SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


SOOMAALIYA MAANTA AYAY MACNA LA GARAN KARO YEELANTO

Mukhtaaar Gundid
gundid@gmail.com

Dad badani waxay u arkaan in qabsashada Itoobiya awgeed ay udhamaatay Soomaliya oo ay mugdi gashay,laakiin anigu taas aad baan uga duwanahay.

Soomaaliya inkasta mar uu maamul dawladeed jiray iyo mar dagaal ahli ahiba uu socday,laga soo bilalabo 1986 kii,markii ay heshiis kusaabsan Ogaadeenya laa gashay Itoobiya,waxay ahayd mid haysa wadada burburka.

Dagaalkii sokeeye markii uu bilawday 1991 kii ilaa Decembar 2006 kii Soomaaliya malahayn waji loogu hagaago,oo waxaa uun socday hardan ay dad ehel ahi isku aakharo seegayeen,marka majirin waji loo galo ama malahayn macne la akhrin karo,markii nin walba uu qori Zuu ah iyo xabbad Baroon ah yeeshay dadkii Soomaaliyeed waxa uu noqday labo qolaba maalin ha isheleen.

Waxaa layidhaahdaa xanuuka kuhaya oo la gartaayi waa dawada badhkeed,marka maanta waxaan dhihi karaa dawadii Soomaliya badhkeed ayaa lahelay mar hadii lagartay cududka hayaa in uu Yahay ( Gumaysi).

Maanta hadaba waxaa banaan kaalin uu kaga aadi karo wadanigii Soomaaliyeed ee laga yaabo in uu garwaaqsanaa in colaadda sokeeya ay sabateeda ama hurinreedaba Itoobiya lahayd,kol hadii iyada lafteediiba ay soo xaydatay oo ay muujisay cadaawadeedii maguuraanka ahayd.

Waxaa yaraha muuqata in Soomaalidu wali ayna ku qancin in dadkoodii uu kujiro gacan gumaysi,oo loo baahan yahay in uu bilawdo dagaal gobonimodoon oo udhexeeya Gumayste (Itoobiya ) iyo lagumayste (Soomaaliya) oo aan la dhayalsanin xaaladda ay Itoobiya kugashay Soomaaliya.

Dadka qaar ayaa waxaad ka maqli Itoobiya way ka bixi doontaa Soomaaliya,waxaa xaqiiqo ah Itoobiya hadii aan xanuun lagaga saarin in ayna iyadu iskeed ayna uga baxaynin.

Soomaalidu waxay gali doontaa halgan adag oo naf badan lagu waayo,waxayna hanan doonaan ciiddooda oo xor ah,hadii ilaahay idmo,kadibna baalmaanka xalaasha ahi waxa uu ka dooni doonaa in calanka wada buluuga ah lagu daro dhud dhiig ah.

Mukhtaaar Gundid
gundid@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

ODOROSKA MUSTAQBALKA ITOOIYA IYO GEESKA AFRIKA | Gundid

Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com