WARBIXIN IYO SAWIRO KU SAABSAN XAFLAD
ARDEY SOOMAALIYEED OO KA QALIN JABISAY JAAMCAD KU TAALA
WADANKA BANGLADESH
Xafalad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu
gudoonsiinayo shahaadooyin ardaydii dhamaysatay
waxbarashadoodii jaamacadoodeed ayaa lagu qabtay hoolka
jaamacada islaamiga ee culuumta tiknoolajiyada( Islamic
University of Technolochy oo hoostimaada organization of the
Islamic conference (OIC).
Jaamacadani waxa la aas aasay sanadkii 1981 waxaana
ay tahay midhihii ka soobaxay kulankii sagaalaad ee
wasiirada arimaha dibada ee dalalka islaamka ay ku yeesheen
magaalada dhakaar ee dalka senegal
dhagixii u horeeyayna waxa dhigay madaxwaynihii xiligaas
talada dalka bangladhesh hayay Mr ziaur Rahman
Jaamacadani waxa ay leedahay qaybaha kala duwan ee
culuumta tiknoolajiyada sida
Computer science and information technology. (CIT)
Machincal and chemical engineering . (EEE)
Electrical and electronic engineering. (EEE)
Waxana ay bixisaa heerka kala duwan ee waxbarasho sida
higher diploma,BS.C, master ilaa doctrate ama Phd
Si kastaba ha ahaate waxa ay u ahayd maalin sifo
iyo farxad huwan ardaydii ka qalin jabisay jaamacada
islaamiga ee culuumta tignoolajiyada (IUT)ee dalka
bangladesh,

ardayda qalinjabisay waxaa kamid ahaa arday
soomaaliyeed oo gaarayso ilaa lix (6) arday kuwaasi oo
dhameeystay kuliyado kala duwan sida kuliyadda electrical
and electronic engineering iyo computer science and
engineering,
ardaydan oo magacyadoodu kala yihiin
1-eng.maxamed cusmaan harun (bashar )
2-eng cabdale ahmed farax
3-eng. Hashim cabdulaahi cabdi
4-eng. Axmed maxamed cumar
5-eng. Ismaciil bille xasan
6-eng. Ciise xasan sh.nuur

Waana dufcadii ugu badneed oo
Somali ah kaqalin jabisa jaamacadaan iyadoo lafilaya sanadka
soo socda ay sii bataan ardayda soomaliyeed ee kaqali
jabineesa Islamic university of technology (IUT).
Waxaa xafladaasi kasoo qaybgalay
madaxda ugu sareeysa Bangladesh sida madaxweeynaha ,
wasiiro iyo xildhibaano sidoo kale madax kasocoto shirka
wadadama islaamka (OIC), waliba safiiro badan sida safiirka
iraan,maser,turkiga, sacuudiga,malaysiya,Pakistan
kamaroon,marooko ,qunsulka jabuuti iyo safiiro kale oo
farabadan, iyo madax kasocota jaamacadaha dalkan,

Ugu horeeyntii waxaa xafladda warbixin
dheer kasoo jeediyay gudoomiyaha jaamacada Islamic
university of technology (IUT) Prof.Dr. Mohamed fazli Ilahi
oo si faah faahsan ugu sheegay dadkii kasoo qaybgalay
waxqabadka jaamacadda iyo hoowsha dheer ay usoo galeen in ay
soo saaraan dufcadi 21aad ee ka qalinjabisay jamacadaan
(IUT).
Sidoo kale waxa qudbad kajeediyay
wakiilka ururka islaamka kasocday ee (OIC)
Prof.Dr.Ekmeleddin Ihsanoglu isaga oo amaan badan u jeediyay
maalmulka jaamacada sida ay ugu soo baxeen hawshii loo
igmaday,ardaydana ku booriyay aqoonta sobabtoo ah waxa uu
yidhi “waxbarasho iyo cilmigu waxa uu aadamiga siiyaa
karaamo, sharaf , horumar iyo nolol fiican”.
Mar qura waxa sacab iyo sawaxan
lagu soodhaweeyay hogaanka sare ee talada dalkan haya
Dr.Fakhruddin Ahmed,

Dr.Fakhruddin waxa uu si diiran ugu
hambalyeeyay ardaydii qalinjabisay wxaan uu yidhi,” manta
waa maalin xusid iyo taariikhi ah waayo waxa aad si guul iyo
farxad leh u dhamaystirteen qayb kamida heerarka noloshiina
,waa hubaal in aad ka kala timaadeen wadama muslim ah oo
kale duwan idinka oo niyad wanaag huwanaa, waxa aad sidoo
kalana ka faa iidaysateen aqoonta ku laaban dhaqanadiina iyo
afafkiina kala duwan isaga oo hadalka sii wata waxa uu
wadama islaamka ku booriyay in ay iskaashadaan,sida
midaysanna ugu shaqeeyaan hurumarinta dhalinyara islaamka,
Ugu danbeeyntii waxaa
hadalgaaban jeediyay arday kamid ah ardayda soomaaliyeed
Eng:maxamed cusmaan haarun(Bashar) una hadlayay ardayda
qalin jabisay ayaa waxaa uu aad ugu mahadceliyay maamulka
jaamacadda ,macalimiinta wax soo bartay iyo ururka islaamka
(OIC) suurta galiyay in aan waxbarashadeena si nabad ah ku
dhameesano iyo cid walba oo wax soo tartay ardaydaan waxaa
kaloo uu yiri bashar waxaan aan baranay waxaan ubaranay in
aan wax ugu qabano umada islaamka ah iyo shacbiga
soomaaliyeed.

Xafladaan waxaa ay kusoo gabagaboowday
jawi degan oo farxadeesan iyo isu hambalyeen dhexmartay
ardayda oo dhan iyo wadan walba ardaydiisa oo cayaarayay
cayaaraha hidaha iyo dhaqanka dalkiisa.
W/Q: Qadar Hassan Salad (qadar335@hotmail.com)
Dhanka camerada waa: Khaddar Cabdi
Qeyre

waa wariye: Qadar hasan