Barnaamijkii Radio
Xoriyo
29 May 2007.
Qaraxyo xoogan
oo gilgilay magaalooyin Ogaadeenya ka mid ah.
JWXO oo
beenisay inay qaraxyadaas lug ku leedahay.
Dagaalo
lagu jabiyey ciidamaga nacabka gumaysiga Itoobiya.
Gabdhaha
da,yarta ah iyo ururka hooyooyinka Ogadenya ee wadanak Finland oo si wada
jir shir ugu qabtay magaalada Helsink.
======================
Qaraxyo xoogan
oo gilgilay magaalooyin Ogaadeenya ka mid ah.
Qaraxyo is-dabajoog
ah ayaa subaxnimadii isniinta ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka
mid ah, kuwaasoo keenay dhimasho iyo dhaawac fara badan.
Subaxnimadii
isniinta ayaa qararxyo lala beegsaday meelo si qasab ah loogu soo shiriyay
dadwaynaha deggan magaalooyinka Jigjiga,Dhagaxbuur iyo Godey. Goobaha dadkan
lagu soo shiriyay waxaa lagu maamuusayay munaasabadda maalintii ay awoodda
Itoobiya la wareegtay Jabhadda TPLF.
Waxaa qaraxyadan ku
dhintay konton iyo laba qof inta la sheegay oo ubadan ciidammadii gumaysiga
ee dadkaas gaadhka ka hayay iyo masuuliyiin katirsan maamulka dabaqoodhiga
ah. Ciidammada gumaysiga ayaa la sheegay inay dadwaynaha rasaas oodda kaga
qaadeen, ka dib markii ay qaraxyadaasi dheceen, taasoo keentay dhimashada
dadka raaydka ah ee qaraxyadan ku dhintay oo ubadan haween iyo caruur oo
kabaxsan kari waayey rasaastii sida cadownimada leh loogu
garaacayay.
Dadka
ku dhaawacmay qaraxyadii Jigjiga ayaa tiradooda lagu sheegay 75 ruux waxaana
ka mid ah wakiilkii Tigreega u qaabilsanaa arrimaha Ogaadeenya C/llaahi
Xassan Lugbuur, oo dhaawiciisii loola cararay magaalada Addis Ababa halis uu
yahay awgeed. Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in askarta
gumaysatada Itoobiya ay rasaas oodda kaga qaadeen dadwaynihii qasabka lagu
soo shiriyay, iyadoo ay halkaas ku dhinteen dadwayne rayad ah, kuwa kalana
ay ku dhaawacmeen.Waxaa sidoo kale wararku nagu soo gaadhayaan inay jiraan
dad aad u tiro badan oo aan ilaa
iyo hada laga warqabin meel ay ku suganyihiin geeri iyo nolol waxaa sidoo
kale xabsiyada loo taxaabay dad shicib ah oo aad u tiro badan laguna
qiyaasay 1782 Ruux. Dhimashada iyo dhaawaca ayaa saacadba saacada ka
dambaysa sii kordhaya,iyadoo xadhiga iyo qabqabshada shacabkuna aysan
xisaaba lahayn magaalooyinkuna bandow yihiin.
Guud ahaanba dalka
Ogaadeenya waxaa ka jira kacdoon dadwayne oo lagu diiddan yahay cadaadiska
iyo dhibaatooyinka aan xadka lahayn ee ciidammada gumaysigu ku hayaan
dadwaynaha rayadk ah.
Xukuumadda
gumaysatada Itoobiya ayaa iyaduna beryahan denbe sii kordhisay dilka iyo
xidhayga wadarta ah ee ay u gaysanayso dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya,
waxayna ciidanka gumaysigu dadwaynaha ku gaydhadeen, ka dib markii ay ku
guuldarraysteen dagaallada ay la galaan Ciidammada Waddaniga Xoreynta
Ogaadeenya.
Arrintaas waxaa
wakaalada wararka ee Reuters u sheegay ururrada samafalka oo sheegay in
ciidammada xukuumadda gumaysiga Itoobiya ay hadda hawlgallo millatari ka
billaabeen gobollo badan oo ka mid ah dalka Ogaadeenya. Ururrada samafalka
ee u warramay wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in shaqaalaha
gargaarka lagu xidhay inay oggolaansho hor-leh ka soo qaataan xukuumadda,
tallaabadaasoo ay ururrada samafalku ku tilmaameen inay dib u ridi doonto
mashaariicdii gargaarka iyo horumarinta.
