oo ay dawladda Holland u soo musaafurisay waddanka
koonfur Afrika, dadkaasoo ka mid ahaa dagaalyahannadii muslimiinta ahaa ee
ka dagaalami jiray waddanka Indooniisiya, lana dagaalami jiray gumaysigii
Hollandiiska ahaa ee waddankooda haystay waagaas, dadkii ugu magaca dheeraa
ee doontaas la socdayna waxaa ka midaa nin lagu magacaabi jiray Abu Islaam
oo ila hadda magaciisa la sii yaqaanno.
Qaybaha ay u kala baxdo
Jaaliyadda Muslimiinta ee Koonfur Afrika
Jaaliyadda muslimiinta ah ee ku dhaqan waddanka koonfur Afrika waxaay u kala
baxdaa saddex qaybood oo kala ah:
1- Waana qaybta ugu balaadhan uguna soo horraysay imaatin ahaan waddanka
koonfur Afrika, waxayna asal ahaan ka soo jeedaan Indooniisiyaan iyo
Maleesiyaan. Dadkaas oo qaarkood uu addoon ahaan ku keenay gumaysigii
Hollandiiska ahaa ee waddamadooda gumaysan jiray si ay uga shaqeeyaan
beeraha caddaanku ay waddanka koonfur Afrika ku lahaayeen iyo qaar kale oo
siyaasad ahaan loo soo musaafurin jiray, waxayna dadkaasi badidoodu deggan
yihiin magaalada Capetown iyo hareeraheeda, markii dambana waxay badankoodu
noqdeen shaqaale dawladeed,waxayna raacsan yihiin Madhabka Shaaficiga,
tiradooduna waxay kor u dhaaftaa 300 oo kun oo qof. Waxay ku guulaystaan
inay ilaashadaan astaamahoodii muslinimo, isla markaana ay masaajido ka
dhisaan degaankooda, waxayna ku guulaystaan inay xidhiidh fiican la yeeshaan
dadka asal ahaan waddanka loogu yimid.
2-Waa dadka ka soo jeeda Hindi, dadkaasoo uu gumaysigii Ingiriisku badiba
shaqaale ahaan u keensan jiray, waxayna badi degen yihiin gobolka
KwaZulu-Nata iyo magaalada Johannesburg, badidooduna bulshada waddanka waxay
ka noqonayaan dabaqadda dhexe marka la eego xagga dhaqaalaha iyagoo ku soo
xiga dadka cad ee dhaqaalaha waddanku gacanta ugu jiro. Dadkaasi badidooduna
waxay raacsan yihiin Madhabka Xanafiga ah.Dadkan oo iyagu u jeestay xagga
ganacsiga waxay ku guulaysteen inay ilaashadaan astaamahoodii muslinimo,
iyagoo dhinaca kalana ka dhisay degaanka ay deggen yihiin masaajido waawayn
iyo dugsiyo u gaar ah, waxay kaloo samaysteen jaaliyado iyo ururo xoog leh,
iyagoo ku guulaystay inay faqiirkooda caawiyaan, sakooyinkoodana iska
ururiyaan. Hase yeeshee qaybtani waxay si aad ah uga gaabisay faafitaanka
diinta Islaamka iyo sidii ay diinta Ilaahay u gaadhsiin lahaayeen dadka
madaw ee waddanka ugu badan, waxabana jirta xurguf aad u ballaadhan oo ka
dhaxaysa dadka madaw iyo muslimiinta Hindida, taasoo keeni karta haddii
aanay muslimiinta Hindidu qaab nololeedkooda wax ka beddelin cidhib xumo
saamaysa dhammaan bulshooyinka muslimiinta.
3-Waa qaybta ugu yar tiro ahaan waxayna iskugu jiraan dadka madaw ee asal
ahaan degaanka loogu yimid iyo dadka waddanka looga yaqaanay dadka iska
dhalka ah, waxaana qaybtaasi soo galaya dadka Soomaalida ah, kooxdii ugu
horraysayna waxay waddankaasi gaadhay horraanta qarnigii tagay waxayna
dhammaayeen 400 oo qof oo uu gumaysigii Ingiriisku ka keenay maxmiyaddii
Ingiriiska ee Somaliland, una badnaa shaqaale taararka ka shaqeeya iyo
karaaniyaal,haddaba dadkaasi oo dhammaantood wada dhallinyaro ahaa ayaa
milmay oo maanta qof qof mooyaane aan waxaba laga hayn , waxaa ka sii hadhay
guryihii ay lahaayeen oo mid waliba uu ku qortay qabiilkiisii hoose iyo
magaaladii uu ka yimid, xattaa waxaad arkaysaa Hindi Siikh ah oo ku leh
waxaan ahay asal ahaan Soomaali. Qaybta labaad ee Soomaaliduna waxay
waddankaasi tageen bilawga sagaashameeyadii qarnigii dhammaaday markii ay ka
qaxeen dagaaladii halkeeyay Soomaaliya iyagoo badidoodu uga guuray xagga
waddanka Kenya, inkastoo ay haddaba Soomaalidan dambe ee waddankaasi tagtay
ay ka nasiib fiican yihiin kooxdii hore haddana dhibaatada hayasataa ma
yara.
