Gabooyoow, Baydari, Adigaa I gumaadaye sideen kuu gargaaraa!!
Gabooye.org99@hotmail.co.uk
Shir aad loo soo agaasimay oo meel walba laysaga soo habar wacday ayaa markay
taariikhdu ahayd 26/10/07 ka dhacay magaalada London. Shirkan ayaa waxaa looga
hadlayey Xuquuqda Aadanaha ee Soomalidii Ingiriiska taabacsaneyd (Anglo Somali
Human Rights Conference). Sida ka muuqata magacaba waxaa shirku ku saabsanaa in
Soomaalida Ingriiska taabacsan ama uu gumeysan jirey la eego heerka ay ka taagan
yihiin xuquuqul insaanka iyo heerka ay ka gaarsiisan yihiin Dimuqraadiyadda.
Somaliland oo daafaha dunida kaga sheekeysa in dhulkeedu uu ka jiro caddaalad,
sinaan iyo dhowrid xuquuqda aadanaha ayaa shirka ku casuntay dadyoow badan oo
aad ugu riyaaqay. Waxaa shirkaa yimid dadyoow badan oo isugu jira Soomaali iyo
Ajnabiba. Waxaana ka hadlayey shirkan: niman xuquuguk insaanka ka tirsan, Yusuf
Gaboobe- Suxufi ku hadlayey magaca Somaliland, iyo Abwaanyo intaba. Waxaa kaloo
kasoo qayb galay Xubno ka socday Baarlamaanka Ingriiska, Professor-o fara badan,
Raggii gumeysiga Ingriiska u talin jirey Somaliland, Kuwii wax ka dhigi jirey
Iskoolkii Shiikh iyo Safiiradii Ingriiska u fadhin jirey Soomaaliya.
Riyaaq iyo iftiin badan ayaa ka baxayey wejiyada Reer Somaliland marka ay
Duqooydan Ingriiska ahi aad u amaanayaan Sinaanta, Caddaalada iyo Horumarka ay
gaartay Somaliland. Waxaase marnaba la iloobi karin Waxgaradka iyo
Mutacallimiinta Beesha Gabooye ee Ingriisku sida ay u baal mareen ugana
talaabsadeen dabinada loo daadinayo iyo shirqoolada loo maleegayo iyadoo la
isticmaalayo sandareero aan iyagana meel fog gaarsiineyn dadkoodana u
horseedeysa in heeryada gumeysiga ay sii xambaarsanaadaan. Waa dhacdo farxad leh
oo loo baahan yahay in Madaxyaweynta Beelaha Soomaali Weyn ay kaga dayato Beesha
Gabooyaha.
Shrikii oo meel wanaagsan maraya oo uu dhamaan Reer Somaliland ay isla baxeen
iyagoo aad moodid inay saaran yihiin Garneyl guuxiisa ka dheereeya oo
samaawaadkaas dhex jeexaya ayaa Gudoomiyaha Gabooyaha Mudane Naasir Mohamed
Ciise af labadii dhawaaqay: “ Waar bal bareega qabta oo is yara dejiya, Easy!
Easy! Waa maxay dimuqraadiyadan aad shubaysaan, Aaway Sinnaantu, Aaway
Caddaaladu, Aaway xuquuqda loo siman yahay! Waxaaba socota, muxuu Eebe u abuuray
Gabooye! Mudanayaal haatan soo dhaaftay caddaalad, soo dhaaftay sinnaan, soo
dhaaftay dimuqraadiyad, soo dhaaftay bini’aadnimo waxay mareysaa in la yiraahdo
Khasab baad ku noqonaysaa Habar Yoonis. Miyaadan maqlin sheekada la yaabka leh
ee ku dhacday Khadra C/llahi Yusuf Cige. Waa gabadh Gabooye ah oo u dhalatay
Magaalada Ceerigaabo oo muddo Xabsiga ku jirtey iyadoo umul ah kadib markii ay
diidey inay noqoto Beesha Cabdi Xaamud ee Habar Yoonis.
Halkan ka akhri .
Aaway Xuquuqul Insaanka aan nagu wareerisaan? Ka dib markii aanu ka dhiidhinay
ee diidney Quudhsiga ayaa kolba wuxuu Islaweynta la soo baxaa farsamo hor leh oo
la doonayo in lagu bahdilo Beelaha Gabooye. Mudanayaal iyo Marwooyin, Anagu
waxaanu nahay Beel ka mid ah beelaha ku dhaqan Somaliland wax aan rafaad,
Quudhsi, Takoor, Dil iyo Bahdil aan ahayna kuma haysano Goboladaas”
Intaas markii uu Gudoomiyaha Gabooyuhu ka dhawaajiyey ayaa Garneylkii sii
duulayey mar keliya isasoo majiirey. Miirkii baa dadka kusoo noqday, Farenjigii
meesha ka qaylinayey ayaa iswada eegay, Safafkii hore ee Jamaamiirtu fadhidey
ayaa sidii ay salaan bixinayaan xaggii Gudoomiyaha Gabooyaha jaleecay. Waxa laga
yaabay hal adeyga, hadal wanaaga iyo dhiiranaanta Gudoomiyahan cusub ee da’da
yar ee Beesha Gabooye kadib markii Gudoomihii hore ee inta badan soo
dagaalamayey Marxum Moxammed Cise Caabi (SAQA) uu geeriyooday (Eebe ha u
naxariistee). Inta madaxa la ruxay ayaa waxaa hoolkii buuxiyey odhaahda oranaysa
Burkaba miyaan bahal ka fishay!
Wixii horeba bikh dheh! Ajnabigii meesha yimid oo la yaaban ilaaqtanka, budh
isku fiiqa, farruurya qaniinsiga iyo nuxnuxda meesha ka socota ayaaba waxaa
isagoo maqiiqan dadkii ka dhex kacay wiil dhallin yar oo su’aal madaxa daalisa
shirkii ka jeediyey. Wiilku wuxuu u hadlay sidan: “Waxaan ahay nin Gabooye ah,
waxaan u dhashay Somaliland, laakiin nasiib darro Beelaha halkaa dega ee
Islaweynata ahi waa na takooraan oo waa na neceb yihiin. Haddaba su’aasheydu
waxa weeye buu yidhi, maxaanu ku galabsaney naceybka aad na neceb tihiin
Soomaaliyey? Su’aashaas sacab loo dhanyahay ayaa lagu aqbalay Farenjigii (GOOD
QUESTION) !

Jamaamiirta Shirka
Shibeey shib ayaa ka dhacday! Eeboow ceebtayada astur ayaa lala guuxay!
Habaar hoose iyo il ku gubid ayaa bilaabatay, Aamusnaan dheer ayaa xigtey.
Deganaanshihii qolka iyo ka fekerka su’aashan aanan sina looga jawaabi karin
ayaa waxaa qarbuday oo qashqashay hiinraaga iyo qayladii dhegaha laga fureystay
ee Suxufiga Yusuf Gaboobe ee ku hadlaya afka Somaliland. Wow! Maaha Gabooye ee
waa Gaboobe. Illeyn wixii uurka kaaga jira afkaa kaa xadee, Yusuf ayaa isagu
iska butaacay. Anigaa kaaga jawaabaya sababta aanu idiin neceb nahay: “Waagii
Dowladdii Faqashtu jirtey ee ay na gumaadeysey ayaad noo soo raacdeen oo waxaad
ka mid ahaydeen dadkii nooga hiiliyey; sidaa daraadeed baanu idiin necebnahay!”
Waar meesha ma lagu shirayey mise waa waaqle! Afkiibaa juuqda gabay! Wax
nuuxsadaa la waayey! Frenji iyo Soomaaliba waa Freez-garoobeen(qalaleen).!

Gudoomiya Gabooyaha oo war daldalaya
Wiilkii yaraa ee su’aasha weydiiyey ayaa la yaabay jawaabta cadaawadda
xambaarsan ee aan macnaha ku fadhiyin ee uu ninka Suxufiga sheegtaa bixiyey.
Sow ma oga in laga bilaabo Madaxweyne ilaa askariga ugu hooseeya Somaliland uu u
shaqayn jirey dowladdii hore oo ay weliba ay u taliyaan kuwii baab’in jirey
dadkiisa. Maxaa kuwaa ka dhigay Mujaahidiin iyo kuwo lasoo dhoweeyo Gabooyahana
loogu qaaday cadaawad. Wiilkii yaraa ayaa u sheegay ninkan weyn in cadaawada loo
qabo dadkan ay soo jirtey ilaa qarniyaal ee aanay ahay wax dhowaan bilaabatay,
isagoo weliba sii weydiiyey in Beesha Isaaq haatan waxa ay ku hayaan Gabooyaha
ay tahay Aargoosi laga aargoosanayo waxyaabaha uu ninkan weyni ku andacoonayo.
Haddaba, dhibka aad nagu haysaan ee aan arxanka lahayn waxaad u sameynaysaan
inaad nooga aargoosataan wixii ay Dowladii hore idinku sameysey? Sow sidaa
maaha? Ayuu wiilkii yaraa yidhi. Suxufigii ayaa waxaa kasoo hadhay indho galka
kasoo baxsan iyo af kala tegey! Alla hooyooy hoosta I geli ayaa ka dhacday!
Duqoowdii, madaxyaweyntii ahayd ee meesha isugu timid ayaa isaga huleelay
shirkii ka dib markii ul ku fiiq, budh ku fiiq, iyo afxumo meesha ka bilaabatay.
Ferenjigii isagu halhaleel ayuuba meesha uga yaacay kadib markii uu xaqqu
feedhaha ka dilaacay!

Mas’uuliyiinta Gabooyaha iyo Gudoomiyahooda
Maalinkaasu Wuxuu noqday mid Beeha Gabooye iyo Soomaalidii meesha timid ay
aad ugu farxeen sida ay Beeshu xaqeeda ugu istaagtay. Waa maalin qiime iyo
qadarin mudan oo taariikhda Soomaaliya baal dahab ah ka geli doona, maadaama
shirkaa lagu falanqaynayey xuquuqda Aadanaha, Waxay kaloo ay qiimo iyo sharaf
weyn u tahay dhammaan Beelaha laga tirada badan yahay kuwaasoo haddii ay u
istaagaan xaqooda una huraan maalkooda, wakhtigooda iyo naftoodaba aakhirka u
keyneysa inay ka xoroobaan heeryada Gumeystaha Madoow ee Islaweynta! Waxay kaloo
waano iyo wax ku qaadasho u tahay Islaweynta ismooday inuu bad iyo buur kala
hayo ee ku takooraya walaalahood daliilaha ay ka soo xigtaan Quraan Dhuwaaga ay
akhristeen una akhriyaan ubadkooda!
Alla ileyn hadal aadan fileyn iyo Falaadhiba wey ku dilaan!
C/Rahman Eelay
eediran@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 2, 2007
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|