SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

XABASHI RAACDAYSI (GABAY) 

Bismillaahi raxmaani raxiim. Maansadan yar waxa allifay Maxamed Xirsi Guuleed. Waxay soo baxday 2007-10-29. Ujeedadu waa in aanu hadafku ka lumin shacabka soomaaliyeed ee muslinka ah ee iska dhicinaya hororka diin la dirirka ah ee ay la tacaalayaan. Haddana ujeedadu waa in halgamayaasha loo iftiimiyo mawqifka ay iska taagayaan khilaafka ka dhex aloosan kooxda dabadhilifka ah ee reer Imbigaati. Wuxu yidhi: 

  1. Marka hore waxaan raacsanahay xabashi raacdayska

  2. Iyo reer Yugaandhaha dulmiga ugu rafiiqaaya

  3. Marka xigana waxan raacsanahay Geeddi rididiisa

  4. Marka xigana waxan raacsanahay tii rabbay noqone

  5. Raran iyo cadaab lagu dul rogo raxanta yey raacsan

  6. Sida Eey rabbaayada kuwaa xabashidow rooray

  7. Ee rugo nabdoonaa ka dhigay goob raq iyo mayda

  8. Rabbigii na uuntiyo kuwaa rixin islaam gooyey

  9. Ee rixiya goortay maqlaan eheludiin riiqday

  10. Reray weeye ay reer galbeed rubucyo siisteene

  11. Raxmaddiisa iyo eebeheen raaxo haw miyo eh

  12. Rah maroodi lagu joojiyoo reeban bay noqone

  13. Ruclo orod ayaa lagu qabqaban way rawaxayaane

  14. Dadkii raacsanaayoow haddeer raajac baa furane

  15. Rabbi tawba dhaha raalligelin Raasiqaa mudane !!

  16.  

  17. Rayrayni way soo dhawdahay lala rax leeyaaye

  18. Riyadii shacbigu ay qabeen badi run weeyaane

  19. Al-shabaabkii lama raagsanine waa kuwa ridaye

  20. Nimankii rogaal celin ogaa raadki waw baxaye

  21. Waxay rasaasta ugu beegmayaan inaynu raacnaaye

  22. Ha la riixo cadowgeeni wuu sii rawaxayaaye !

 

Maxamed Xirsi Guuleed

abdibashir@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan wxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 2, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com