Jawaabta DDP (Darwiish Democratic Party)
Waxa beryahanba soo baxayey niman ku hanjabaya mareegaha waxana
ay sheegtaan in ay masuul ka yihiin SSC kuwaas oo aan aad ugu qoslo kolka aan
akhriyayo, waxana aan maanta doonayaa bal in aan akhristayaasha u sharxo waxa uu
ka kooban yahay SSC oo ah riyada odeyga saxarada lagaga qaado guriga
madaxtooyada ee Baydhabo.
S- ta hore waxa ay ka taagan tahay Sanaag
dhamaan dadka soomaaliyeed waxa ay garanayaan golbolka sanaag magaalo madaxdiisa
waxana weeye magaalada Ceerigaabo.
S- ta xigtaa waxa weeye gobolka Sool waxana magaalo madax u ah
Laascaanood oo hadda ay gacanta ku hayaan ciidamada Somaliland.
C- ta waa gobol ay sameeyeen oo aan jirin waana Cayn, gobolkaas waxa magaalo
madax u ah Buuhoodle, ku xigeena Caynaba waa riyo kale labadaas magaalo midi
waxa ay ka tirsan tahay Togdheer waa Buuhoodlee ta kalena waxay ka tirsan tahay
Sool waxana labada magaalaba ka taliya Somaliland.
Halkaas waxa aad ka aragtaa in aanay magaalana gacanta ku hayn reer
majeerteeniya , waxana aad uga xumahay websate-yada waxaas qoraya maxay u
weydiin waayeen SSC waa maxay halkeed xukuntaan dadka walaalaha ah ee wada dega
goboladaas waa walaalo wax ka dhexeeya oo colaadina ma jirto, isirna haba
yaraatee meel uu cid geynayaa ma jirto.
Haddii isir jiro Abdillahi Yusuf muxuu ka qabanayaa Baydhabo iyo Muqdisho ileyn
dadbaa lehe, muu ku ekaado nuska ay ka degaan reerkiisu Galkayo.
Waxa aan uga digayaa dhamaan ciidamada majeerteeniya iyo DDP in ay faraha kala
baxaan dhulka Somaliland, waxana aan u sheehayaa in daaraha laascaanood ee ay ku
hamiyayaan in ay dhulka dhigaan aanay dhici doonin waxana dhulka la dhigi doonaa
magaalada Garawe.
Fulle ula badane waxa aan kaa sugaynaa diraysaka aad gashatay in aan ka run
sheegto oo aan ciidamada aad kusoo qasbayso faranta soo dhaqaajiso anaguna waxa
aanu balan qaadaynaa in aanu kaa furano dhamaan waxa aan usoo dhiibtay, laguna
murmo Garowe.
Ciidamadaydu diyaar waxa ay u yihiin in ay is garab taagaan ciidamada
Dhulbahantaha ee uu hogaaminayo Mujaahid Xaabsade iyo ciidamada Somaliland ee ku
sugan aaga hore ee dagaalka.
Gashanle Sare / Abdi Abdillaahi
Guddoomiya Ciidamada Cumer Kujoog / Sool somaliland
qani72@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan wxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 2, 2007
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|