HAWEENOOW WAA HIBO EEBE EE QAATA.
Ilaah baa mahad leh nabad gelyo iyo naxariis Eebe korkiisa ha ahaato Nebigeenii
Suubanaa Maxammed(nnk).
Waxaan jeclaan lahaa inaan qoraalkaan u hibeeyo hablaha soomaaliyeed ee jecel
samaha iyo horumarka soomaali, kuwaasoo ah kuwa maanta jiilka soomaali ee u
baahan barbaarinta in ay daadihiyaan aan rabno, kalsoonina aan ku qabno.
Waxaan u hibeyn lahaa xadiiskan, oo ah bal inaan fiirino sida dumarku ugu
heelanaayeen(rabeen) inay bartaan cilmiga iyagoo ka qaadanaya Rasuulka Suuban.
Waxaa u timid Rasuulka ASMO BINTUL YAZIID ALSAKAN(rc) asagoo asxaabtiisa ku dhex
jira. Markaa ayay tiri waxaan ka socdaa dumarka, waxaana ogaataa inay
nafsadaydu madax furasho adiga kuu tahay, ma jirto haweeney joogta bari ama
galbeed oo maqashay inaan anigu adiga arintan kuugu imid ama yey maqline, ilaa
wey ila qabtaa ra'yigaan, Ilaah wuxuu kuu soo diray rag iyo dumar dhammaan,
waana ku rumaynay adiga iyo Ilaahaagaba, balse haddaan haween nahay waxaan nahay
kuwo la soo koobay, oo dhiman, oo guryaha idiin jooga, shahwadiinaan idiin
dhowrnaa, caruurtaan idiin qaadnaa, idunkuse haddad rag tihiin waxaad na dheer
tihiin, Jimcaha iyo Jamaacadda(salaada), ku jiranoo soo booqataan, maydkood
raacdaan, xaj walboo soo xajisaan, waxaa waxaasoo dhan idiinkaga fiican jidka
Illaahood u dirirtaan. Hadduu mid idinka mida baxo asoo xajinaya ama
cumreysanaya ama xaajo kaleba, maalkiinaan idiin xifdinaa, dharkaan idiin
tolnaa, waxaan idiin barbaarinaa ilmahiina, marka miyaan idin kalaqayb galaynin
kheyraadkaa Rasuulkii Alloow
Markaasuu Nebigu(nnk) u soo jeediyay wajigiisa oo dhan saxaabada kuna yiri "MA
MAQASHEEN HADAL QOF DUMARA TIRAAHDO OO KA WANAAGSAN, IYADOO WEYDIINEYSA WAX
DIINTEEDA KU SAABSAN OO INAY OGAATO AH". Markaasay yiraah deen Rasuulkii Alloow
ma aanan malaysanin inay qof dumari hanuun dalbeyso ilaa meesha ay gaarsiisan
tahay midaan. Markaasuu Rasuulku soo eegay iyadii kuna yiri "OROD OO TAG
HAWEENEEY YEEY, WAXAADNA U SHEEGTAA DUMARKA KAA DANBEEYA MIDAAN, MIDI WANAAGA AY
U SAMAYSO NINKEEDA, RAALI NOQOSHADIISA OOY DALABTO, WUXUU OGOL YAHAY OY RAACDO,
AYAA WAXAA SOO DHAN U DHIGMA".
Markasay haweeyneydii tagtay iyadoo asha haadanaysa, oo Ilaah
weyneynaysa bishaareysi dartiis.
Waxaa weriyay Ibnu Casaakir "taariikhda dimishiq"(7/363-364)
Waataa waxaa wax rag uu sameeyo oo dhan u dhigmay, dumar oo guri ku koobnaada.
Midaan miyaad maanta ku kartaa haweenkanaga, waxayba u qaadanayaan xumaan iyo
inaan walibana ku liideyno iyaga oo guriga aan dusha walibana quful uga
dhufanayno, balse inta aan ka heleyno haween yaqaana howshoodu waxay tahay guul
ma gaarayno, sida saxaabiyadaa u fahamtay markii wixii ay awooday oo ay kari
kartay lala barbar dhigay wax rag sameeyey oo dhan tirina Allaahu akbar
garatayna inay tahay guul u soo hoyatay dumarka. Oo guul darada waxa noogu sugan
markaan is dhex boodnay, oo dumar u duubteen waxay gaari karin oo howlihii raga
ah ragna u durbaan tumay ileyn waa wuxuu doonayee, oo meel u degeyba ku
deneystay dumarkii. Marka haweenoow waxaad sharaf ku leedihiin gurigiinood ku
koobnaataan oodna ku heleysaan xushmo iyo xafidsanaan aduun.
Balse waxaa baryahaan nagu soo batay hablo badan oo la soo banaan baxay inay
sheegtaan inay xaquuq raadis yihiin, oo raga soomaalidu xuquuq ka dhunsaday,
kuwaasoo u batayba inay aflagaadeeyeen xataa waalidkii dhalay oo ku sheegaan, in
la dilay, la qasbayo oo la jajuubayo, qoorta wax ayna rabin loo galinayo. kuwo
kalena u xusul duubayaan, xil aan qabanoo, xukunka hanala ku daro, xildhibaano
aan noqono. Kuwo kalena xoogsi baan rabnaayoo xaafiis aan ku shaqayno iwm.
kuwaasoo kuli dadkii tijaabiyay arrintaan oo arkay qasaaraheeda ay yihiina
maanta kuwa nagula daba wareegaya oo rabaan inay na badaan jabkey tijaabiyeen.
Marka maxay reer galbeed ka faa'ideen banaan bixinta dumarkooda Madax weyne
inantii xaafiiska uga shaqaynaysay faraxumeeyey, wadaado dumar la tuntoo waliba
magdhaw la siinaayo iwm. taasoo ah inay sharaf tireen dumarkii oo xurmadii ka
qaadeen.
Maxay tahayse xuquuqda ay reer galbeed maanta dumarka u dhowreen oon kaga
dayanaa? Walee waa dhalanteed iyo waxaan jirin. Ee walaalaheena soomaaliyeedoow
waxaan leeyahay, hablahanagu waa barbaariyaasha jiilka cusub, oo jiilkeenii
jiidayee aan barbaarino jiilka cusub barbaarin saxa, waana inaan u aragnaa in
haweenka nagu qiimo badan yahay oo qaali yihiin(haweenkanaga waxaa qiimihii iyo
sharaftii laga qaaday 11 janaayo markii raga lala simay) wixii qaaliyana qasnad
baa lagu xiraa lana qiimeeyaa
ee dumaroow naga aqbala midaan qiimaha iyo qaalinimada idiinku jirto. Dibad
baxna wax idiinma taroo diif yay idin qabanoo duur joog idiin cunin.
Mahadsanidiin
Walaalkiin
YUUSUF CABDI SAHAL
YUUSUF XIDDIG.
yussuf_hiddig@hotmail.com
FG:- wixii qaladaad fasiraada xadiiska ah waxay idiin cadeyn kartaa uun cilmi
yaraanteyda iyo sidaanba carabiga u aqoon ee ha la iga raali ahaado, waxaa
arintan igu dhaqaajiyay waa inaan u dadaalno saan u barbaarin lahayn jiil fiican
oo fayoow.
Afeef: Aragtida qoraalkan wxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 2, 2007
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|