Dhibaatooyinka haysta muslimiinta koonfur Afrika
Kaddib markii uu burburay nidaamkii midabtakoorka ee xumaa waxaa dhacday
in dad fara badan oo u badan dadka maalqabeenka ahi ay ka guuraan degaankii
markii hore ay deggenaayeen iyo masaajidada hareerahoodii, iyagoo u guuray
meelo fogfog oo markii hore dadka cad u gaar ahaa, taasoo keentay inuu hoos
u dhaco wacyigii iyo isku xidhnaantii dadka muslimiinta ah ka dhaxeeyay,
waxaana samaysmay fac ay ku yar yihiin dhaqankii astaamihii diintu. Dhinaca
kalana kaddib markii uu xidhiidhka muslimiinta waddankaasi ay la lahaayeen
dunida muslinka waxaa timid cabsi ah in khilaafaadka madhabiga ah iyo ka
siyaasiga ah ee dunida muslinta halkeeyay uu u soo gudbo bulshowaynta
muslimiinta ee ku dhaqan koonfur Afrika taasoo raad aan la mahadin ku yeelan
karta.
Wadaankaan koonfur Afrika waxaa looga hadlaa sida la sheegey ilaa 11
luqadood waxana ka mid ah
Sepedi,
Sesotho,
Setswana,
siSwati,
Tshivenda,
Xitsonga,
Afrikaans,
English,
isiNdebele,
isiXhosa iyo
isiZulu.
Wadaankaan koonfur Afrika waxa uu leeyahay 11 Magac oo ah Official Name of
South Africa.. waxana ka mid ah
-
Republiek van Suid-Afrika (Afrikaans)
-
Republic of South Africa (English)
-
IRiphabliki yeSewula Afrika (IsiNdebele)
-
IRiphabliki yaseMzantsi Afrika (IsiXhosa)
-
IRiphabliki yaseNingizimu Afrika (IsiZulu)
-
Rephaboliki ya Afrika-Borwa (Sepedi)
-
Rephaboliki ya Afrika Borwa (Sesotho)
-
Rephaboliki ya Aforika Borwa (Setswana)
-
IRiphabhulikhi yeNingizimu Afrika (SiSwati)
-
Riphabuḽiki ya Afurika Tshipembe
(Tshivenda)
-
Riphabliki ra Afrika Dzonga (Xitsonga)
Wadaankaan koonfur Afrika waxa uu ka kooban yahay 9 gobal
Province |
Former homelands and provinces |
Capital |
Area (km²) |
Area (mi²) |
Population (2001) |
Eastern Cape |
Cape Province,
Transkei,
Ciskei |
Bhisho |
169 580 |
65 475 |
6 436 761 |
Free State |
Orange Free State,
QwaQwa |
Bloemfontein |
129 480 |
49 992 |
2 706 776 |
Gauteng |
Transvaal |
Johannesburg |
17 010 |
6 568 |
8 837 172 |
KwaZulu-Natal |
Natal,
KwaZulu |
Pietermaritzburg |
92 100 |
35 560 |
9 426 018 |
Limpopo |
Transvaal,
Venda,
Lebowa,
Gazankulu |
Polokwane |
123 900 |
47 838 |
5 273 637 |
Mpumalanga |
Transvaal,
KwaNdebele,
KaNgwane,
Bophuthatswana,
Lebowa |
Nelspruit |
79 490 |
30 691 |
3 122 994 |
Northern Cape |
Cape Province |
Kimberley |
361 830 |
139 703 |
822 726 |
North West |
Transvaal,
Cape Province,
Bophuthatswana |
Mafikeng |
116 320 |
44 911 |
3 669 349 |
Western Cape |
Cape Province |
Cape Town |
129 370 |
49 950 |
4 524 335 |
Total |
1 219 080 |
470 |
|
Wadaan kani waxa uu ku caan baxay dhaqaalaha iyo
dalxiiska waxaana u leeyahay Kogob dhaqaale oo xoogle Meelaha Ugu Weyn ee uu
dhaqalaha ka so galo waxa ugu muhiimsan dalxiiska Rankiga aduunkana waxay
kaga Jirtaa Wadanka 24 aad waxana u ka mid yahay ama ka dhihi kara waa
hormuudka wadana so kuroaayo dhaqaalahooda Magaalooyinka Caanka ku ah
hormarka wadanka waxaa ka mid ah
Cape Town,
Port Elizabeth,
Durban, iyo
Pretoria/Johannesburg.
Xarunta dhaqaalaha ee wadankuna waa
Johannesburg.
Hadaba Anigoo So gabagabeynaayo Hadalkeyga Waxaan dhihi
karaa Wadaankaan koonfur Afrika Waa wadan ka kaliye ee uu ka jiro
dhaqaalo xor ah aadna ku arkeysid meelo badan
Ka Daawo hoos Sawirad qaarka ka tarjumaayo xiligii guumeystaha iyo dadka
daga waddaankaan iyo meelaha Ugu bilcsan Wadaankaan koonfur Afrika
Acww,
MOHAMED ISMAIL
mismacil@hotmail.com
+ 27 76 969 9516
+ 27 11 837 0891
JOHANNESBURG REPUBLIC OF SOUTH AFRICA
Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan