“Jixinjix yaan aqoon, Huwantu yey taqaan, Dantiis
Mooge waa kuma?”
Isjiidjiid badan, iskadaba
yaac, fara isku taag iyo isku goodin mudo socotay kadib waxay kooxda uu
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Kabtanka u yahay ku guuleysteen in shaaftadii ay
la doonayeen Weeraryahan Cali Max’ed Geedi la helaan oo ay dhulka la
dhigaan, isla markaana uu iska tiriyo xilkii uu mudaba isku dhejinayey sidii
uu meel cidlaa ka helay oo uusan cidna uga haybeysaneen.
Aragtiyo kala duwan ayaa laga
bixiyey iscasilaada Ra’isul Wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Cali
Max’ed Geedi, u kuurgalayaasha Siyaasadda qaarkood ayaa hoosta ka xariiqay
in Cali Max’ed Geedi la karkariyey oo awood iyo muruq looga xayuubiyey xilka
Ra’isul Wasaarenimo oo dadka taariikhdiisa yaqaan sheegeen in uu mudo ku
taami jiray, halka kuwo kale carabka ku dhifteen in Boorso aan la sheegi
karin waxa ku jiray Cali hoosta looga dhiibay, loona raaciyey “Iyadaa kugu
fiican ee aysan ku dhaafin, xilkana waajibaadkiisii iyo qaacidadii laga
doonayey waad gudan weyday, imtixaankii lagaa qaadanay buundadii loo baahnaa
kuma aadan guuleysan, balse waxaan abaalmarin kaaga dhigeynaa in natiijada
aad la timid kistaan kaaga filnaato’, haddii la isku soo xooriyo fikirka
dadka, waxa uu ku soo biyo shubanaa in Cali Max’ed Geedi noqon waayey
rabaayad, awaamiirtii la siiyeyna qaarkood laad ku dhiftay, inkastoo in
badan ayiday.
Markii Cali Max’ed Geedi booska
faarujiyey, waxaa soo muuqday madaxyo badan oo dadka looga dhex jeedo,
kuwaas oo ku tartamaya qabashada xilka banaan, waxayna qaarkood bilaabeen
inay wax ka sii akhriyaan awaamiirta looga baahan yahay qabtaha jagadaan,
qaar badan ayaa isku arkay in iyagu yihiinba kuwa ka bixi kara Qaacidada
looga fadhiyo, qaarkood horey waxay ka bilaabeen in ay hordhac sii
sameystaan, “Dowlad diid weeye, nabad diidayaal ayaa jira, waa ururo
argagixiso, waxayna gacan ka helaan Argagixisada Caalamiga ah, ilaa talaabo
laga qaadana arrinku ma hagaagayo” ayay qaarkood ku celceliyaan, iyaga oo
isku dabaqaya Qaacida kore oo ciddii ka shaqeysaa tahay midda leh mudnaanta
koowaad inkastoo natiijada dambe haddii aad qalado adigana lagu qadlayo.
Koox ka qaxweyneysay Maqaaxi,
koob koob qaxwo ahna u shubnaa ayaa sheekadoodu ku saleysneed siyaadda lagu
qaxweeyo, nin ka mid raggii meesha fadhiyey ayaa mar qura la soo booday
“Waryaara hee shalay Cali Max’ed Geedi ayay la gadoontay doonidii uu
maalmahan qarka ka saarnaa”, intaa markii uu marsiinayo ayaa mid kale ka
dhex galay oo yiri “Ninkaagaan waxaan kugu nacay, faham xumida, oo miyaad
markii horeba ogeyn in Cali meesha uusan waxba ku hayn?”, Su’aasha intuusan
kii hore ka jawaabin ayaa nin odey ahaa hadalkii qaatay oo yiri “Waa adiga
ninkan canaanayee, waxaan ku weydiiyey maxaad ka ogeed in Cali doonta la
dhaceyso?”, waxa uuna ku jawaabay “Taa miyaa wax adag ah, Cali Xisaabtii la
soo siiyey ee Arrimaha Soomaaliya dawgii loo mari lahaa ayuu qalday, haddana
waa sidaasoo ninkii isna yiraahda xilkaas ayaan qabanayaa laga doonayo
dawgaa oo kale” “Maxay tahay dawga ama qaacida aad sheegeyso in laga
doonayey ama laga doonayo ragga doon doonaya jagadaas?” ayay Odayaashii
goobta fadhiyey weydiiyeen ninkii hadalkaasi markii hore ay ka soo maaxatay,
waxa uuna ku jawabaay.
“Kooxda Soomaali leexsatay, ee
Ameerikaan Guddoomiyaha u yahay, Itoobiyana tababaraha u tahay, C/llaahina
Kabtanka u yahay, qofka jagadaasi loo magacaabayo waxaa loo fiiriyaa in uu
raaco qaacido ay dejiyeen oo xitaa Kabtanka qudhiisa lagu saleeyey, taas oo
ah ‘Jixinjix yaan aqoon, Huwantu yey taqaan, Dantiis mooge Waakuma?’.
Raggii goobta fadhiyey ayaa ka
codsaday in ninkaasi hadalka u kala qaado oo si ay fahmi karaan wax ugu
sheego, waxa uuna isaga oo sharaxa yiri “musharaxa xilkaasi waa in uu noqdaa
qof aan damqan, awaamiirta la siiyana fuliya, xitaa dhiig daadinta aan ka
nixin, oo noqon kara ma jixinjixe, tan labaad waa in gudddoomiyaha kooxda
iyo tababaruhu si wanaagsan u yaqaanaan weeraryahanka ay dooranayaan, tan
saddexaad waa in uu yahay caloshii la cayaar, meel isaga xira cid kale iyo
waxa ay dooneyso, oo xitaa waxa hadakiisu yahay aan shariixi Karin, waxna
aan ka dhegeysan cid aan aheyn madaxdiisa, ee haddaba waxaa la idinka
doonayaa in qofkaasi cidda uu noqon karo sheegtaan, qaxwada saakay aniga
ayaa bixinayee”.
Indhaha ayaa laga
mirigmirigsiiyey, laysna wada fiiriyey, cid kastana meel ayay u saarisay
jawaabteeda, waxayse doodoodii isugu soo biyo shubatay in lagu wada duceysto
in shaqsi sifo noocaas oo kale ah leh alle gacanta u gelin.
Dhanka kale Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf ayaa la sheegayaa in lagu cadaadinayo in Baarlamaanka meel ka baxsan
uu ka soo magacaabo xilka Ra’isul Wasaarenimo, waxaana la isweydiinayaa “Ma
baarlamaanka dhexdiisa ayaa laga waayey qof leh qaacida kor ku xusan, mise
waxaa la baadi goobayaa mid isagu qaacidaba wax ku darsada oo laga qayliyo”
siday noqotaaba waxaa la wada sugayaa waxa soo baxa.
W/Q :C/raxmaan Max’ed Aadan (Dirham)
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 4, 2007


|