JWXO oo
beenisay inay qaraxyadaas lug ku leedahay
Xukuumadda
gumaysatada Itoobiya ayaa qaraxyadan ku eedaysay Jabhadda Waddaniga Xoreynta
Ogaadeenya JWXO, hase yeeshee JWXO ayaa eedayntaas ku tilmaantay mid aan sal
iyo raadtoona lahayn oo ka turjumaysa siyaasada maangaabnimada ku dhisan ee
xukuumadda gumaysatada ah ee TPLF oo dhibaatooyinka ay Ogaadeenya ka gaysato
oo dhan JWXO ku eedaysa.
JWXO waxay sheegtay
inayna wax lug ah ku lahayn qaraxyada isniintii ka dhacay magaalooyinka
Jigjiga, Dhagaxbuur iyo Godey ba, isla markaana ayna siyaasada JWXO ku jirin
inay bartilmaameedsato goobaha rayadka ah, hawlgalladeedana ay la begsato
goobaha millatariga gumaysiga Itoobiya oo kaliya.
Bayaan ay isla
isniintii JWXO soo saartay waxay ku sheegtay in taliska TPLF uu waqtigan
xaadirka ah fulinayo istiraatiijiyada ah inuu xasuuqo dadwaynaha rayadka ee
Ogaadeenya, isla markaana uu beesha caalamka taageero uga raadsado
qorshihiisa ah sidii uu JWXO ugu muujiyo dhaqdhaqaaq argagixiso ah. Waxaa
kaloo bayaankan lagu sheegay in xasuuqa iyo cadaadiska uu gumaysigu ku hayo
dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya ay sii kordhin doonaan oo kaliya caabiga
uu dadwaynuhu kala soo horjeedo gumaysiga Itoobiya.
JWXO waxay
bayaankeedan ku sheegtay in qalalaasaha iyo dagaalladu ayna joogsan doonin
ka hor inta ay beesha caalamku ka shaqaynayso sidii xal caadil ah oo waara
loogu heli lahaa qadiyada Ogaadeenya.
Dagaalo
lagu jabiyey ciidamaga nacabka gumaysiga Itoobiya.
Wariyaha RX uga soo
warrama gobollada dhexe ee Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay in Ciidammada
Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya CWXO ay waxyeellooyin badan u gaysteen
ciidammada gumaysiga Itoobiya, ka dib markii ay isku haleeleen meelo kala
duwan oo Ogaadeenya ka mid ah;
16/05/07 dagaal ay
CWXO iyo kuwa gumaysatada Itoobiya iskaga horyimaadeen meesha lagu magacaabo
Qarsoodi, waxaa ciidammada gumaystada lagaga dilay 3 askari, 4 kalana waa
lagaga dhaawacay.
18/05/07 CWXO ayaa
weerar la beegsaday ciidammo gumaysiga ka tirsan oo hawlgal u yimid
magaalada Yucub, waxayna u gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
Isla 18/05/07
dagaal ka dhacay Barraajisaale waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4
askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay. Ciidammada gumaysiga ayaa dagaalkaas
ka dib dab qabadsiiyay guud ahaanba magaalada Barraajisaale.
20/05/07 dagaal ka
dhacay meel u dhaxaysa Gorayga iyo Dhagaxle, waxaa ciidammada cadowga lagaga
dilay 4 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 4 askari.
Isla 20/05/07 waxay
CWXO halwlgal ka fuliyeen magaalada Wardheer dhexdeeda, waxaana hawlgalkaas
ciidammada cadowga lagaga dilay askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.
22/05/07 dagaal ka
dhacay Falfal, oo Dhagaxle ka tirsan, waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay
18 askari, 22 kalana waa lagaga dhaawacay.
24/5/07 CWXO ayaa
weerar la beegsaday kolonyo ciidammada gumaysiga ah oo marayay
Karin-bilcille, waxaana loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
29 May
2007
C/nuur
Sh. Maxamed
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay
15260 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM � 7:30 waqtiga Afrikada Bari


|