Barnaamijkii Radio Xoriyo
03
November 2007.
Dagaallo
si wayn loogu jabiyay ciidammada gumaysiga.
Waxyeelloyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha.
Askar Itoobiyaan ah oo lagu
laayay Muqdisho.
Qoraal ka digaya shirqoollada gumaysiga oo
Hooggaanka Warfaafintu soo saaray.
======================
Dagaallo si wayn loogu jabiyay
ciidammada gumaysiga
Wariyaha RX
uga soo warrama gobolka Nogob e dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay
dagaallo badan oo toddobaadkii u denbeeyay ka dhacay meelo kala duwan oo
Ogaadeenya ka mid ah, kuwaasoo ciidammada gumaysiga Itoobiya lagaga
dilay in ka badan 270 askari, isla markaana lagaga furtay 53 Qori, oo 3
Qori oo waawayn ay ku jiraan. Waxaa sidoo kale ciidammada gumaysiga
dagaalladan lagaga gubay 5 Baabuur oo kuwa ciidammada qaada ah.
Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;
31/10/07
dagaal adag oo CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhex maray Dhanqa, oo
Fiiq ka tirsan, waxaa gumaysiga lagaga dilay 58 askari, waxaa sidoo kale
laga dhaawacay tiro kale oo badan. Ciidammadan ayaa wixii ka badbaaday
wuxuu firxadkoodii galay Fiiq iyo Baabili.
Isla 31/10/07
Irida, oo Dhuxun iyo Barmiilka u dhaxaysa, waxaa jid-gal loo sameeyay
kolonyo ciidammada gumaysiga, waxaana laga dilay 8 askari, 9 kalana waa
laga dhaawacay.
29/10/07
Duud-ciid, oo Qabridaharre ka tirsan, waxay CWXO ku gubeen hal baabuur
oo Uuraal ah oo ciidammada gumaysigu wateen, waxaana halkaas ku dhintay
in ka badan 50 askari oo baaburkaas saarnaa.
Isla 29/10/07 Haar-dhagax dagaal ka dhacay
waxaa 4 laga dilay ciidammo malleeshiya ah oo gumaysigu halkaas ku
ururiyay, waxaana laga dhaawacay 3 kale. Waxaa sidoo kale nolol lagu
qabtay 5 malleeshiyadaas ka tirsanaa, kuwaasoo la iska sii daayay.
Sidoo kale
29/10/07 Miir-Dhagaxley, oo degmada Dannood ka tirsan, waxaa weerar mir
ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas ku sugnaa,
waxaana loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
29/10/07
Haar-cad waxaa lagu weeraray malleeshiyo Dabaqoodhi ah oo gumaysigu
halkaas ku ururiyay, waxaana laga dilay 1, 3 kalana waa laga dhaawacay.
Waxaa sidoo kale laga ururiyay Qoryihii ay dadwaynaha ku dhibayeen.
26/10/07
dagaal ka dhacay Duud-buur, oo Garigo’an u dhaw, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 4 askari, waxaa sidoo kala lagaga dhaawacay 2
askari.
Isla 26/10/07
Darida, oo u dhaxaysa Barmiilka iyo Gasaangas, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga gubay hal Baabuur oo Uuraal ah, waxaana ku dhintay
dhammaan ciidammadii saarnaa 60 askari gaadhayay.
25/10/07
Cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga
eek u sugan Galaalshe, waxayna weerarkaas kaga dileen 6 askari, 8 kalana
way kaga dhaawaceen.
24/10/07
Dhaban-adhi, oo Fiiq ka tirsan, waxaa weerar mir ah loogu gaystay
ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas hawlgal u tagay, waxaana loo
gaystay khasaare aan faahfaahintiia la haynin.
Isla 24/10/07
Bashuuro, oo iyaduna Fiiq ka tirsan, waxaa sidoo kale lagu miray cidammo
gumaysigu leeyahay oo deegaankaas hawlgal u joogay, waxaana loo gaystay
khasaare aan faahfahintiisa la haynin.
16/10/07
dagaal isaguna CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhex maray Ciidadow,
oo Sagag ka tirsan, waxaa cadowga lagaga dilay 4 askari, 3 kalana waa
lagaga dhaawacay.
