Dood Diineedka Abu
Ciise iyo Umu Bakar..
WAA MAXAY FARQIGA
U DHEXEEYA CAALIMKA IYO JAAHILKA SOOMAALIYEED?!
Umu Yaasir,
E-mail:
firdowsabdi@yahoo.com
BISMILLAAHI RAXMAANI
RAXIIM
ASALAAMU CALEYKUM
WARAXMATULLAAHI WA BARAKATUHU
Salaantan kore ka dib
waxaan ka mid ahay Soomaalida sida aadka ah u booqda website-kan
SomaliTalk, kaasoo runtii aan u arko mid macluumaad wax ku ool ah
Soomaalida u soo gudbiya, anigoo u mahadcelinaya maamulka websiteka, iyo
macaamiishaba.
Sida aad la socotiinba
intii muddo ah waxaa website-ka ka socotay dood diineed ay
hogaaminayeen, gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Umu Bakar iyo wiil
Soomaaliyeed oo isna magaciisa la dhaho Abu Cisa, waxaa gadaal doodii ku
soo biiray dad badan sida: Xasan Wadaad, Abdirahmaan, Abu Xazaam, iyo
Nuuro iyo saaxiibadeed. Qodobka dooddu ku fadhiday wuxuu ahaa MAGTA ama
DIYADA DUMARKA.
Doodda waxaa ka qaybqaatay
dad fara badan iyadoo qoloba meel ku dhufatay, waxaanan jeclahay inaan
dhowr meelood ka taabto:
-
Diinku waa Waano:
(waxaa weriyay: Muslim) oraahdani waa xadiis nabiga ka
sugnaaday csw, waxaana suubbanuhu noo sheegay in diinku uu sidiisaba
cid walba waano u yahay, taas oo macnaheedu yahay qofkii xaq raba
inuu diinkan ku waansamayo, ku qancayo oo uu anfacayo, Allahna
diinkeenna dhexdiisa ma yeelin wax xaraj iyo dhib ah. Sidoo kale
aayad qur’aan ah Allah wuxuu ku yiri:{cilmiga laydinkama siin
illaa wax yar mooyee}(suuradda Israa’, Aayadda:85); sidaas
darteed waxaan naftayda iyo tiinnaba u dardaarmayaa inaanan ku
kadsoomin waxa yar ee aan garanayno oo ayna sabab noogu noqon inaan
danbi xanbaarsanno, waana in nalaka helaa xuduuc iyo liidid aan Alle
isku dullaynayno, oo aan xasuusannaa qowlkii Alle ee ahaa “Mid
kasta oo cilmi u saaxiib ahba caalim baa ka sarreeya (yacni mid
ka cilmi badan)”. suuradda Yuusuf, aayadda: 76
-
Doodda: dooddu
sideedaba ma ammaanna haddaysan aheyn middii wanaagsaneyd, taasoo ah
in xaq laysku gaarsiiyo, Allah wuxuu yiri isagoo rasuulkiisa la
hadlaya: “Ha la doodin ehlu kitaabka illaa tii wanaagsaneyd
mooyee”,(Suuradda Al Cankabuut, Aayadda: 46) dhammaanteenna
waxaa nalaga doonayaa inaan qodobkaas ka duulno, oo aanay dooddeennu
naga noqon inaan dadka tusno inaan wax naqaan, ama fasaaxo leenahay.
Sidoo kale, waxaa waajib ah in marka xaqu caddaado aan wada qanacno
haddii aan doodda ku guulaysannay iyo haddii kaleba, oo aan meesha
canaad imaan, maxaa yeelay ujeedadeennu waxay aheyd xaq doon.
-
Asluubka Doodda:
Mar haddii dooddeennu ay tahay tii wanaagsaneyd, waxay labada
darafba doonayaan in xaqu iftiimo, sidaas darteed waa in la
daraaseeyo mowduuca laga doodayo, qolo walibana ay la timaaddo wixii
ay xujo iyo burhaan hayso si ay ugu sugto mad-habkeeda, halkan dood
cilmiyeedka xaqdoonka ah waxaa ka mamnuuc ah in shakhsiyaadka loo
gudbo ama aflagaaddo iyo jaai’fo laysku gaysto. waa in aan waajahno
masalada laga doodayo ee aan shakhsiyada qofka, xajmiga caqligiisa
iyo cilmigiisaba aan la jaraaxeeyn.
-
Dhexdhexaadiyaal
lagu kalsoon yahay: Dabcan dadka dunida ku
nooli ma wada sinna oo Allah baa dadka kala faddilay, sidaas
darteed, haddii ay labada daraf xaqdoon yihiin isla markaana ay is
qancin waayeen, markaas waa in la helaa daraf 3aad oo ka
mid ah dadka loo yaqaan: (Ahlul Xal Wal Caqdi), iyadoo mar
walba la fiirinayo cidda takhasuska u leh mowduuca laga doodayo isla
markaana bulshada meeshaas ku dhaqani ay ictiraafsan tahay. iftada
ay soo saaraan dhex-dhexaadiyaashu ayaa noqonaysa midda loo
gudbinayo dadweynaha isla markaana ay ku qancayaan dadkii dood
cilmiyeedka ka qaybqaatay.
