SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

ODOROSKA MUSTAQBALKA ITOOIYA IYO GEESKA AFRIKA

Mukhtaar Gundid
gundid@gmail.com

Itoobiya oo horay ugumaysan jirtay Ogaadeenya ayaa waxay qabsatay dhulkii xorta ahaa ee Soomaaliya , taasoo dadkii Soomaalida ahaa ku keentay fikirro kala duwan iyo cabbiraado kala fog.

Waxaa in la xussusnaado mudan Goorma ayay Itoobiya qabsatay Soomaaliya? Su’aashaas in badan dadka Soomaaliyeed kamid ah ayaa waxaa laga yaabaa in ay kaga jawaabaan waxay qabsatay 2006kii,balse xaqiiqdu taas ma aha,qabsashada Itoobiya ee dhulka Soomaaliyeed waxa uu la kowsaday burburkii Soomaliya.

In badan ayaa afka laga sheegaa in ay dheceen shirar badan oo loo qabtay Soomaalida oo lagu heshiin waayay,dhan hadii laga eego waa siyaasiyiintii Soomaliyeed ayaa heshiin waayay, dhabtuse waxay tahay in uusan waligii dhicin shir dib ushiisiineed oo Soomaliya xal loogu raadinayo,marka laga reebo kii Jabuuti ee 2000kii,oo la hubo in ay dawladda Jabuuti dadaal badan ugashay sidii uu shirkaasi unajixi lahaa.

Siyaasiyiintii Soomaliyeed waxa ay noqdeen hangool ay Itoobiya u midigaysatay sidii iskuday kasta oo dibuheshiisiineed loogu burburin lahaa,bal fiiri dabeecadda qabqablayaasha mar waxay kusii socdaan Itoobiya oo midba kan kale uga badinayaa,marka ay Itoobiya qaarkood midigaysato ayaa kii ay Itoobiya ka tagtaayi waxa uu ku hadlaa af-wadaniyadeed oo uu dadka usheegaa in Itoobiya ay kasoo horjeedo qaran Soomaaliyeed.
Waxaa xusid mudan Muuse Suudi ayaa xiligii uu C/qaasin ahaa madaxwaynaha ee ay Muqdisho kula tartamayeen ayaa waxa uu muuse saxaafadda kasheegay in Itoobiya ay tahay dawlad aan daris nahay oo daacad ka ah xal uhelidda Soomaaliya,waxaa ku xigay markii shirkii Ambakathi uu dhamamaaday ee la doortay C/laahi Yuusuf ay qabqablayaashii reer Muqdisho ka horyimaadeen Dawladdii C/laahi iyo Geeddi,mar hadii ay dawladii C/laahu Yuusuf ay ka horyimaadeena waxay ka bexeen gacanta Itoobiya.

Muuse ayaa maalin kale saxaafadda ka sheegay in Itoobiya ay tahay cadawga Soomaaliyeed oo ayna raalli ka ahayn xal Soomaaliyeed,waxaa hadalkiisii kamid ahaa in Itoobiya ay marar badan isaga hub soo siisay.

Itoobiya waxay ahayd fursaddii ugu waynayd ee Soomarta abid,waxaa gacanta usoo galay cadawgeedii oo ay hormuud uyihin siyaasiyiin hangoollo ay ka dhigatay ,waxaana la dhihi karay kharash sidaas ahi kaga baxaynin Itoobiya caqabadaynta is afgarad Soomaaliyeed,oo qabqable kastaba waxa uu ahaa mi disaga isqaba,haday ka tagi waydo Itoobiya waxay siin jirtay hub ay kula dagaalamaan cid kasta oo uu kasoo muuqdo intiin rajo.

Hadaba Itoobiya oo fursad qaaliya ku dakaynaysa ayaa waxaa muqdisho ka samaysmay Ururkii la dagaalanka argagisada oo ay kuwada jireen qabqablayaashii Muqdisho,taas markii ay shacabka muqdisho ogaadeen isla markaana uu Qanyare BBC da usheegay in ay usamaysan yihii dabargoynta dadkii burburiyay sarihii dhaadheeraa ee Maraykanka,ee qarxiyay safaaraddii Maraykanka ee Nairobi IWM, ayaa dadkii Muqdisho waxa ay rumaysteen in raggani ay yihiin rag ushaqeeya Maraykanka Iyo Itoobiya,taasina waxay keentay in ay dadkii qabiil ahaanta ku taageeri jiray ay garabkooda ka baxsaan oo ay taageerayaal unoqdaan maxaakiimta Islaanka.
Samayskii hore ee maxkamaduhu waxa uu ahaa in dadka diinta leh aan lagu gumaadin Muqdhiso oo ay ku nabad galaan,xoogaa guulo ah kadib waxaa wadaadadii usoo baxday in ay magaaladda ka xoreeyaan qabqablayaashaas,Markii Xamar si fudud ay gacanta ugu soo gashayna waxaa galay hamm ah in koonfurta Soomaaliyaba ay gacanta kudhigaan.

Maxkamadihii oo dhulka badankii ka taliya ayaa dawladda Itoobiya waxaa usoo baxaday in xalkii Soomaaliya uu kasoo iftiimay muqdisho ayna kutahay khatar aad uwayn oo aan lasii dhowran Karin,waxaa kale oo khatar arkay dawladda Maraykanka oo iyana islahayd hadii Soomaliya ay ku guulaystaan dad diinta lug kulihi waxay noqonaysaa furin kale oo maraykanka ku furantay.
Waxay marka isu keentay Itoobiya iyo Maraykanka oo ay jireen dano ay ka midaysnaayeen iyo kuwo ay ku kala duwanaayeenba.

Wadaadadii hogaanka uhayay maxkamaduhu oo runtii ahaa kuwo muujiyay dadaal adag ayaa marar badan waxaa soo baxaysay nooca isku xidhnaanla’aanta maamul ee madaxda dhexdeeda,iyadoo mararka qaarkood ay hadallo kala duwan ama aan is ogayn ay siin jireen saxaafadda,taasoo ladhihii karay wakhtigii yaraa ee ay guulaha badan gaadheen ayaa waxay keentay in ay kala hufi waayaan hanaanka maamul,oo mararka qaarkood ay muuqanaysay nooc shacabnimo ah, midda kale Itoobiya iyo maraykankuba waxay markiiba xoogga asaareen sidii ay dad ugu yeelan lahaayeen xoogagga maxkamadaha.

Waxaa cadayd haddii maxkamaduhu ay noqon lahaayeen kuwo qunyar socod ah oo turxaanta ka ilaaliya Itoobiya kolayba in ay Itoobiya weerari lahayd,waayo xal Soomaaliyeed ciddi wadda waxay Itoobiya utahay cadaw,shaqaalaha maamulka maqaar-saarka ah ee Kililka ay Itoobiya ku adeegato ayaa ninkii shaqadii loo dhiibay si daacad ah uguta,isla markaana ay shacabku jeclaystaan shaqadiisa,Tigreegu way xidhaan waxayna dambi uga dhigaan in uu ONLF yahay,marka waa dhaqan ay Itoobiyaanku caado uleeyihiin.

Muqdisho waxay gacanta ugashay Itoobiya,taasi ma noqotay guul lagu naalooday ? in badan oo Soomaalida kamid ahi waxaa laga yaabaa in ay u arkaan in ay Itoobiya guulaysatay,laakiin xaqiiqdu waxa ay tahay in ay Itoobiya jabtay,mustaqbalka dhowna ninkii nooli uu arki doono Itoobiya oo burburtay iyo dadkii Soomaaliyeed oo nabad ah.

Itoobiya oo kamid ah wadamada ugu saboolsan caalamka isla markaana la ciirciiraysa dhibaatooyinka gudeheeda ah ayaa waxay Soomaaliya keentay Ciidan gaadhaya 30000,meeshii sahaydu ugu imaanaysay oo aan dhawayn,iyada oo ayna dhaqaale uheli doonin ciidankeena jooga Soomaaliya iyo askarteeda oo hadii ay haad helaan goosanaya waxay qasab ka dhigaysaa in xataa hadii aan xabbad lagaga ridin Soomaliya iyo hadii kaleba ay jabayso,Hadii Itoobiya ay soomaliya ka baxdana way jabi hadii ay kusii jirtana way jabi,waxaa laga yaabaa in Soomaali badan oo waxa ka socda hollywoodka run mooddaayi ay yidhaahdaan Itoobiya waxaa garab taagan Maraykanka oo wadankiisii uu la ciirciirayo khaharashka kubaxa Ciraaq.
Markaas sidaas leeyahay waxaan xog ogaalk u ahay qawmiyadaha Itoobiya ee mid waliba ay kasoo horjeedo midnimada Itoobiya oo ay uragto in ay tahay astaanta gumaysiga iyo hawgalada milatari ee aan laqarin Karin ee kasocda dhulka Ogaadeenya.

Dadkii Soomaaliyeed oo uu qab ku dumay isla markaana ceeryaamo rajo xumo ahi ay dul fuushay ayay xoogagga Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya waxay cadawga ku dhufteen dharbaaxooyin isdaba-joog ah,taasoo Soomaalidii tustay in ayna Itoobiya ahayn sida ay moodayeen.
Dadka Soomalida ah badankii aqoon uma ay laha Itoobiya,oo ciidankeeda faraha badan iyo dadka tirade badan ayaa khalkhal ku rida,laakiin Itoobiyaanku waa dadka ugu tabarta yar,ciidanka Itoobiya ee in uu badan yahay lasheego 70% waa lagu ciidameeyay qasab (Xasuuq) oo hadii ay heleen meel il-banaan ah way goostaan,dadka tahriibka ku dhimanaya ama ka buuxa Boosaasana waa ciidamadii ka baxsaday Itoobiya.
Midda kale dadka Itoobiyaanka ahi waa dad kala diinah,kala dhaqan ah,kala af ah oo mar kasta si qasab ah laysugu hayn jiray,maanta hadaba in badan oo dadwaynaha Itoobiya ah waxaa ufurmay indhihii,waxay dareemeen in xoriyadda uu aduunku haysto ayna dadka Itoobiya waligoodba arag,oo xaalkoodu yahay xabbad iyo cadaadis joogta ah,taasi waxay dhalisay in Itoobiyadan is huwan ee qolaba maalin gabood-falka ugaysanayso qolada kale in xalkeeda ay qolo walba u aragto in ay kala tagto.

Iskusoo duuboo dadka meesha fog wax ka arka isla markaana udhuun-duleela dabeecadda Itoobiya waxa usoo baxaysa in Itoobiya ay foorarto oo uu kusoo fool leeyahay burbur isir collow ah.

Mukhtaar Gundid
gundid@gmail.com

Afeef: ARagtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 23, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com