Dhinaca kale
dagaalladii badnaa ee gobolka Doollo ka dhacay intii u dhaxaysay 18 –
22/10/07 waxaa lagu dilay Kornaylkii ciidammada gumaysiga ee
dagaalladaas galay hoggaaminayay oo dhalashadiisu ahayd Tigree iyo ku
xigeenkiisii oo isaguna u dhashay shucuubta koonfureed, waxaana hawlgab
laga dhigay hal Guuto oo ciidammada gumayisga ka tirsan, sidaasna waxaan
ka soo xiganay ku xigeenka Hogganka Gaashaandhigga JWXO C/kariin Sh
Muuse. Warbixinta dagaalladaas oo faahfaahsan waxaad ku maqli doontaan
barnaamijka qaybihiisa denbe.
Waxyeelloyin gumaysigu u
gaystay dadwaynaha.
Ciidammada
nacabka ah ee gumayisga Itoobiya ayaa waxyeellooyin kala duwan u gaystay
dadwayne rayad ah oo ku sugan gobollo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid
ah.
20/10/07
Gudhis waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxdheen dadka kala ah;
1-
Bashiir Sh Maxamed
2-
Jamaal Maxamed Faarax. Labadan nin waxay ciidammada gumausigu u gaysteen
jdhdil ba’an
3-
Samsam Goobe
4-
Ruqiya Bashiir Aaden
5-
Muxumed Canshur
6-
Bashiir Aaden Gurey
7-
Ardo Fawsi Kidaad
8-
Faadumo Baddal Kamil
9-
Ruqiya Sh C/llahi
10-
Xaliimo Maxamed Mursal iyo
11-
Fardowsa bMaxamed Xuseen
18/10/07 Maakulle, oo Iimey ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku
xidhxidheen dadka kala ah,
1- Maxamed C/llahi Geeddi iyo
2- C/raxmaan Mukhtaar. Labadan nin waxay ciidammada gumaysigu midkiiba
ka dhaceen lacag gaadhaysa 2000 oo Bir.
Askar Itoobiyaan ah oo lagu
laayay Muqdisho
Ugu yaraan 5 askari oo Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay, tiro kalana ay ku
dhaawacmeen dagaallo jimcihii ka dhacay magaalada Muqdisho ee dalka
Soomaaliya. Dagaalladan ayaa dhex maray ciidammada gumaysatada Itoobiya
iyo kooxo hubaysan oo ka soo horjeeda gumaysiga Itoobiya.
Dagaalladan ayaa billowday aroornimadi hore ee jimcihii, ka dib markii
ay gumaysatada Itoobiya isku dayeen inay galaan qaybo k mid ah xaafadaha
Hodan, Hawl-wadag, Wardhiiglay iyo Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Kooxaha wadaniyiinta ah ee ka soo horjeeda gumaysatada Itoobiya ayaa
dagaallo xooggan kala yimid ciidammada maxaysatada ah ee Itoobiya.
Ciidammada Itoobiya waxaa sidoo kale lagula dagaallamay xaafado kale oo
Muqdisho ka tirsan, iyadoo khasaarooyin kala duwan loo gaystay
ciidammada Itoobiya. Dagaalladan ayaa la sheegayaa inay wali sit
eel-teel ah u soconayaan.
Maalimihii denbe oo dhan waxaa soo badanayay dagaallada la iskaga
caabiyayo ciidammada Itoobiya. Waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho
dhawaan ka dhacay bannaanbax wayn oo lagu diiddan yahay joogitaanka
ciidammada gumaysatada Itoobiya.
Qoraal ka digaya shirqoollada
gumaysiga oo Hooggaanka Warfaafintu soo saaray
Dagaalka u dhexeeya Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO iyo
taliska Addis Ababa ee Ururka TPLF hormudka ka yahay waa mid gobanimo
doon oo lagu raadinayo xornimada dalka Ogaadeenya, mana joogsaayo inta
uu dalkena gumaysigu haysto. Waxaad la socotaan in dagaalkani aanuu
ahayn mid hadda uun billowday ee uu yahay mid la fac-tirsaday jiritaanka
gumaysiga dalkeena haysta.
