Soomaali Kor u Dhaafaysa 50 Oo Laga Soo Qabtay
Dalka Turkiga Dibna Loogu Soo Celiyey Suuriya.
Dimishiq: Iyadoo
muddooyinkii ugu danbeyey 17sano ee aynu ka soo gudubnay dalka suuriya
ahaa marinka ay Soomaali badan ka galaan dalalka Yurub iyaga oo sii dhex
maraya dalka Turkiga ,soomaali badan oo maanta daafaha aduunka ku kala
noolina Marinkoodu halkaas ayaa ahaa ayaa waxa muddooyinka soo badanaya
dadka soomaaliyed ee laga soo qabanayo xuduudaha dalalka suuriya iyo
turkiga.
Dhacdadan Ugu danbaysay
oo lagu soo qabtay dad gaadhay 70 qof ayaa ka duwanayd siyaabihii hore
ee dadka lagu soo qaban jiray marka ay xadka ka gudbayaan oo
Muhaajiriinta inta badan la soo qaban jiray marka ay xadka Suuriya ka
gudbayaan, iyada oo qofka ka gudba xadka Suuriya ee markaa u talaabo
dalka Turkiga uu hore u sii wadan jiray xataa haddii la qabto oo muddo
kooban lagu hayn jiray xabsiga Turkiga, lana siidayn jiray.
Soomaalida badankooda
ayaa sheegan jiray in ay ka soo talaabaan dalka Ciraaq oo ay markaasi
adkayd in dib loogu celiyo, waxaa hadda dhacdadan lagu qabtay Soomaalida
tirada badan ka danbaysa markii dalka Ciraaq xuduuda uu la laeeyahay
Dalka Turkiga aad loo adkeeyey taas oo ay sababtay Dagaalka ka dhex
qarxay Ururka mucaardka ee kurdida iyo ciidanka dalka Turkiya, aadna loo
ga warhayo dadka ka soo talaaba iyo wixii markaas dhadhaqaaq socda
xuduuda laba dal.
Waxaana la ogaaday in
dadkani badankoodu ka soo Talabeen dalka Suuriya taas oo keentay in
gudaha dalka Turkiga dhamaantood laga soo celiyey, waxaa iyaduna
ayaamahan xidhiidhkoodii hagaajiyey labada dale ee Suuriya iyo Turkiga
oo aad uga wada hadlay adkaynta xuduudaha laba dal, ka dib booqasho uu
madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Al-Asad ku tagey dalka Turkiga.
Dhinaca kale guddoomiyaha
Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Suuriya C/raxmaan Aadan Cali ayaa
saxaafadda u sheegay in dadkan qayb ka mid ah magacyadooda la hayo,
xaaladooda Caafimaadna ay wanaagsan tahay, ayna jiraan qaybo kale oo la
soo wado iyagana , waxayna dhamaantood haatan ku sugan yihiin xabsiyada
dalka suuriya, waxaana dadkan dib loogu celinayaa dalka Soomaaliya.
Wuxuuna intaas ku daray
in dadkan badankoodu ay yihiin dadkii ka soo barakacay dagaalada
Muqdisho ka socda oo intooda badanina ay yihiin dhalinyaradii
Muqdisho,waxaana uu sheegay in dadkan aan laga soo saari Karin xabsiyada
, dhibaatana ay ka haysato dadka qaraabada u ah dadkan xidhxidhan oo
iyagu raadinaya in dadkan aan suuriya la dhaafin oo la soo dayo, taasina
ay adag tahay, dalka suuriyana qofka tahiirabaa uu ka yahay danbiile,
maxkamadna la soo taago farahana laga qaadayo dalkana laga masaafurinay,
muddo shan sano ahna aanu dib u soo gali Karin.
-
C/wali Cali Cusmaan
-
Maxmuud Cabdi Maxmed
-
Maxmuud xasan Cali
-
C/qaadir Cumar Saalax
-
Farxaan C/qaadir
-
Maxmed Ibraahim Maxmed
Xasan
-
C/qani Ibraahim Muumin
-
Maxmed C/laahi Maxmed
-
C/laahi Xuseen Caddaawe.
-
Ciise Maxmuud Nuur
-
C/raxmaan Xuseen Xirsi
-
C/wahaab Maxmed Cusmaan
-
Cumar maxmuud C/laahi
-
Maxmed cabdi Maxmed
-
C/qaadir Ciise Xuseen
-
Yuusuf C/qaadir maxmed
-
Yuusuf Sh. XUseen
-
Cartan Maxmuud Abuukar
-
C/fataax AXmed Ciid
-
C/laahi maxmuud IBraahim
-
Abuubakar Maxmed Xasan
-
Xasan Aadan Mukhtaar
-
Xuseen Maxmed Cali
-
Xasan Cumar IBraahim
-
Cali Cabdi C/laahi
-
AXmed Cadow Axmed
-
Axmed macalin Maxmuud
-
IBraahim Xuseen Maxmuud.
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 4, 2007


|