Hadaba haddii aan dib u
jalleecno dooddii ku saabsaneyd Magta ama Diyada haweenka
ee dhexmartay Umu Bakar iyo Abu Cise, inkastoo aayaado, axaadiis iyo
aathaar fara badan la soo arooriyay hadana waxaad dareemaysaa in uu
xaalku u ekaa: (114 qur’aankaan aqaan, waa haddaan kaa akhristo baa
ku filan!), gaar ahaan asluubka doodda oo u muuqday mid mararka qaar
faraha ka baxayay, taasina waxay igu dhalisay inaan is weydiiyo su’aalo
fara badan sida:
-
Waa maxay farqiga u
dhexeeya caalimka iyo jaahilka Soomaaliyeed?
-
Miyaanay jirin hab
kale oo aan wax isaga dhaadhicin karno inaan is aflagaaddayno
mooyee?
-
Muxuu cilmigu u anfici
waayey Soomaalida? haddii dadkii wax garanayayey ee la rabay in
ayaga laga barto sida masaa’isha looga doodo si caafimaad qabta, ay
sidan u dhaqmayaan sidee buu noqonayaa xaalka dadkeenna caammada
ah???!!!.
Waxaan la yaabay dadka
Soomaalida ah haddii ay arrin isku qabtaan xaalkoodu waa un labo
arrimood middood:
-
Haddii ay isku dhow
yihiin waa in ay is feeraan.
-
Haddii ay kala fog
yihiinna waa in ay is afla gaaddeeyaan!!! sababta anigu ma garanayo.
In kastoo ay jireen dad si
caafimaad qabta doodda uga qeybqaatay haddana kuma farxin sidii ay dadka
qaar u hadleen, tusaale ahaan: Abu Cise; waxaan u soo jeedinayaa in uu
is dajiyo, dib isugu noqdo isla markaana xaqa uu sheegayo uu si asluub
leh u gudbiyo.
Sidoo kale walaashey Umu
Bakar, waxaan leeyahay waa loo baahan yahay in gabdhuhu wax bartaan lana
helo haween daaciyaad ama culumo ah oo wax bara dumarka Soomaaliyeed,
lana baabi’iyo maahmaahda ah (Waxaasu waa habar tukatay!)1
Balse hadana waxaa loo baahan yahay in mad-habka aan ku doodayno ay
jirto cid sheekh noogu ah, tusaale ahaan ma jiro qof laga yeelayo
diinkan ayaan fahmayaa faham aniga ii gaar ah, balse waxaan ku khasban
nahay in diinkaan aan u fahamno sidii ay u fahmeen saxaabadii,
taabiciyiintii iyo salafkii ummaddaan, kuwaasoo nabigu csw, ka
dardaarmay in sunnadooda la qabsado, waxaan Umu Bakar ku diidanahay
hadal dooddeeda ku jiray oo ahaa (anigu Sheekh ama Daaci wax kama soo
naqliyo!) waa haddii aanan khalad u fahmin hadalkaas.
Sida aan ognahayna waxaa
jira masaa’il fara badan oo furuuc ah oo culumadu ku kala ra’yi duwan
yihiin, taasoo salka ku haysa fahamkii ay saxaabada iyo salafku nusuusta
u kala fahmeen ama ijtihaadkii ay ijtihaadeen, arrimahaas intooda
badanina waa raxmad oo ma jirto cid la eedaynayo inta ay caddahay cidda
ra’yiga la wadaagta ama ay uga dayanayaan; balse arrintan DIYADU waa mid
khaas ah, masaa’isha sidan oo kale ahna waxaa ila qumman inaan qaadanno
mad-habka jamhuurka iyo sida xoogga badan ee mash-huurka
ah, loona badan yahay.
Sidoo kale Nuuro iyo
saaxiibbadeed, waxaan leeyahay: arrinta ha fogeynina, hana oogina dagaal
Rag iyo Dumar ah, balse wax barta oo cilmiga ka qaata halka ay raggu ka
soo qaateen. (Culumada Waaweyn).
Ugu danbeyn, anigu ma soo
guurinayo aayaad ama axaadiis kale, waxaanse soo jeedinayaa in arrintan
lagu xalliyo sidan:
Haddii aan nahay shacabka
Soomaaliyeed waxaan leennahay culumo cilmiga na soo gaarsiisay kuwaasoo
(Allaha xifdiyee) maanta aan fatwadooda heli karno waxaan ka xusi karaa:
Sheekh Shariif Cabdi Nuur, Sheekh Maxamed Nuur Qawi, Sheekh Cumar
Faaruuq, Sheekh Maxamed Cabdi Ummal, Sheekh Cumar Iimaan iyo kuwa kale
oo fara badan oo aanan halkan magacyadooda ku soo koobi karin.
sidaas darteed waxaan
arkaa in culumadaas laga codsado in ay dhammaanteen masaladan naga
qanciyaan sidaasna aan isku wada cafinno annagoo walaalo ah.
ALLAHA XAQA NOO WADA
IFIYO…
Umu Yaasir,
E-mail:
firdowsabdi@yahoo.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan