Geeddi oo Galbaday iyo C/laahi oo
Gobaadsan!
Waxaa Maalmahaan
taagnaa Khilaaf xooggan oo u dhexeeyey Madaxda sare ee Dawladda Empagathi, gaar
ahaan Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Cali Maxamed Geeddi,
Khilaafkan oo soo jiitamayey muddo dheer, soona maray heerar kala duwan, ayaa
wuxuu cirka isku sii shareeray labadii Todobaad ee la soo dhaafay, isagoo gaaray
meel adag oo aad u qaraar, Khilaafkan oo saameeyey una sii gudbay xubnaha labada
gole ee Dawladda ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda, lana kala saftay labada Nin ee
kala ah: C/laahi iyo Geeddi, iyagoo ka eegaya keebaa lacag badan bixinaya iyo
yaa u heegan fulinta danaha Xabashida ay ka leedahay gudaha Soomaaliya, sidoo
kale Khilaafkan wuxuu usii gudbay oo hakiyey howl galladii ay Ciidamada
Xabashidu iyo Malleeshiyaadka dawladda Empagathi ka wadeen gudaha Magaalada
Muqdisha iyo daafaheeda, howl galladaa oo isugu jiray: Boob, Dhac, Dil, Dhaawac,
Qafaal, Af-duub, Xarig, Jeel, qaxa, Bara-kac, iyo falal gurracan oo ka baxsan
Bani-adamnimada, hakadkaa galay howl gallada Ciidanka Xabashida iyo
Malleeshiyada Dowladda Empagathi ayaa farxad galisay Dadwaynaha ku dhaqan
Magaalada Muqdisha una arkay Khilaafka Madaxda Dawladdu inuu u yahay Nasri iyo
Naruuro.
Sababa Khilafka:
Khilaafka Madaxda sare ee
Dawladda Empagathi wuxuu salka ku hayaa arrimo la xiriira: Awood qaybsiga
Siyaasadeed, Dhaqaalaha soo galo Dawladda, gacan ku haynta Hay’adaha Nabad
galyada Qaranka iyo cidda ay hoos tagayaan, Hay’adaha Garsoorka iyo Maxkamadaha,
iyo guud ahaan xiriirka u dhexeeya sadaxda qaybood ee kala ah: Golaha
Baarlamaanka(Sharci Dajinta), Golaha Xukuumadda(Fulinta), iyo
Garsoorka(Maxkamadaha), arrimahaan waxaa soo raaca Aqalka Madaxtooyada, si
gaaban haddii loo sheego waxay kala yihiin arrimaha la isku hayo la iskuna mari
waayey sidan:
-Awood qeeybsiga u dhexeeya
madaxweeyne C/laahi Yuusuf iyo Ra'iisul wasaare Geedi ee ku lug
leh hab maamlka Dalka , kala hagidda Hay’adaha Dalka, Dabagalidda Wakaaladaha
Dalka iyo la xisaabtan kooda, arintaan oo ka dhax dhalisay labada nin khilaaf
aan dhamaad laheyn oo joogta ah aynna muuqan xilli uu soo gaba gaboobayo .
- Dhaqaalaha iyo maaliyadda:
xubintaan waa xubinta ugu culus dhalisayna muran xoog leh iyo is qabqabsi
ballaaran, waxayna faraha ka baxaday cirkana isku sii shareertay markii
Maamul Gobaleedka Punt land heshiis shidaal baris ah la galay shirkad
Shiineys ah iyadoon Geeddi iyo xukuumaddiisa waxba lagala socod siinin,
ayse iska caddahay inuu C/Laahi wax ka ogaa , arintaan oo keentay dood
kulul uu soo jeediyay Geeddi kuna sheegay inuusan ismaamul Goboleed xaq
u laheyn inuu kaligiis heshiis la gaaro Shirkado Shisheeye iyadoon ogolaasho
laga heysan maamulka dhexe ee Dalka , waxaa sii murjiyay arinta lacagtii laga
soo helay Sucuudiga ee gaareeysay 35.000.000$ Sodon iyo Shan
milyan oo dollar ee Geeddi gacanta loogu riday taasoo C/Laahi ka
xanaajisay isagoo ku tuhunsanaa Geeddi lacago hore oo laga soo qaaday
isla Sucuudiga horraantii sanadkan .
Hab Xalinta khilaafyada:
Sidii la wada filayey horayna
looga bartay khilaafkii u dhexeeyey madaxda sare ee Dawladda Empagathi waxaa soo
af jari jiray Madaxda Dawladda Xabashida ee soo galisay Muqdisho kuna
waardiyeysa, balse markaan sidaa ma dhicin oo waxaa dhacay tii ka duwan,
booqashooyin isdaba joog ahaa ee uu ku tagay Geeddi Dalka Xabashida todobaadkii
la soo dhaafay ayaa waxayku dhamaatay in lagu qanciyo Geeddi inuu xilka iska
casilo, maalinnimadii Isniinta oo taariiiqdu ku beegneed 29/10/09 ayaa Geeddi
wuxuu Baarlamanka hortiisa ka caddeyey inuu xilka Ra’isul wasaarenimada iska
casilay, taas oo uu maalmaha ka hor si cad ah u diidanaa kuna sheegay shir
jaraa’id ee ku qabtay Magaalo madaxda Dalka Xabashida ee Addis ababa inuusan
xilka ka dagayn, isagoo meesha ka saaray inaysan jirin is casilaad iyo shaqo ka
fariisi toona, kuna daray inuu sii wadi doono howlihii uu horay u billaabay ee
la xiriiray Dib-U-Hesheesiinta, balse waxaa is waydiin mudan: Maxaa keenay is
badalkan 48-dda saac ah? maxay tahayse waxa Geeddi ku dhaliyey inuu is casilo?
Waxaae muuqata inay guulaysteen dadaaladii ay waddeen Xabashida ee ku aadanaa
xallinta Khilaafka u dhexeeeya Tabcanayaashooda u taagan tirtiridda jiritaanka
Soomaaliya una tallaalan dhibka Ummadda Soomaaliyeed, balse waxaad moodda inuu
is bedel ku yimid hab xallinta Khilaafkan iyadoo hal garab oo kaliya looga
yeeray Addis Ababa culays xooganna la saaaray, halka ay furdaamooyinka madaxda
itaabiyanku ku dhammaan jirtay inay yimaadaan Soomaaliya una kala dabqaadaan
qarabyada is Khilaafsan.
Geeddi oo Galbaday!
Haddaba waxaan dhihi
karnaa Geeddi waa Galbaday, kana daadagay kursugii wasiirka koowaad, isagoo
raalli ah aanna loo qadin cod kalsooni iyo xil ka qaadis toona, sidaanna waxaa
ku soo dhaamaday Siyaasaddii Geeddi ee ku dhisneed caqliga: Indha ku Garaadle
nimada ee aan lahayn aragtida fog ee ku eg waxa maalintaa ka hor muuqda,
sidoo kale wuxuu gacantiisa ku gawracay Siyaasaddiisii laba sano iyo bar jirka
ahayd, isagoo Siyaasadda ku soo biiray Shirkii Eldoret-Empagathi ee lagu soo
yagleelay dawlada uu shqadeeda isaga tagay, Geeddi oo dad badan u arkaan qofaan
Siyassadda waxba uba baillownayn, Aayadna aan ka qadan Karin , isagoo aan lahayn
khibrad Siyaasadeed iyo mid maamul toona, taas oo gabi ahanba haraysay kana
muuqatay xukuinkiisii, kana soo if baxday dhqan siyaasadeedkiisii hadaladiisi
iyo waraysiyadiisi, oo dhamman muujinayey inuu Gab ka hayay uusanna garanyn
Siyasadda iyo laalaab yadeeda, sidoo kale Geeddi waaxaa lagu tilmaamay inuu
watay: Jeeb maran iyo Juuni Faaruq ah, isagoo ku hawlanaa inuu urursado
wixii soo gala xafiiskiisa ama ku soo dhaca gacantiisa, gacan doogtan uu ku
doonayey Geeddi inuu ku dawarsado ayaa waxay ku sumadday Nin Hunguri kuna biiray
Kooxda Caanka ah ee loo yaqaan: “Af iyo Calool” oo ku soo badanaya
sabankaan dambe Soomaaliya, iyagoo siyaabo kala duwan ku so galo Masraxa
Siyasadda, isku soo duuboo Geeddi waxaan ku tilmaami karnaa:
Indho-ku-garadle, Calooshi Cabbeeye, ama Jeeb Faaruq iyo Juuni Maranle.
Mutaqbalak Siyaasadeed ee Geeddi:
Dhanka mustaqbalkiisa
Siyaasadeed is casilaadiisa ka dib lama saadaalin karo mana la sii qiyaasi
karo, arrima la xiriira shaqsiyadiisa iyo qofka Soomaliga ah oon mabda’ loogu
soo hagaago lahayn ama uu ku dhagan yahay, balse sida uu sheegay wuxuu ka sii
dhex muuqan doonaa kooxdiisa “Tabcanayaasha Tigreega” waaanse u wada
joognaa meesha uu dabada la galo iyo halka uu ku dambeeyo.
C/laahi oo Gobaad saday:
Dhanka kale Claahi aya muuqda
ama lagu tilmaami karaa Nin guul ku fadhiya Wallow ay tahay qabyo aan sidaa usii
balaarnayn, C/laahi ayaa waxuu xeelad iyo tab kasta u adeeg saday sidii uu
Geeddi jagada Ra’isul wasaarenimada uga tuuri lahaa, isagoo fulinta gowshaas u
maray waddo kasta iyo wadiiqo walba, dhowr kol oo horana ku fashilmay inuu
Geedddi xil ka qadis ku sameeyo, balse maanta uu Geeddi iskiis iyo rabitaankiisa
xilka isaga casilay, C/laahina wuxuu Neef sanayaa dabayl caafimad iyo saxansaxo
udgoon badan, sidoo kale C/laahi wuxuu ku dhaqaaqay tallaabo kale oo mujinaysa
inuu ku siibaya garabyadii Geeddi taageersaneed, isagoo xil ka qaadis ku
sasmweyey Guddoomihaya Maxkamadda sasre: yuusaf Cali Haaruun, oo wali ku jira
Xabsiga, Naalooshada guusha C/laaahi waxaa garab socda Mudishoo holcaysa, maalin
caddayna Sal dhigyadii Booliska la weerarayo lana qabsanyo, ammaankii Dalka oo
faraha ka sii baxaya, iyo dagaallo ka soo cusboonaaday Maamullada Somaliland iyo
Puntland iyo dalkii oo galay xaalad adag, taas macnahedu ma ahan in C/laahi
wanaag laga filayo ama xal la yaab leh u keenayo arrimahan wada cakiran, balse
waxaaa muuqda inuusan waxba usoo kor dhin doonin, waxayna iga eheed oo kaliya
inaan soo gudbiyo dareen walaac ku jiro iyo muuqalka siyaasaded ee Dalka.
Yaa Badalaya Geeddi:
waxaanna wada dhowrnaa waa
qofka lagu badali doono Geeddi iyadoo waliba ay jirto hadallo la is dhex marayo
oo sheegaya in lagu badali doono Geeddi Madaxweynhii hore ee Dawladii
Maanafaysto(Manifesto) Mudadne: Cali Mahdi Maxamed, ahaana Guddoomihayihii
Shirkii Dib-U-Heshiishinta ee ku soo gabagaboobay Magaalada Muqdisho, ama
Wasiirka arrimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-Dheere, kuu noqdaba
waxaa badali doona Geeddi Nin C/laaahi Jecel yahay Xabashida Jecel, taas oo ah
Siyaasadda C/laahi iyo Xabashida waana arki doonna xilkaas qofka loo magacaabo.
Guntii iyo gababadii waxan ku
gunaanadayaa tuducyo ka mid ah Gabay uu tiriyey Abaanka weyn ee Maxamed Warsame
Ibraahin Walanwal oo ku magac dheer “Hadraawi” baydadkaan oo ka hadlaya
Hoggaanka waxayna yihiin sedan:
- Naaleeye Habacsane
- Yaa Horseede kaa Dhigay?
- Ma adigaa Hoggaanshe ah?
- Gobanimo Hawadin kara?
- Qarannimo Hitiqin kara?
- Isku duubni Hanan kara?
- Dal Sabool ah Hagi kar?
- Himilada Xil furan kara?
- Taariikh la Hari kara?
- Hal-Abuurka Sharafka leh
- Murtidiisa Helin kara?
- Hoodaale Noqon kara?.
Bashiir M.
Xersi
brdiraac@hotmail.com
Tripoli-Libya
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2007
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..
|