Wuxuu dagaalku billowday markii ugu hirraysay ee gumaysigu ciideenna
qaaliga ah cagaha soo dhigay. Marxalado kala duwan ayuuna soo maray,
maalinbana heer ayuu marayay, sida taariikhda lagu hayana marna maysan
dhicin in dadkeenu ay gumaysiga isu dhibaan oo xukunkiisa ogolaadaan.
Dagaalankii la soo kowsaday imaatinkii gumaysigu dalkena yimid wuxuu
hadda marayaa marxalad taariikheedkii ugu fiicnaa, waana markii ugu
horraysay qadiyadeenu aqoonsi caalami ah yeelato, iyadoo cidda u
adeegaysa ee maxfalada caalamiga ah la tagaysaa ay tahay dadkii u
dhashay ee ehelka u ahaa oo ka duulaya danta dadka iyo dalka Ogaadeenya
oo kaliya, kuwaasoo go’aan qaadashadooda u madaxbannaan oo ayna jirin
cid ay magan uga yihiin tusmaynta mustaqbalka siyaasadeed ee dalkooda.
Waxaan walaalayaal maanta leenahay cudud millatari oo awood ku
muquunisay ciidammada karkarka ah ee dalkeena lagu soo daabulay, isla
markaana xukuumadda gumaysatada Itoobiya ku qasbay inay dib ugu noqoto
xisaabaadkeedii ku aaddanaa dalkeena.
Waxaan walalayaal maanta yeelanay saaxiibo calami ah oo codkooda
caalamka aad looga ixitiraamo, kuwaasoo arrinteena u doodaya oo diyaar u
ah inay albaab walba u garaacaan.
Waxaan walaalayaal maanta leenahay siyaasad arrimo dibadeed oo taabbagal
ah taas horseeday in ugu denbayntii codkeena la dhagaysto oo
cabashadeena loo kuur-galo. Waxaa maalinba maalinta ka danbaysa soo
badanaya codadka caalamiga ah ee dalbaya in dadwaynaha Ogaadeenya
xaqooda loo oggolado oo cadaadiska laga daayo. Waxaa maalinba maalinta
ka danbaysa cidhiidhi sii galaya siyaasadihii beenta iyo dhagarta ku
dhisnaa ee gumaysiga Itoobiya inugula dhaqmi jiray ee beesha caalamka ka
dhaadhicin jiray.
Waxaa badi caalamka hadda u cadaatay in Itoobiya ay been aan jirin
dunida ku akhrido, si ay taageero ugu hesho xasuuqa iyo tacaddiyada ay
ku hayso dadwaynaha aan waxba galabsanin ee Ogaadeenya. Waxay dowladaha
adduunku badi go’aansadeen inay Itoobiya kala xisaabtamaan denbiyada ay
ka gasho shacbiga Ogaadeenya iyo shucuubta kale ee ku hoos-nool, waxayna
intooda badan joojiyeen taageerooyinkii dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay u
fidin jireen.
Maraykanka oo ugu denbeeyay waxaad la socotaan doodaha hadda ka socda oo
ah in la joojiyo dhammaanba waxa dhaqaala ah ee Maraykanku Itoobiya
siiyo. Qorshaha hadda Baaralaanka Maraykanka horyaalla waxaa xataa ku
jira in madaxda Itoobiya laga mamnuco inay Maraykanka booqasho ku tagaan
iyo in maxkamad la soo saaro saraakisha iyo masuuliyiinta Itoobiya e ka
denbeeya xasuuqa Ogaadeenya. Haddii uu Baarlamaanka Maraykanku qorshahan
ansixiyo waa guul kale oo u soo dheelmatay shacbiga dulman ee
Ogaadeenya, ayna u horseeday siyaada toolmoon ee JWXO.
Haddaba walaalayaal markii guuldarradan dhinac walba ah, dhinac
millatari iyo dhinac siyaasadeed, wuxuu gumaysigu billaabay qorshayaal
ku qotoma maahmaahdii soomaaliyeed ee ahayd ”Neef gawracani Geed kama
waabto”, wuxuuna fulinayaa xasuuqa iyo tacaddiga aad ka wada aragtaan.
Qorshayaasha uu gumasigu xilligan ku guda jiro waxaa ka mid ah inuu
abuuro ciidammo malleeshiyo ah oo nasiya ciidammadiisa lagu jabiyay
dagaalka Ogaadeenya. Wuxuu ku talajiraa inuu degmo walba oo dalkena ka
mid ah ka sameeyo ciidammo malleeshiyo ah. Samaynta ciidammadaas waxaa
loo adeegsanayaa qaar sheegayana inay bulshadeena ka mid yihiin.
Walaalayaal tallaabadani ma aha mid shacabkeena ku cusub, waxaana
aaminsahanay inuu ugu fashilmi doono sidii uu ugu fashilmay kuwii ka
horreeyay ee uu isku dayay inuu hadda ka hor dadkeena ku fuliyo.
Laakiin waxaa bulshada Ogaadeenya looga baahan yahay inay fahmaan oo ka
hortagaan shirqoolkan cadowgu u maleegayo. Waxaa looga baahan yahay inay
u dhabar adaygaan dhibaatooyinka uu gumaysigu u gaysanayo, isla markaana
ogaadaan in maanta la marayo marxalad kala-guur ah oo loo baahan yahay
in la isa sii raaciyo taliskan sii liicaya.
Walaalayaal gumaysigu si
fiican ayuu u garanayaa in malleeshiyo shacabka laga soo ururiyay ayna u
babac-dhigi Karin ciidammadii uu isagu u babac-dhigi kari waayay,
laakiin wuxuu arrintan uga jeedaa oo kaliya inuu ugu raad-gado xasuuqa
uu dadwaynaha u gaysanayo iyo inuu gundhig u sameeyo siyaasada cusub ee
uu doonayo inuu beec-geeyo oo ah in dagaalka Ogaadeenya ka socda uu u
dhexeeyo CWXO iyo Malleeshiyooyin u dhashay shacabka Ogaadeenya.
Walaalayaal waxaa la inooga baahan yahay inaan aanadeena gudano oo aan
cadowga la dagaallano, shirqoollada uu dhigayana aan fashilino. Ma jirto
tuulo ama magaalo Ogaadeenya ka mid ah oo ayna oollin Raqda ruux ama dad
aynu jeclayn oo gumaysigu inaga dilay. Ma jiro qoys Ogaadeenya u dhashay
oo aanuu gumaysigu dhibaato u gaysanin.
Dadkeena ayuu
guaysigu xisaab la’aan laayaa. Gabdhaheena ayuu xishood la’aan kufsadaa.
Xolaheena xaqdarro ku qaataa. Xuquuqdeenii oo dhan ayuu duudsiyay.
Haddii aan amarkiisa raacno iyo haddii aan diidno midna isuma keen
dhaanto. Mar walba waa kan ina gumeeya ee filkeen inaga reeba,
cadowgeenana inoo jabiya, sidaas darteed mar haddii aan wax faa’iido ah
laga gaadhaynin u-adeeggiisa, sow caqli iyo damiir xumo ma aha waxaad
ugu adeegtaa. Adduun iyo Aakhiro midna kuuma roona. Adduun waa adigoo
maatidadaada qalan xabbadii xaqluhu ha kugu dhacdo ama xabbadii
gumaysigu ha kugu dhacdo, Aakhirana waa Naartii ku waar.
Sidaas
darteed waxaan dadwaynaha sharafta leh ee Ogaadeenya ugu baaqaynaa inay
shirqoolkaas ka hortagaan, oo iska qabtaan dadka damiir laawayaasha ah
ee cadowga u adeegaya ee isku dayaya inay ka qayb qaataan samaynta
malleeshiyooyinka Dabaqoodhiga. Waxaan waxgaradka iyo Odayaashaba ugu
baaqaynaa inay arrintaas ka hortagaan oo CWXO ku so wareejiyaan
shakhsiyaadka ay falalkaas ka kari waayaan.
CWXO waxay
tallaabo aan naxariis lahayn ka qaadi doonaan qof kasta oo si dedban ama
si toos ah uga qayb qaata fulinta siyaasadaha gumamysigu ku shirqoolayo
shacbiga.
Hogganka
Warfaafinta JWXO
03 Nov. 2007
03
November 2007
Axmed Gaal-Eri
Radio
Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay
9445 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari